Dadwaynaha ku Dhaqan Gobolka Gabiley oo Toosh ku raadinaya Jaamacada Cusub ee uu Dhawaan ku dhawaaqay Maamulka Gobolku
 


Jaamacadan cusub ee la dhisayo ayaanay ilaa imika waxba ka dhawayn, sababtoo ah waxa aan ilaa imika la dhamaystirin.......

Brussels (Longlivesomaliland News)- Dadwaynaha ku dhaqan Magaalada Gabiley ee  x arunta Gobolka Gabiley ayaa todobaadkii ugu danbeeyay raacdo ugu jiray sidii ay u he li lahaayeen xarunta Jaamacad cusub oo Dhawaan ku dhawaaqay Maamulka Gobolka Gabiley, iyaga oo sheegay in ay bilaabantay Diiwaan-gelinta Dadka raba in ay wax ka bartaan Jaamacadaasi. Waxaanay Dadwaynahaasi ilaa todobaadkii ugu danbeeyay ku hawlanaayeen sidii ay uga mid noqon lahaayeen kuwa ugu horeeya ee iyagu ku biira Jaamacadaasi. Arintan ayaa keentay in ay dad badani ka cadhoodaan markii ay  waay een meel laga diiwaan galinayo, iyo Dhismihii Dugsiga sare ee lagu wareejin lahaa  Ard ayda hadda wax ku barata Xarunta loogu talo galay jaamacadda (Ex Qalax).

Qaar ka mid ah dadkaasi oo Gabiley news la soo xidhiidhay ayaa noo xaqiijiyay sida ay ugu heelanyihiin inay iska diiwaan galiyaan jaamacada Gabiley balse aanay garanayn goobta uu maamulka gobolku ku diiwaan galinayo iyaga oo sheegay in sidii idaacadii horyaal guryaha ay ka raadinayaa goobta jaamacada cusub ee uu dhawaan  maamul ku shaaciyay.


Badhasaabka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi(Xabiib) ayaa dhawaan shir-jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Gabiley, waxa uu ku sheegay in ay dhawaan furayaan Jaamacadii Gabiley, sida ugu dhaqsiyaha badana u bilaabi doonaan Isdiiwaan-gelinta badhtamaha Bishan aynu ku jirno ee October.

Dadka inta badan u dhuun-daloola siyaasada Masuuliyiinta Gobolka Gabiley ayaa arin taasi ku macneeyay in ay ku baabiinayaan Dhulkii Hannuuninta Arabsiyo oo ah meel dan guud ah oo ay iibiyeen Maamulka Gobolka iyo Degmada Gabiley. Iyaga oo siiyey lacag uu xadigeedu yahay 36 kun oo Dollar. Sidoo kale dhawaaqa ka soo baxay  Masuu liyiinta Gobolka ee ah in ay dhawaan furayaan Jaamacada cusub ayaa iyadana lala xid hiidhinayaa fadeexad musuqmaasuq ah oo Maamulka Gobolku ay kula kaceen  qaadhaa nkii loo ururinayay Jaamacada Cusub oo iyaga masuul looga dhigay.


Maamulka Gobolka ayaa waqti hore ku dhawaaqay in ay Jaamacad ka dhisi doonaan Gobolka Gabiley taasi oo ku beegnayd waqtigii ugu horeeyay ee ay la wareegaan  Xaf iiska Maamulka Gobolka. Waxaanay ugu baaqeen guud ahaanba Bulshada Reer Somal iland gaar ahaan inta u dhalatay Gobolka ee ka gaysan karta gacan dhaqaale in ay soo ururiyaan Lacag lagu dhiso jaamacadaasi.

Jaamacada Cusub ee Gobolku yeelanayo waxaa ugu horeeyay oo ku dhawaaqay urur Aqoonyahano ah oo ka hawlgala Gobolka oo magaciisa layidhaahdo “SADFO” kuwaasi oo bilawgii dardargaliyay in ay gabiley yeelato jaamacad.

Jaamacadan cusub ee la dhisayo ayaanay ilaa imika waxba ka dhawayn, sababtoo ah waxa aan ilaa imika la dhamaystirin Dugsigii Sare ee la gayn lahaa Ardayda wax ka barata Dugsiga Timacade oo ah xarunta Cusub ee Jaamacada. Sidoo kale waxa aan ilaa imika la bilaabin diyaar garawgii Jaamacada sida Dib u habayntii Dugsiga, diyaa rintii Macalimiinta Cusub ee Jaamacada wax ka dhigi doona iyo Agabkii kale ee ay Jaa macadu u baahnayd.


Hasa ahaatee, waxa aad moodaa in gaabis badan arintaasi ka jiro haday noqoto  dhin aca maamulka Gabiley iyo Qurba jooga oo aan dhamaystirin kaalintii looga baahnaa wali, waayo waxaa bilaabmay Sanad dugsiyeed cusub sida maamulku ku  dhawaaq ayna, “waan la bilaabaynaa” ayay yidhaahdeen, ardaydii Sanadkan baxdayna waxay wada galeen jaamacadaha kale ee Dalka ku yaala, inkasta oo ay jiraan qaar awoodi waayay.

Dhinaca kale, Xaruntii jaamacada laga dhigi lahaa wali waxaa ku jira ardaydii dugsiga sare ee Timacadde oo aan wali laga wareejin, iyada oo aanay jirin meel kale oo loo wareejiyaa ilaa inta la dhamaystirayo Dhismaha Dugsiga sare loo qoondeeyay.

Talo waxaan ku soo ururin lahaa halaga run sheego wixii dadka iyo dalka loo qabanayo ama loo balan qaado, si looga midho dhaliyo hadafka laga leeyahay waxa la qabanayo
.

 

 



Source: Gabiley.net