DASTUURKA DALKA IYO DOC FARUURKA KA MUUQDA
QORMADA KOWAAD :
Waxaa wadan ku horuumari karaa hogaankiisuna caadil
noqon karaa marka qof kastaa dhawro ilaaliyo difaaco
shuruucda iyo dastuurka dalkaasi ku dhaqmo. Xeerarka iyo
shuruucda dalku wa xay ka soo farcamaan waa dastuurka
dalka. Haddii xeerku ka soo horjeesto qodob dastuuri ah
xeerkaasi maaha mid saxa waa in afti dalka ah la qaado.
Aftidu waa dalka oo dhan maaha 1200 qof sida dastuurka
xamar.. Dastuurku waa waxa keliya ee cidina jebin Karin
hadii aan afti loo qa adin.Madaxwaynaashu waxay isku
dayaan inay jabiyaan qodob dastuuri ah oo dano gaar ah
ay ka ka fushan kari waayeen ama awoodooda ku
xoojisanayaan si ay awooda siday rabaan ugu tagri falaan(
Power abuse).waxay arintani dhalisaa digtatooriyad.
Tusaale ahaan tii Afweyne oo kale. Xasuuso intii isbedel
uu sameeyey ee aan distooriga ahayn ee uu ula magac
baxay tigrey to madaxwayne, badbaadin qaran iwm
Dastuurka dalku wuxuu xadeeyaa awoodaha muwaadinka iyo
awoodaha xukuumada labadaba. Maamul badan oo Africa iyo
dalalka soo korayaba xukuumadaha ka jiraa waxay si gaara
ugu ta gri falaan awooda dastuuriga ah ee loo egmaday,
marka ku tagri falka awoodu sii kordhaba wax aa sii
kordha sidii awoodaa loo difaaci lahaa waxaana samaysa
xeerar iyo wereegtooyin ka soo baxa xukuumada oo
shacabka loogu caga jugleeyo waxaana wadaniga lagu cabsi
geliyaa hadaad xukuumada ka hortimaado qalad iyo saxba
waxaa mudanaysaa ciqaab iyo xadhig. Sida dastuurk a
Somaliland ku cad xukuumadu waxay u taagantahay inay
ilaaliso difaacdo xuquuqda wadaniga, marka
digtatooriyadi abuurmayso arinku wuxuu isku bedilaa
dhinaca kale oo dadka ayaa lagu w acyi geliyaa inay
xukunka jira qalad iyo saxba ku ilaaliyaan. Waxaa
samaysma daba dhilif aad u tiro beela oo dhamaantooda
xukuumada difaaca shacabkana ka dhiga la haystayaal.
Danaha um mada iyo danaha guud waxaa laga hormariyaa
danaha shaqsiga.waxaa samaysma koox yar oo ku heshiis ah
danaha shakhsiyeed cidii ay u arkaan inay ka soo
horjeesanayaana waa la xidhaa ama ummada ayaa laga
horkeenaa tiiyoo loo adeegsanaayo awood dhaqaale, awood
saxaafade ed iyo idaacadeed ama TV. Dadka oo aan u
bislaan dastuurka boqolkiiba shagaashana arag xat aa sida
uu u egyahay waxay rumaystaan oo ay maqlaan waxa
xukuumadu markaa uga yeedhiso warbaahinteeda.waa wixii
laga dhaxlay maamulkii afwayne ee sodonka sano dadka
cabudhiska ku hayey.
Inkasta oo sifayaasha aan soo sheegay ka dhexmuuqdaan
maamulka maanta jira bal an in yar jaleecno qaar ka mid
ah isbedelada sharci ee intii xukuumada siilaanyo jirtay
la hirgeliyey iyo mu gdiga soo foodsaaray ee aan wali
cidi ka hadal.
