Dahab Shiil Oo U Jawaabay Telesom
 

 



Hargeysa (TNN)-Shirkadda Dahab Shiil ayaa jawaab ka bixisay go’aan ay shirkadda Telesom k aga no qotay maalgashi ay labada shirkadood wershad sibidh oo labaad kaga hirgelinayeen magaalada Ber bera ee xarunta gobalka Saaxil.

Shirkadda Telesom ayaa toddobaadkii hore si rasmi ah uga noqotay maalgelinta wershadaas  sibid hka oo uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud, digreeto ugu  ogo laaday inay wada jir u sameeyaan wershad sibidh oo ka madaxbanaan wershadii hore ee sibi dhka oo ah mid  da wladeed oo ay xukuumadii hore ganacsato ku siisay inay dib u kiciyaan. Shirkadda Telesom ayaa la sheegay inay go’aankaas qaadatay markii ay tixgelisay duruufo jira. Haddaba shirkadda Dahab Shiil ayaa jawaab ka bixisay go’aankaas Telesom.

Qoraal uu madaxa maalgelinta Dahab Shiil Ismaaciil Xaaji Cabdi Ducaale ugu jawaab celiyay  Tel esom 14 April, ayaa wuxuu ku sheegay inay soo dhawaynayaan go’aankaas Telesom. Qoraalka Dahab Shiil u diray Telesom oo aan saxaafadda loogu talo gelin balse uu Geeska  Afri ka nuqul ka mid ah helay ay aa waxa ogaysiin lagu siiyay Madaxweynaha, Wasiirka ganacsiga iyo rugta ganacsiga, “Annagoo tix raacayna qoraalkiinii sumadiisu ahayd Ref: TSL/ADM/0810/11, kuna taariikhaysnaa 14 April, 2011, kaas oo aad ku xusteen inaad ka  bax deen maalgashigii wershadda Saaxil Cement Company ee aynu mudada lixda sanno ka badan ku wada jirnay.” sidaas ayuu Dahab Shiil ku yidhi qoraalkiisa, aanu hel nay, waxaanu intaas raaciyay, “Haddaba iyadoo aanaan shirkadiina ka helin wax ogaysiin ah, ka hor intii aanu ku soo bixin jaraa’idka go’aankaas aad gaadheen ee ku saabsan inaad ka noqoteen maal  gelintii wershadda aynu ku wada jirnay iyada oo ay ku haboonayd in aynu iska aragno duruufaha aa d sheegteen inaad uga baxdeen mashruucan haddana waanu soo dhawaynaynaa go’aankaasa aad gaadheen.”


Dahab Shiil, ugu dambayn wuxuu ku yidhi qoraalkiisa, “Gebagebadii annaga oo uga mahad  celi nayna Madaxweynaha JSL iyo xukuumadiisa rukhsadii ayna siiyeen oo qoraalkiina ogaysiinta ku lahayd, w axaanu u cadaynaynaa in ayna waxba iska bedelin qorshihii iyo himiladii ahayd in ay dalka ka hir gas ho wershad sibidh oo la wada leeyahay, wax wayna ka taraysa koboca dh a qaalaha iyo shaqo abuu rka dalka, diyaarna u nahay in ay sida ugu dhaqsaha badan in wers hadaasi wadanka uga dhisanto.”
 


Source: Wargeyska Geeska Afrika