Daahir Rayaalle Oo Dalka Soo Gaadhay, Kana Hadlay D agaaladdii Ka Dhacay Buuhoodlle, Shirka Ka Dhacaya London Iyo Xidhiidhka Ka Dhaxeeya Somaliland Iyo Dawladaha Jaarka Ah.

 

 



“ kuma aan taliyeen in laga qayb gallo shirka london Kaman qayb galayno laakiin "...
Daahir Rayaalle

Hargeysa (TNN)- Madaxweynihii horre ee jamhuuriyadda Somaliland mudane Daahir Rayaalle Kaahin ayaa maanta ka soo degay gagidda diyaaraduhu ka haadaan ee Egal International Airport ee maga aladda Hargeysa, waxana madaarka ku soo dhoweeyay Xubno ka mid ah golihiisii horre ee wasiirad da, Xildhibaanadda labadda aqal baarlamaan, Siyaasiyiin iyo boqol aal qof oo kalle.

Daahir Rayaalle kaahin oo qolka nasashadda ugu waramayay saxaafadda ayaa ka hadlay ari mo la xiodhiidha, shirka dhowaan ka dhici doona magaaladda London, Xidhiidhka Somaliland ka dhaxeeya dawladda jaarka ah khaastan Itoobiya iyo Jabuuti, Dagaaladdii dhowaan ka dh acay Buuhoodlle iyo khilaafka xisbigiisa.

Madaxweynihii horre ee Somaliland Mr Rayaalle, waxa uu sheegay in shirka london aanay ha boonaayn in laga qayb gallo shirka london waxana uu yidhi “ kuma aan taliyeen in laga qayb gallo shirka london Kaman qayb galayno laakiin maanta cidda ka qayb gasha ayaa khayr iyo sharba waxay ka keenaan lagala xisaabtami doonaa”.

Daahir Rayaalle sidoo kalle waxa uu ka hadlaya dagaalkii ka dhacay buuhoodlle, waxana uu yidhi “dag aalku marnaba ma fiicnaa waxana aan ku talin lahaa in la joojiyo”. Waxana uu int aasi ku daray in uu k a xun yahay dagaaladii ka dhacay Buuhoodlle.Dhanka kalle waxa uu sh eegay in uu ku raja weyn yaha y in uu khilaafka ka saaro xisbigiisa.

 

 


Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland