Xuska UFFO dartii: Dhagaxtuurkii 1982-kii iyo dugsiga sare ee
Tima-cade ama Qalax

- Dadku wax badan kama oga oo lagama wada war hayo in deg, Gabiiley
ay ka mid ahayd, meelihii ugu horayay ee si badheedh ah oo af iyo
adinba leh uga hor yimaada dawladii Siyaad Bare gadh-wadeenka u ahaa
ee dalkii la odhan jiray Soomaaliya ka arimin jirtay sanadihii
1969-91-kii. Waxa dadka degan degaankaasi ay bilaabeen iska caabin
hubaysan inay la galaan maamulkii talada dalka hayay iyo
siyaasadiisiiba 1978-kii dhamaadkiisii, ka dib markii dhib gaar u ah
degaanka Gabiiley oo aad u baaxad wayni kaga timid askartii iyo
jabhadihii la socday ee lagu soo jabiyay dagaalkii 1977-1978-kii
Itoobiya lala galay, huwantaa askarta iyo jabhadaba ah oo la soo
dejiyay meelo badan oo degaanka degmada Gabiiley ka mid ah, kuwaasoo
tacadiyo aad u foolxun oo badan u gaystay dadkii degaankaasi ku
noolaa, oo horseeday inay dadka degaanku is urursadaan oo ay ka soo
horjeestaan walibana la dagaalamaan askartaa iyo jabhadaa wada jira.
Sanadkaa 1978-kii ayay dadka degaanka Gabiiley sameeyeen Jabhadii
magaca wayn kasbatay ee la odhan jiray guutada Afraad, ee kaalinta
muuqata ka qaadatay dagaalkii naftaa furashada ahaa ee dadku ay ku
khasbanaayeen inay u qalab qaataan sabanadii ay hadheeyeen degaanka
dilka, dhaca, xadhiga, boobka iyo kufsiguba ee kaga imanayay dhankii
askartii Siyaad Bare iyo jabhadihii lagu magacaabi jiray xoraynta
soomaali galbeed, intaa waxa kale oo dheeraa oo ay isla mar ahaantaa
ay xukuumadii Siyaad Bare degaanka saartay cadaadis adag oo lagu
naafaynayay iska caabintooda, kaasoo si ba’ an looga dareemayay
degaanka, inkasta oo aanu wiiqin hankii, himiladii iyo halgankii
jabhada Afraad waday iyo dhiidhigii dadkaba, oo aakhirataankiina ay
iyaga guushu raacday.
- Hadaba hordhacaa iyo baacsigaa yar ee taariikhda deg, Gabiiley ka
dib, oo ah gundhiga iyo halka uu ka foofayo maqaaalkani, si aad bal
u sawiran karto xaalada ay degmadu ku jirtay xiligaa, ayaa su aashu
waxay tahay, sidee ayay Gabiiley uga qayb qaadatay dhaqdhaqaaqyadii
iyo kacdoonadii kale ee Goboladii waqooyiga la isku odhan jiray
(Somaliland) ka bilaabmay 1980-dii??, Jawaabtu waa, Gabiiley kama
duwanayn dalka intiisa kale oo gocashadii iyo tabashadii jirtayba
way kala sinayd, hadaanay weliba iyadu wax sii dheerayn, waxa hadaba
aan ku koobayaa qoraalkan yar intii aan ka ogaa ee aan hada ka
xasuusto, iyo kacdoonkii dhagaxtuurka ardayda ee 1982-kii ka
bilaabmaay Hargeysa kuna baahay magaalooyin badan oo kale oo ay
Gabiiley-na ka mid ahayd.
