Cumar Muuse Mire Oo Ahaa Wiilka Kaliya Ee Ajashiisu Baaqiga Ka Noqo tay 47 Qof Oo Lagu Xasuuqay Xeebta Jaziira Oo Xalay Dhacdadaa Xanuunka Badan Hargeysa Kaga Sheekeeyey

 



“Xabadu dhabarka ayey igaga dhacday oo way i jiidhaysay, askartii ayaa soo dhex galay maydad kii oo midba mid ayuu jiiday, markaas ayuu Askari lugta igu dhagey aniga oo gariiraya naxdintii, w axa uu ku yidhi Taliye kani wuu nool yahay..”


Hargeysa (TNN) – Cumar Muuse Mire oo ahaa Ninka kaliya ee ka badbaaday 47 qof oo ka soo jeed ay Somaliland oo ciidamadii Siyaad Barre ku xasuuqeen xeebta Jazeera ee magaalada Muqdisho 1989-kii ,ayaa dalka markii ugu horaysay ku soo guryo noqday, kaas oo xalay Madal Casho sharax ah oo uu ku qaabilay Hotel Summer Time Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Baarlamaanka, Xildhibaano, S alaadiin iyo xubno kale kaga waramay dhacdadaa Xanuunka Badnayd ee Xeebta Jaziira.

Cumar oo ka waramay sidii uu kalidii u badbaaday iyo Xasuuqii habeenkaa ayaa dadkii madasha fad hiyey ee dhagaysanayey ay mar kaliya dareen naxdin iyo jidhiidhico leh ay saaqday.

Cumar Muuse Mire, oo ka waramaya sidii ay habeenkaa Askartu guryaha uga soo ururiyeen dadkii reer Somaliland ee Muqdisho joogay iyo sidii dhagta dhiiga loogu daray, waxa uu dhacdadaa ku bil aabay sidan:- “Waxay ahayd 17-kii July ee 1989-dii, markii ay guriga noogu soo galeen shan Askari anaga oo hurudna ilaa Kowdii Habeenimo, waxaanay nagu khasbeen Askartaasi inaanu Guriga Alba abkiisa ka furno, waxaana ka furay Albaabka nin la odhanjiay C/risaaq Caydiid, gurigii ayey soo ga leen, markaa anigu waxaan galay meel Xamaam ahayd oo Alaab guriga lagu rinjiyeynayey ay yaale en, waxaanay baadheen Gurigii oo dadkii ayey wada kiciyeen, markaas ayaan is idhi bal eeg waxa ay nimankani samaynayaan, markaas ayaan Lugta ku dhuftay Daasad meesha taalay, markii ay sh anqadhii maqleena waxay igu yidhaahdeen dibedda u soo bax, dibedda ayaan u soo baxay oo dha maantayo intayadii guriga joogtay waxay isugu kaaya keeneen Guriga Daaradiisa, markaa waxaan u Guriga ku joognay Shan Nin iyo Afar Dumar ah, waxa nagu jiray Ilmo yar iyo Oday weyn, Odaygii waxay yidhaahdeen inaga daaya ma socon karayee Dumarka ha u wehel yeelee, waxaanay na gee yeen meel aan Guriga waxba ka fogeyn oo ay dad badan ku ururiyeen, dadkaasina waxay u fadhiy een layn layn oo waxa ku jiray dad Feedho qaawan oo ay ku wareegsan yihiin Askar badani, waxaa iyaguna meesha taagnaa laba gaadhi oo midi yahay kuwa xamuulka ee ciidamada iyo mid yar oo nooca barawnka loo yaqaano ah oo uu Qori saaran yahay.

