Dacwaddii lagu soo oogay gacan ku dhiigle Maxamed Cali Samatar,oo guul
ku dhammaatay

Virginia,USA, 24 February,2012 (TNN)-Waxa maanta oo ah maalin jimce
ah , bishan aynu ku jirnaana tahay 24, ku soo af-jarmay dacwadii
lagu soo oogay Gacan ku dhiigle Maxamed Cali Samater oo ahaa Ra'isal
Wasaarihii Wadankii la odhan jiray Somalia. Dacwadaas oo bilaabmat ay
sanadkii 2004, socotayna mudo ah
12 sanadood, ayaa galabta ku soo
dhamaatay si guul ah.
Dacwadaas oo ka socotay Maxkamad Sare oo ku taala magalada la
yidhaah Alexandria, ee Go bolka Virginia ee Waqooyiga Mareykanka.
Dacwadan oo ay ku soo oogeen laba Eedaysane oo ka soo jeeda
somaliland, lana kala yidhaahdo
Bashe Abdi Yusuf "ina cabdi yare", iyo Aziz Moh amed Deriye oo
labaduba haysta dhalasho ah Wadanka Mareykanka.
Dacwadaas oo mudo dheer soo jiitamaysay oo ay labad Dacwad ooge ay
caawinayeen Hayad la yidhaah " CENTER FOR JUSTICE AND ACCOUNTABILIY".
Hayadan oo ah mid dabagal ku samays a dadka ahaan jiray madax ee soo
galay danbiyaal ka dhan ah xuquuqal insaanka, markay joo gay
wadamaday ka talin jireen, sida gacan ku dhiigle Maxamed Cali
Samater iyo qaar kaloo ba dan. Dacwadan oo hayadani ay marar badan
tageen wadankii Somaliland iyagoo soo warayta y dadkii xogxogaalka u
ahaa siday wax u dhaceen iyo dadkii iyaga sida gaarka ah loogu
gayst ay dhibaato ka dhan ah xuquuqal insaanka.
Gacan ku dhiigle Cali Samater waxaa ay tiraba Dacwad oogayaashu kula
taliyeen in uu qirto in uu ahaa ninkii ka danbeeyey xasuuqii loo
gaystay dadka la yidhaahdo reer waqooyi, waliba qa biilka la yidhaah
"ISAAQ". Cali Samater waxaa uu ugu jawaabay in aanu wax danbiya
qabin iskana difaaci doono maxkamad walba oo la geeyo. Taas oo
hadduu aqbali lahayd ay ka bad baadin lahayd in dhibta maanta ku
dhacaysa aanay gaadheen. Somalida ayaa waxay tidhaah oo ku
maahmaahdaa " TALO WAA MAR AAD GARAN WAYDO, IYO MAR AAD GAADHI WAYDO".
Shalay ayuu Gacan ku dhiigle Cali Samater ka hor qirtay Maxkamada
Sare ee Mareykanak in uu danbigii lagu haystay Qirtay, oo uu isagu
waa Cali Samatare uu ahaa ninkii burburiyay magalo oyinkii
Somaliland, dadkii lagu qiyaasay 50,000 qofna laayay.
Ninbaa laga hayaa " IYABA WAA CIBAAREE DACAR MIYAAN LEEFAY".
Shalay ayaa kolkii uu qirtay maxkamadii halkii ka sii socotay waa
shalay oo ah khamiis, waxaa la dhageystay dacwadii, Dacwad
Oogayaasha iyo Markhaatiyaashoodii oo qaar ka mida laga keenay
Somaliland, qaar kalan ahaayeen niman khubaro ah iyo madaxdii kolkaa
joogay safaa rada mareyknka ee muqdisho uu intuba cadeeyay in uu cali
samater ahaa ninka ku xiga Dicta tor Siyad Bare, ahaana ninkii
burburiyay magalooyinka Somaliland.