Madaxwayne siilaanyo wuxuu balan qaaday xiligii
doorashada madaxawaynaha inuu asxaabta b adan wadanka ka
furi doono isaga oo raacaya dastuurka dalka aftina qaban
doono si dastuu rka wax looga bedelo.(daawo waraysigii
Cawke xiligii doorashada ka hor uu la yeeshay sadexda
gud oomiye). Waxaa dastuurkeena loo adkeeyey in aan
cidina si gaara ugu tagri falin cid kastana aw oodeeda
xadido.way jiraan qodobo u baahan kobcin iyo kabis sida
gudoomiyaha maxkamada sa re oo madaxwaynuhu soo magacaabo
xilkana ka qaadi karo.shuruudaha magacaabistu waxay ku
qeexantahay dastuurka lakiin ma jiraan shuruudo qeexan
oo madaxwaynuhu xilka kaga qaadi ka ro arinkaas oo ah
awood aan isku dheeliteraynwaxaan ku falaqayn doonaa
qormooyinka dambe. Madaxwayne siilaanyo
balanqaadyadiisii ayey ku jirtay inuu wax ka qabto
qodobada fadhiidiyey garsoorka. Iska daa balanqaad wax
lagu saxo eh kuwii saxa ahaa ayaa maanta mugdi soo
hadhe eyey. An soo qaadano Dastuurku Somaliland
qodobkiisa 50aad WAAYIDA XUBINIMADA GOLAHA WAKIILADA
XUBINTA GOLAHA WAKIILADA WAXAA LAGU WAAYI KARAA:
1. XUBINTU GEERIYOOTO AMA UU KU YIMAADO XANUUN SUURTO
GELIN WAAYA GUDASHADA XILKEEDA.
2. XUBINTU ISTIQAALAD DHIIBTO, ISKEEDNA SHAQADA UGA TAGTO
GOLUHUNA KA OGOLAADO.
3. UU JABO SHARCI KA MID AH SHURUUDIHII LAGU SOO DOORTAY
AMA UU GUDAN WAAYO XILKIISA.
4. UU KU DHACO XUKUN CIQAABEED KAMA DAMBAAYS AH OO
MAXKAMAD HORTEED KAGA CADAADAY
5. UU KA MAQNAADO GOLAHA 20 FADHI OO ISKU XIGA IDIN LAAAN.
Qodobada shanta ah ee xildhibaanku xilka ku waayi karo
waa cadaan, afkeenii hooyo ayey ku qo ran yihiin.
Madmadaw lama gelin karo. Xildhibaanku xisbigii soo
doortay ee uu golaha u fadhiyey haddii uu ka baxo wuxuu
jebiyey qodobka 50aad farqadiisa 3aad. Waxaa halkan ka
dhex muuqa ta ku tagrifal awood sharci . Qodobka la
jabiyey dan shakhsi ayaa ka muuqata. Qofna ma inuu sh aqo
beelo. Qorsha dheer waa in lagu daraa dastuurka waxa
laga yeelayo hadii tani oo kale dhac do laakiin maaha in
dabarka iyagu gacantooda isaga furaan. maanta waxaa
tartamaya ururo w axaana soo bixi doona sadex xisbi qaran
oo ka duwan kuwii horey u jiray. Golaha baarlamaanku
wuxuu ka kooban sadexda xisbi qaran ee maanta jooga,
sharcigii lagu soo doortay meesha wuu ka baxay. Si ay
shaqadooda u sii dheeraysan karaan ugana qaybgalikaraan
ku danaytsiga awoo da sharci waxay isbedel ku sameeyeen
xeer number 14. Isbedelkaa oo si toosa ugu soo horjee da
qodob dastuuri ah. GARI LABA NIN KAMA WADA QOSLISO ayey
noqon lahayd hadii maxkamad adag oo dastuuriya oo ka
madaxbanaan xukuumadu shaqaynayso.maanta taasi ma jirto
wax walba waxay ku soo uruureen madaxwaynahaa
yidhi.shacabka ayaan u dhaafayaa magaca ay u bixiyaan
golihii wakiilada marka doorashada degaanku dhamaato
cirana danahiisa shakhsi ku dhamaysto.
Xeerka SIR DOONKA ee dhawaanta la ansixiyey waa ufo
horsocota digtatooriyad samaysanta. Wuxuu salka ku hayaa
difaaca xukuumada ee maaha mid ummada u adeegaya. Waa
kuu Gaani iyo Morgan ku fuliyeen dadkeena. Waxaan
madaxwaynaha leeyahay bal dhuux oo dhandhaso nuxurka
xeerka.wixii aad duurka u gashay ee uaad dib jirtay
inaad dalkaaga ka xorayso, dib ha ugu bilaabin. Hadii
kale waxay kugu noqon doontaa taariikh madow oo buuga
tariikhda kuu gala. xeerkan iyo dulucdiisa waxaan si
fiican ugu lafaguri doonaa qormada labaad. ILAAHAY
DADKEE NA IYO DAWLADABA WADADA TOOSAN HA TUSO. WAXAA KU
SOO GABABAGAYNAYAA ILAYSK AA NINKII SHIDOW ABAAL BAAN KUU
HAYAA AGOONTAA NINKII QAXSHOW INKAAR BAAN KUGU OGAHAY.La
soco qormada labaad todobaadka dambe.
MAHDI JAMA ROBLE
MAGALLADA SHEFFIELD,UK |
|