Aduunku kan maanta la joogo ma ahayn ee wax wayn ayuu kaga duwanaa
dhankastaba xiligaasi, sida dalka iyo dadkuba yahay hada lama ahayn
oo xogta helitaankeeda iyo warku waxa uu ahaa gibin, xaqiiqda
raadkeeda iyo meel loo raaco si fudud looma heli karayn, waxa badnaa
mala awaalka iyo ku tidhi kuteen. Dhacdooyinka Hargaysa ka socdaa
waxa ay nagu ahaayeen tiigaal durugsan anaga oo Gabiiley oo agteeda
ah ku nool oo joogna, ma jirin bahalkan hada meel kastaba
biyo-yaa-shubanta ah ee la yidhaa Mobile-phone, ma jirin Telefoon
lagu wada xidhiidhaa, ma jirin war fidiyayaal kale, sida joornaal,
radio madaxbanaan, Tv iwm.Waxanu ku jirnay oonu ku xeraysnayn
dugsigii sare ee Tima-cade oo Hooy(boarding school) ahaa, waa
dugsigii kali ahaa ee sare ee ka jiray degaanka Gabiiley, oo isna
cidla ku yaal, oo aan xidhidh toos ah haba yaraatee la lahayn dalka
intiisa kale, waxa ku jira digsiga arday meelo badan ka kala timid
oo waaba ay ku yaraayeen kuwa magaalada Gabiiley u dhashay, dadka se
degaanka laga xukumo degmada Gabiiley ka yimid waa ku badnaayeen..
Dhiidhigii iyo ka soo horjeedkii xadhigii macalimiinta ee Hargeysa
iyo Wax-garadka kale waxa uu si fishaan-fishaan ah ugu soo faafay oo
uu ku soo galay Gabiiley, si gaar ahna waxa uu ugu fiday dugsigii
sare ee Timo-cade, xiligaa waxa maamulkii degmada Gabiiley xukumi
jiray nin la odhan jiray Buule, isaga iyo taliyayaashii kale ee
milatariga, sir-doonka, iyo bilayska ee degmada iyo degaanka odayaal
u dhashayba waxa ay bilaabeen inay gaalaa-baxaan dugsiga sare ee
tima-cade si ay uga hortagaan una baajiyaan in ay ardaydu wax
dhaqdhaqaaqa samayso, iyaga oo si toosa iyo si dadbaba noogu muujin
jiray, oo mararka qaarkood caga-juglayn iyo gorayo-khaakh-layn
badana kuba dari jiray.
Waxa ay ka dab-qaadan jireen oo ay ku xidhnaayeen maamulka Hargaysa
oo marka la soo sheego inuu sii kululaaday kacdoonka Hargaysaba,
waxa uu isna maamulkii degmadu bilaabay inuu isna carcarakiisa iyo
dhaqdhaqaaiisa badiyo, oo uu marmarka qaarkood soo dhoobo ciidamo ku
hubaysan qalbka milatariga kala ah Jiibab iyo Beebeeyo, dhaulka u
dhaxeeya magaalada Gabiilay iyo dugsiga sare ee Tima-cade oo masaafo
dheer isku jira si loo cabsi galiyo ardayda, waxa kale oo la
joojiyay bixitaankii ardaydu ay magaalada ku tagi jirtay, oo waxa
lagu soo rogay bandoo oo laga godoomiyay dunida inteeda kale, waxa
kale oo hanjabaad iyo cabsi galin badan la kulmay maamulkii dugsiga,
macalimiintii iyo odayaashii degmada oo lagu amray inay ka hortagaan
oo ay fashiliyaan banaabaxyada ardayda lagu tuhunsan yahay inay
samayn doonaan.
Waxa lagu soo kordhiyay arday cusub iskuulkii oo u shaqaysa dawlada
siiba sirdoonka, wada hadalkii iska furnaa ee arday dhexdeedu wuu
joogsaday, waxa bilaabmay qaybsanaan leh dareen la isku kala
qoqobayo oo laba loo kala jabay, dad raacsan kacdoonka iyo dad iyagu
ka soo horjeeda oo la saftay dawlada oo weliba garabna ka helayay
xukuumada haday tahay maamuladii degmada iyo gobolka-ba ee dawladii
Siyaad Bare. Qaybtayadii macalimiinta iyo wax-garadka xadhigooda
diidanayd si aan ula socono hadba waxa dhacayay waxa lagama maarmaan
ahayd in la helo cid, u gacan banaan una darban arimahan oo kale,
waxa aanu helay gurmad nooga yimid Hargeysa, oo noo noqday miciin
iyo isku xidhe qaybtayadii kacdoonka raacsanayd iyo dhaqdhaqaaqii
Hargeysa, ninka hawshaa dusha u ritay waxa uu ahaa, mudane Xirsi aw-cabdi
sheekh, oo hada jooga Birmingham(uk).