Markhaatiga aanu shalay dhagesan oo ahaa gabadh u dhalatay Wadanka
la yidhaah GAANA, ee galbeedka Africa oo magaceeda la yidhaah...Mrs.
OHENE, oo ahayd gabadhii ka qaatay gacan ku dhiigle Cali Samater
waraysigii uu idaacada BBC qaybta ku hadasha Afka Ingiriisiga ee
Africa uu u qirtay in uu ahaa ninkii ugu sareeyey ee bixiyay amarka
lagu burburinaayay magalooyinkii Somaliland, laguna Dilay dad ka
badan 50,000 oo qof.
Waxaa kalooni dhagaysanay wada hadala ay wada hadlayeen gacan ku
dhiigle Cali Samater iyo Dictator Siyad Barre, sanadkii 1988, kolkii
jabahadii xaq u dirirka ee SNM, burco qabsatay kuna wada hadlayeen
aalada la yidhaahdo foonyaha, oo uu Dictator Siyad Barre ku leeyahay
cali samater shicibka ka ilaali hubka culculus, dabeeto uu gacan ku
dhiigle ugu jawaabay waxa an u isticmaalyaa wax allah wixii hub ah ee
ann haysto , sababtoo ah waxa si xun u dhaltaa lmay ciidankii qaranka
soomaaliya oo ay jabahdii SNM si xun u gashay, sidaas aawadeed
wax aan ku garaacayaa madaafiic waaweyn shicibka maglada dagan,
sidaasu cali samater ku siinayaa amarka komaandarkii markaa haystay
burco .
Maanta oo ah jimce ayay dacwadii soo xidhantay iyadoo kolkaad
dhagesto markaatiyaasha iyo waxa lagu hadlaayo aanu dhamaantayo
jidhiidhico wada ilmeynay, xitaaya markhaatiyaa shi kolkay ka
sheekeeyaan wixii soo maray ee lagu sameeyey iyga iyo jicibkii reer
somaliland aanu adkaysan waynay oo anuu wada ilmeynay. Laakiin
aakhirkii ay ku dhamaatay jawi farxa da iyo damaashaad.
Xaakinkii qaadaayay dacwada waxay noo sheegtay in ay go'aankeeda
sheegayso mudo laba amaba saddex usbuuc ah, kaas oo ah go'aan ah
waxa laga yeelaayo gacan ku dhiigle cali sa mater." waxaa iyaguna
dacwad ka dhan ah ku furaaya usbuuca danbe laanta socdaalka dalk an
mareykanka, taasoo noqon doonta in wadanka dibada looga saaro waa
dacwada laanta socdaalka.
Dacwadan gan ku dhiigle waxay tahay markii ugu horeysay ee adduunka
maxkamad lagu soo taago gacan ku dhiiglayaashii ka danbeeyey
xasuuqii ka dhacay somaliland iyo somalia, taaso oo hadda noqtay
dacwadan ka dib tusbax furmay oo nin walba oo jooga maanta wadamada
yurub, waqooyiga mareykanka, aasiya, iyo qaaarada africaba in lagu
soo oogi karo dacwad ka dhan ah dadkii xasuuqa gaystay
Waxa madad leh dadka sida fiican uga qayb qaatay dacwadaas socotay
mudo ah 12 sano, iyo hayada "CJA".
Dadka sawirdan waa sidan, Dacwad oogayaal iyo markhaatiyaal
1) BASHE ABDI YUSUF 2)AZIZ MOHOMED DIRIYE 3) NIMO MOHAMED DIRIYE 4)
BURALE SALAX MOHAMED 5) AHMED JAMAC GULEED
Dadka sida fiican ula shaqeeyey ilaa maalintii bilowgii ee mahad
gaarka ah leh ee iyaga la'aant ood aanay wax badani socdeen waa.....1)
ANIIS CABDILLAAHI CIISE
2) AHMED MOHDI HUSEEN 3) HODAN GAMADIID.
ANIIS CABIDLLAHI CIISE
AHMED MOHDI HUSEEN
WASHINGTON DC. USA
|