Dagaal u dhaxeeya laba beelood oo Markale dib uga Qarxey Deegaanka Ceelbardaale Oo Dhimasho Iyo Dhaawacba Geystey

 


Sida ay sheegayaan Wararkii ugu danbeeyey ee Deegaanka Ceelbardaale

Dagaalo Ba,an oo u dhaxeeya lab beelod ayaa markale dib uga Qarxey Saaka Deegaanka Ceelbardaale ee Gobolka Gabiey katirsan kadib markii, ay weeraro soo qaadeen melaaashiyo ka tirsan degaanka Dila, waxa dagaalkaasi ku dhintey sadex qof halka ay qaar kalena ku dhaawacmeen dagaalkaasi.

Sida ay sheegayaan Wararkiiugu danbeeyey ee Deegaanka Ceelbardaale ee Maleeshiyo Beeleedka Dila soo weerareen, Subaxii hore ee Saaka waxa ku geeriyoodey laba nin iyo marxuum kale oo Magaciisa,aanaan wali helin.


Dagaalkani wuxu kusoo beegmay xili wadahadaladii usocdey labada dhinac ay ku dhadhawaayeen gabagabo islamrkaana Go,aamo kama danbeys ah la gudoonsiinayey Maleeshiyada beesha Dila iyadoo Xubnihii Golaha Guurtida ee Arintaasi ku jireyna ay shaley galab u hoydeen Dugsiga Hoose Dhexe ee Degmada Dila balse loo maleynayo in weerarkoodani kadanbeeyey go,aanada oo u cuntami waayey.
Dhinaca kale inkastoo la sheegayo dhimasho iyo dhaawacba hadana lama hayo wali tirada rasmiga ah ee dagaalkaasi ku dhimatey kuna dhaawacantay, laakiin sida a Wararku sheegayaan shaley salaasadii ayaa nin kasoo jeeda Beesha Dila oo magaciisa lagu sheegay (Ina-Kule),meydkisa laga helay deegaanka Satiila oo Dila u dhow ninkaas oo lagu sheegay in uu ahaa nin dad jecel, oo samatalis ah islamarkaana tolkii inta badan khaladka saari jirey lama xaqiijnin wali cid dilkiisa kadanbeysey laakiin sida ay daboolka ka qaadeen warar lagu kalsoonyahey waxey sheegayaan in dikiisa ay kadanbeysey rag beeshisa ah oo ay isku mandhaafsanaayeen aragtidiisa shaqsiga ah .



Dagaalakan kusoo noqnoqdey deegaankani oo ah weerar markasta abaabulan ayaa wali la garan laayahey cida kadanbeysa iyadoo dadweynaha reer Somaliland meelo badan farta ku go,doyaan waana markii ugu horeysey ee inta Somaliland jirtey dagaalkani sidan oo kale usoo noqnoqdo.


Warar kale ee dagaalkan kasoo kardha kal socda qeybaha danbe.

 

 



Wariye C/raxmaan Nuux Axmed (hiiraan)

GABILEYNEWS Hargeysa Office
Email hiiraan07@hotmail.com