Si dhuumasho iyo qarsoodi ah ayaa uu mudane Xirsi aw Cabdi Sh,
gooraha cawayskii noogu iman jiray dugsiga sare ee tima-cade oo uu
nooga xog-warami jiray waxa ka taagan Hargeysa iyo sida xaal yahay,
waxa kale oo uu weliba ka qayb qaatay dhiirigalinta ardayda dugsiga
sare ee Hooy-ga Tima-cade, isla dugsigan waxa kale oo wax ka baran
jirtay arday badan oo magaalad Gabiiley ku noolayd oo aroortii ka
soo kalahi jirtay magaaalada, casharada ka dibna ku noqon jirtay
magaalada oo aan iyagu deganayn dugsigii hoyga ahaa, kalase mid ahaa
dareenka iyo kacsanaanta kuwa ku xeraysan Tima-cade, oo isabaabulka
iyo tiritirsiga dhankooda ka waday.
Sakati baa dadka ku taagnayd, kacdoonka ay ardaydu xaga danbe ka
riixaysaa wuu ku cusbaa dadka oo hore looma arag, ninba sibayse ugu
muuqanaysaye, tusaale ahaan macalimiintii noo dhigi jirtay ayaa
marka aanu sheekaysanayno, iyaga oo nala wadaagaya dhibta aanu
diidanayn hadana ku kala duwanaa aragti ahaan sida la yeelayo, oo
qaar raacsanaayeen in aanu falal sameeyo dhankay doonto ha u dhacdee,
halka qaar kalena ka calool-waydsanaayeen hadii deganaansho la’ aan
la sameeyo, dhibta ardayda kaga iman karta maamulkii macangaga ahaa
oo aan xal u arakyn in sidaa wax lagu doono amaba laga hor-yimaado
talaabooyinkiisii waxshinimada ahaa ee uu ka fiirsosho la'aan iskaga
dhaqaaqi jiray.
Dhanka kale waxa sii adkaaday ku wada noolaanshihii dusiga sare ee
Timo-cade, oo ardaydu aad ugu kala qaybsantay arinta xadhigii
macalimiinta iyo waxgaradkii (uffo), inkastoonu wax dagaal ah oo
muuqdaa ka dhicin hadana is-necbaansho iyo kala fogaan xoog leh ayaa
abuurmay, dugsiga waxa ku noolaa sidaan hore u soo sheegay arday
badan oo meelo kala duwan ka kala timid cid kastana lahayd, waxa la
yaab iyo cawo-daro ahayd in dhalintii walaalaha ahayd ee meel ku
wada noolayd, ee iska xigtay dadka kale uu maamulkii Siyaad Bare ku
dhex tuuro dab oo uu ku kala fogeeyo arintaa UFFO, oo uu qaarna soo
dhawaysto oo uu weliba fikrado kale ka dhaadhiciyo, qaarna ku
shaabadeeyo qabiil, dib-u-socod iyo waxay ugu yeedhi jireen kacaan
diid !!.
Wax ay arintii xadhiga macalimiintu laba-dhaclaysoba waxa
gabagabadii la soo gaadhay maalmihii la keenayay maxkamada Hargeysa,
aad baa dadku u kacsan yahay, in la muujiyo diidmo ka dhan ah xukun
ku dhaca macalimiinta iyo waxgaradka kale oo wax la sameeyaa waxa uu
noqday ka maaran-waa, anaga oo ah ardayda qaybtii taageersanayd ka
soo horjeedka cadaalada darada lagula kacay macalimiinta iyo wax-garadka,
waxa aanu tashiyo hoose oo gaar-gaara ku gaadhnay inaan samayno
banaanbax aan rabshado wadan, lase tusayo maamulkii talada hayay
sidaanaan raali uga ahayn xadhigaa xaqdarada ahaa ee aqoonyahanada
iyo macalimiinta (uffo). Run ahaantii ma ahayn wax fudud sidaan taa
ku suurta galin lahayn, duruufaha nagu gadaanaa awgood, ha ugu
daraato dhaqdhaqaaqa arday oo isha lagu hayay, oon la ogolayn inay
magaalada u baxaan, iyo weliba anaga oo kala jaban oo taasina
wiiqisteeda lahayd, oo kaad wax ku qarsan lahayd aad ka qarsanayso.
