Cukuse ma isagaa laha inuu u jawaabo Cabdiraxman Cabdqadir?


 



Hadan hoos ugu dhadhaco mawducan donayo inaan ka hadlo somalidu waxay ku maah maahdaa ( Laxda Lagaray Nayshana Lagaray Sumalkana Lagaray) ee wankan waxa wada sow badhidhoo kh maha afhayeenka xukumadu waxa uu kala sooci layahay waxa shaqadiisa ah iyo waxa aanu isagu u xilsarnayn ee shaqadiisa kabaxsan sababtoo ah qofku markuu xukumad markaas jirta uu shaqo u hayo waliba dhinaca iclaamka ama hadal hayenka ama afhayen waa inuu kala yaqan waxa uu ka jawabayo ee isga shaqadiisa ah iyo waxa aanu shaqo ku lahay, shaqada afhayenku waa wax alaale iyo wixii offical dowladed ee ku baxaya ee hadal ah kaas oo uu kaga wakiil yahay xukumada markaas uu u shaqay nayo iyo wixii sidaas oo kale aha ee xukumada hab siyasaded ula hadla ee xisbi mucarad ah leh ama urur, qof, dowlad, group ,xisbi, oo iyana officail ah oo markaa la aqonsan yahay ee xukumada la hadla inuu isagu jawabteeda gaadhsiyo isagoo kaga wakiil ah xukumadisa

Laakiin waxa layaab leh inuu cid alaale iyo cidii madaxweynaha la hadlaysa inuu isagu u jawaabo haday tahay beel maxadweynaha kacabanaysa iyo haday tahay shakhsi ay saxib iyo isku xisbi ahayen oo si gaara ama si shakhsiya ugacawday madaxweynaha, Waxa uu u qatay shaqadisa inuu u igmaday Afwayne Siyaad Bare xisbiguna uu yahay xisbigii Hantiwadaga Kacanka Somaliye d isna uu yahay (Been Masheegayashi Xisbigii Siyad Bare), ma oga inuu dalkani yahay dal dimuq radiya oo ay ka hana qaaday nidamka xisbiyada badani , waxan layabay maalin dhawayn oo uu gudumiye kuxigeen ka xisbiga kulmiye aad iyo aad uga cawday Siilanyo kaas oo ay waxbadan soo wada shaqeyen ama dorashadii uu madaxweynimada ku so baxay oo uu dorweyn kulaha , cabas hadaa uu C/raxman C/qadir si shakhsiya uu Siilanyo iyo habdhaqan kiisa siyasadeed iyo ka isaga iyo c/raxaman qoyskisa taarikh ahan soo kala dhexmaray ka hadlay cabashadaa oo ahayd wax layidhaah danka hadal cabashadas oo uu c/raxman sheegay madaxweynaha ula tegay waxna wuu ka qaban wayey kolkii danbana uu ku khasbanaday inuu la horyimaada saxafada horteda ama TV ga hctv .

Waxan leeyahay Cukuse waa ka hababay marin kii uu lahaa taas oo ahayd inuu isu daayo laba da a oday ee saxibka ah ee kala cawday inay iyagu isqanciyaan, waxanay somalidu ku maah maahd aa (Gacmo geeljire hoos ayaa loo dhaqaa) bal inay iyagu arin kaas hoos u dhamaystan oo is qanc iyaan inuu jaanis siiyo oo iyaga isu daayo intii aanu waagu baryin ayaa sidii isaga shaqada laga eryaayo ama lagu dalacsiinayo uu jawaab degdag ah kabixiyay taasina waa arin aad iyo aad isa ga xitaa masuuliyadisa ugu fool xun miisan kiisana hoos u dhigi karta.

Waxan leeyahay Cukuse maaha inaad iska raadiso aftahanimo aanad u dhalan oo aad istidhaah wax walba u jawaab waa inaad wax la hadhaa siyasadana kii aad la hadho ayaa beri kuu kayd noqda kaad tidhaah waad tidhi kugu soo noqon na maayo shar iyo khayr waxa uu leeyahay kaa teg waxana la yidhi meeshad nin ka qaadato nin ayaad kaga tagtaa taasna xususnow

Shaqaduna ama xilkuna waa meerto waxa laga yaaba in berito adiga oo dadkii iska dhex saaray lagu yidhaah ducaqabe xilku waa meerto ee soo wareji xilka, xitaa saxafadii meesha ku keentay ee aad ka soo dhex baxaday ayaad maanta mucsir ka tahay oo aad ka dhax baxday ku wii aad isugu dhaweydeen ayaad maanta coltihin , waxan ku soo gaba gabaynaya taariikhdu wax ayay qortaa nin na wax wacan ayuu kaga tagaa oo lagu xusuusto intuu shaqada hayo nin na wax xun ayuu kaga tagaa , waxan leyahay c/laahi shaqadada garo hawna adeegin sidii been masheegay ashii siyaad bare wixii ku quseeyana kahadal ee shaqadaada ah waana iga waano , waxana la y idhi cid wax ku siisa wax badan ayaad aragtaa laakiin cid wax kuu sheegta wax yar ayaad arag taa.

 

 

 

 

Adan Ahmed
Dublin Irland