Afhayeenka Madaxtoyada Oo Digniin Culus Siisey Saxaafada Somaliland

 

Hargeysa (TNN)-Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdillaahi  Maxa med Daahir (Cukuse), ayaa qaybaha Warbaahinta uga digay falanqaynta iyo faragalinta wax ka baahinta arrimaha Diinta iyo Qabiilooyinka, isla markaana, waxa uu sheegay inuu ku  farax san yahay in Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafintu Axmed X. Daahir Cilmi noqdo qofkii ugu horreeyey ee garta in xarunta Wasaaraddu dunsanaan jirtay hadda ka hor.

Afhayeenka madaxtooyada Cabdillaahi-Cukuse, oo shalay hadal ka jeediyey munaasibad ay xilka kula kala wareegeen Wasiirka cusub ee Warfaafinta Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) iyo Wasiirkii hore Axmed Xaaji Daahir Cilmi oo shalay lagu qabtay xarunta  Wasaaradda as, waxa uu sheegay inay xasilloonida Somaliland ku caana maashay rukummo u ahaayeen Saxaafadda oo aan faragalin jirin laba qodob oo kala ah Qabiilooyinka iyo Diinta.

"Waxaan aad ugu faraxsnahay inuu Axmed Xaaji Daahir noqdo qofkii ugu horeeyay ee garta inay meeshani (xarunta Wasaaraddu) beri dunsanaan jirtay, aad baan ugu mahadnaqayaa Axmed, waayo? dadkaa uu u mahadnaqay ayaan ka mid ahaa ee meesha (Warfaafinta)  bila abay ee aasaasay markii halkan loo soo guurayay xaruntan gabigeeduba guddaafad xashiish ayay ahayd, xitaa dadku may oollin, dadkan marka danbe la rarayay nin Muuse Inji la  yidha ahdo ayaa Wasiir ka ahaa xilligaa, Anigaa Wasiir ku-xigeen baan u ahaa, dhismaheedana  isk aa wax u qabso ayaa lagu bilaabay iyo shaxaaad.

" Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyadu Cabdillaahi-Cukuse, waxaanu isaga oo  hadalk iisa sii wataa intaas ku daray; "Intii danbena Madaxweynihii geeriyooday Marxuum Cigaal  ay aa dhamaystiray, intaa waxii ka danbeeyayna mar walba marka ka danbeeya way soo  kord heysay, kan (Hoolkan) aynu imika hoos fadhino wuu dunsannaa xilligii Warancade ayuu  dhis may oo aroosyada lagu qaban jiray, wakhtigaana Wasiir ku-xigeen ayaan ahaa. Markan  dad ka badan laga rarayay ee Xaafadda killalka shanaad la sanmayana Maayar ku-xigeenkii  Caa simadda Hargeysa ayaan ahaae ee dadkii halkan degganaa raray ee killika shanad  sameey ay."

Afhayeenka Madaxtooyadu mar uu si gaar ah warbaahinta ula hadlayey waxa uu yidhi;

"Saxaafadda Somaliland laba arrimood baan hore loogu arag, labadaas arrimood haddii la  dh exgalo waxay inna galinayaan burbur, waa arrimaha Diinta iyo Qabyaaladda, faragalin  la'aa ntoodu waa waxa aynu kaga duwannahay Soomaalida kale, maalmahan waxaad mooddaa  in ay Saxaafadda qaar wax ka qorayaan. Markaa waxaan idiin soo jeedinayaa labadaa  arrimo od inaad ka dheeraataan faragelintooda."

Source: Togdheernews