Markii la ogaaday in Maxkamad la saarayo macalimiintii berito,
ayaanu habeenkii go’ aansanay inaanu siday doontaba ha ahaatee tagno
magaalada, oo aanu ka banaanbaxno arintaa, si taasi noogu suurta
gasho oon lanooga baajina waxanu ku tashanay, inaanu magalada oo
naga yar fog, si aan urursanayn ku tagno, oo ninba meel ka soo galo,
la iskuguna yimaado meel aanu ku balanay, halkaana markaa laga
bilaabo socod lagu marayo magaalada dhexdaada, nasiib wanaag waa ay
noo suurta gashay arintii oo inkastoo aanaan tiro ahaan badnayn,
hadana gudanay xilkii markaa na saarnaa anaga oo aan wax rabshado ah
samayn, markii aanu fulinay qorshahayagii xaalado kadis ah oo xaga
dawlada nagaga yimid oo nala soo darsay awgood, waxanu ku kala
baahnay magaalada oo aanu kala galnay, si aanu hadana anaga oo
baahsan u hoyano, waxase dhacday in dhexda arday badan loo galo oo
markay ku noqonayeen iskuulka la qabqabto, qaar kalena magaalada
laga dhex ugaadhsado oo la xidho.
Tiro door ah ayaa ay noqotay ardaydii lanaga qabqabtay, kuwaas oo ku
jiray jeelka mudo ku dhaw sidaan filayo Bil, inkasta oo aan wax
xukun ahi ku dhicin hadana hanjabaada iyo cabsi galintu kuma yarayn,
waxa jiif iyo joog diiday oo ka hawlgalay in la sii daayo ardaydaa
odayaashii iyo wax-garadkii magaalada, ugu danbayntiina waxa lagu
qanciyaay maamulkii Siyaad Bare in la iska sii daayo dhalinyada oo
sidaasi ay roon tahay, waana ay ku guulaysteen.
Wax kasta sheekaa ka hadhee, waxase ma ilowdo ahayd in xadhigii
xaqdarada ahaa ee macalimiinta (uffo) iyo aragtiyihii ay ardaydu ka
kala qabtay, uu wada noolaanshihii iyo xidhiidhkii ku sameeyo boogo
buqbuqa oo aan bogsan, oo dhalintii da’ da yarayd ee ku jirtay
dugsiga sare ee timo-cade ku kala damqato. Xeeladaha iyo tabihii uu
taliskii Maxamed Siyaad bare adeegsan jiray bay ka mid ahayd kala
qaybinta dadku, taasaana kow ka ahayd kala waji-dadabka iyo xumaanta
hadii aanu nahay ardaydii dugsiga Timo-cade na dhex timid.
Gabo gabadan maqaalakan yar, waxan xasuusin lahaa dadka in aanu u
yaraysan oo aanu waxba dib u dhigan intii tamartiisa ahayd,
maamulkii milatariga ahaa ee Siyaad Bare hogaamin jiray, siduu guud
ahaan dadka reer Somaliland u kala qoqobi lahaa ee uu isaga hor
keeni lahaa, sidaa darteed waxan odhan lahaa, ha inoo noqoto cashar
aan ka barano inaan ka hor tagno, inaynaan mar kale ku dhicin Godkii
la inaga qaniinay mar hore!!! Waa iga intaa iyo intay xasuustu i
siisay.
''Somaliland ha jirto oo ha joogto weligeed''
Cali Cumar Xasan.
|