Askarta qaarkood waxay dadka ka soo ururinayeen Xaafadaha oo ay ka keenayeen, markaa Ask artu dadka way laynayaan oo Laag ayey la dhacayaan, dadka meesha la isugu keenayna waxay madaxa kula jiraan Labada Jilib dhexdooda, anagana sidii oo kale ayey noo fadhiisiyeen, markaas ayuu Taliyihii ku yidhi Askartii waa imisa, waxa uu ku yidhi waa 47 Taliye, saara gaadhiga ayuu ku yidhi, Gaadhigii ayaa nala saaray oo dhinaca Koonfureed ee Magaalada Muqdisho ayey noola dhaq aaqeen, markii uu Magaaladii ka baxay ayuu Gaadhigii wadadii ka baydhay oo uu maray meel Raf ah, dadka gaadhiga saaran markaa waxaan fadhiyin Ilmo yar oo gacan ka jaban oo aan ku qiyaas ay da’diisa ilaa 17-jir, waxaa markaa i ag fadhiya Oday weyn oo ilaa 80-jir ah, waxa uu igu yidhi od aygii waxaan u malaynayaa in la ina laynayo, waxa markaa ooyey Wiilkii yaraa, waxa nala geeyey meel Badda Xeeligeeda ah oo Baabuurtii ayaa nalaga soo rogay, waxay noo kexeeyeen Koox Koox oo waxay na fuushiiyeen meel Buur ah, markaa waxay anaga na maqashiinayaan waar Jeelka Alb aabada u fura si aanaan uga yaacin, anigu waxaan ka mid ahaa Shantii ugu dambeeyey ee la soo dhaqaajiyey

hadana Buurtii ayey dhinaca kale nooga daadejiyeen oo meel Dix ah ayey na geeyeen, waxay noo qaybiyeen kooxo Shan shan ah, markaas ayey noo cadaatay in nala laynayo. Laakiin wax aanu sa mayn karnaa ma jirto, Askarta na wada iyo anagu waanu is leegnahay tiro ahaan, Askartii ayaa nalagu xeeray iyaga oo Qoryahooda la diyaar ah, kii hogaamiyaha ahaa ayaa ku yidhi Taliyihii Tali ye way soo dhamaadeen, markaas ayuu ku yidhi dee Xabadda ku fura maxaad sugaysaan, sidii ay aanay Xabadii noogu fureen, Qof walibana Qaylo ayuu bilaabay, markii ay Rasaastii in badan soco tay ee ay dadkii Qaylinayey wada Aamuseen ayey joojiyeen oo ay Qofka sii dhaqdhaqaaqaya ayey tooganayeen, markaa aniga (Cumar Muuse Mire) dhabarka ayey igaga dhacday oo way i jiidhays ay oo imay dhex galin.

Markaa Askartii ayaa soo dhex galay maydadkii oo midba mid ayuu jiiday oo ka ay ka dareemaan inuu sii nool yahay ayey Xabad ku dhufanayeen, markaas ayuu ku yidhi kii hogaaminayey Ciida ku roga aniga oo maqlaya, markaas ayuu Askari lugta igu dhegey aniga oo gariiraya naxdintii, waxa uu ku yidhi Taliye kani wuu nool yahay oo aniga Rasaastii ayaa iga dhamaataye ila eeg, waxa uu ku yidhi waar mayd baanad arage wuu dubaaxinayaaye ma noola, markaa meel yara kala dheer ayey ahayd meesha aan ku dhacay oo ciidii ayuu igu rogay, markaa dhinac ayaan ka neefsanayaa, waxa an Xidhnaa Macawis iyo Garan aan ku soo toosay oo garankii Xabadii ayaa googoysay, waxaan u cararay dhinaca badda, waxaan iskaga soo maydhay Dhiigii iyo wixii igu masaxmay, markaa xaga Magaalada Muqdisho ayaan u soo cararay, oo markaa ilaa 30-km ii jirtay, ilaa lixdii ayaan ka imid meeshii oo Magaaladana waxaan imid 12-kii maalinimo ayaan soo galay gurigii la iga qaaday habeni madii, waxaa la igu yidhi waar miyaa la idin soo daayey waatii xalay la idin qaadaye, waxaan ku idhi aniga ayuunbaa ka nool dadkii waa la laayey, markaa dadkii ayaa baroor bilaabay oo gurigii ayaa lagu soo buuqay ka dib anigu waan ka baxsaday oo yaan lagugu arkin ayaan is idhi, waxaan tagay Hudheel Cagaaran la odhan jiray ayaan tagey, Inan aanu is garanayno ayaan halkaas ka helay oo la odhan jiray Cabdi Khaalif Dhaga-weel, waxa uu igu yidhi waar waa la idin xidh xidhaybaa la yidh iye miyaa la idin soo daayey, waar maye aniga ayaa dadkii ka nool baan ku idhi oo waxaa lagu laayey Xeebta Jazeera, waxa uu i geeyey Guri oo Nabarkiina waxa uu iga maryey Dawo, markaas ayaa la isla hadlay, ka dibna waxa gurigii yimid nin la yidhaahdo Maxamed Geedi Shagaxle ALLA ha u naxariistee, markaa waa la i waraystay wixii dhacayna waan u sheegay, markii uu gurigii ku noq dayna waxa soo raacay nin Sarkaal ahaa halkii ayeyna iigu yimaadeen, markaa waxaa la socday rag aan garanayo, aniga oo yara seexday ayaan ku toosay nin Askari ah oo i dul taagan, waxaa nuu igu yidhi ma adigaa ka soo hadhay dad la laayey, waxaan ku idhi haayoo aniga ayaa ka soo hadhay, waxa uu igu yidhi haddii ay been tahay waxa aad sheegaysaa Baaskooladaas ayaan shan laabta kaaga dhufanayaa, ina mari ayuu igu yidhi oo Gaadhi Lankuruusel ah ayaanu raacnay anaga oo ilaa todoba ah, meeshii maydka ayaan geeyey oo dib ayaanu u soo noqonay manaanaan wada hadlin, markii aanu ku soo dhowaanay Isteeshinkii Batroolka ayuu igu yidhi Siyaad Barre ayeynu u tegeynaa oo aynu ku odhanaynaa maxaa dakan loo laayey, markaa nin Baylood ahaa oo la odhan jitay Axmed Maxamuud ,oo nala socday ayaa ku yidhi waar u tagi mayno, hadii aynu cid u tageyno waxaynu u tageynaa ina Saleeban Dafle oo haddii kale inagana waa la ina laynayaa, sidii ayaan ku raacay oo waxaanu u tagnay Ina Saleebaan Dafle, waxaa markaa ugu tagnay halkaas niman bada n oo Saraakiil ah oo xataa uu Siyaad Barre ku jiray, ka dib anigu waan cararay oo Gurigii ayaan dib ugu noqday, waxay ku yidhaahden waa maxay dadka 47-ka Qof ah ee Xeebta Jasiira lagu laayey, ee uu Qofka kali ahi ka baxay ee aanu wadnaa, waxay ku yidhaahdeen soo galiya aanu aragnee, markaa dibedda ayaa la iga daydayey oo waa la i waayey, waxaa la igaga daba yimid Gurigii, waxa la igu celiyey Madaxtooyadii Somalia, waxa la yidhi, wax ha laga qoro oo sidii ay wax u dheceen h alaga qoro, waxa la ii geeyey nin dambi baadhe ah oo aan muddo la joogay markii dambena waan iskaga baxsaday oo Balli-Gubadle ayaan imid, halkaas ayey Radio Halgan igu waraysatay, kadibna waxaan la xidhiidhay Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee Amnesty International”.

Dhinaca kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur), Guddoomiyaha Baarlamaanka C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi, Xildhibaan Dheeg, Boobe Yuusuf Ducaale iyo Suldaan Axmed Daahir, kuwaas oo dhamaantood sheegay in nafina wakhtigii loo talo galay inay baxdo aanay ka hor marin kana dib dhacayn.

 

source:haatuf