CODKAAGA KU CIIL BAX QORMADII (33)
UDUB KU DIID GANACSI GARBO-DUUBAN
Ahmed Arwo
Aan eegno dhinaca ganacsiga iyo dhibta Maamulka Riyaale ku hayo
horumarka dalka. Waxa addu unka ka baa'baay nidaamkii takoorka
ganacsiga ee cid gooni ah amba hayad dawladeed u xidhnaan jirtay,
iyadoo tijaab guuleed laga gaadhay furfurnaanta ganacsi amba waxa
loo yaqaan ganacsiga xorta ah.
Kaas oo lagu gaadho horumar ka dhasha tartanka xorta ah, oo meesha
ka saara sicir aan caadi a hayn iyo faa'iido aan macquul ahyn.
Waxa kor u kaca wax-soo-saarka iyo tayada, iyadoo ay yara ato
khrashyada ka dhasha tartan la,aanta. Haddaba iyadoo taas baal
marsan ayey xukuumada Riyaale noqotay mid ku dhaqanta takoor ganacsi
oon tartan lahayn, ku dhisan heshiisyo aan daah-furnayn, lahayn la-xisaabtan
iyo dabogal, kana durugsan fahamka bulshada xilka u dhiibatay. Waxa
xataa aan waxba kala socon Wakiilada ay dadku u soo igmadeen
dabo-galka waaxda fulinta. Waxa soo oodmay horumarkii laga gaadhi
lahaa ganacsi xor ah oo tartan iyo sharciyad ku dhisan.
Ganacsatada heshiiska sida sirta ah loola galaa waxay xumaysaa
sumcaddooda, iyagoo laga yaabo inay wanaag badan dalkan tareen ayey
haddana shaki iyo si xun oo xukuumaddu u murgiso sharciyeynta si aan
loola xisaabtamin, ayey noqdaan qaar bulshada ku dhex ceebaysan.
Kulmiye waxuu rabaa in shirkadaha heshiisyada lala galay uu
magacooda kor u qaado koluu heshii syada soo daah furo oo uu
turxaantii iyo xajiintii xukuumadda Riyaale u yeeshay ka maydho
umm addana u soo bandhigo si sharciga waafaqsan heshiisyo lala
xisaabtamo, daahfuran oo golayaasha sharciga laga ansixiyo. Waxa
dheeh cusub yeelan doonta shirkad kasta oo dalkan wax-tar u leh,
ummadda dhexdeedana ku yeelan karta sharaf iyo maamuus.
Arrintan waxaa inaga filan warsaxaafadeed ka hadlaaya shirkadda
Tootal oo uu soo saaray Cism aan Hindi waagii uu ahaa Kulmiye.
Waxaan ka helay galka aan ku kaydiyo wararka qiimaha leh. Waana mid
si dhab ah wax uga sheegaysa dhibta Riyaale ku hayo ganacsiga xorta
ah.
Tan labaad iyana waa faalo la xidhiidha ganacsiga xoolaha nool oo uu
weriye Kayse Digaale ka soo diyaariyey Burco. Waa daymo kale iyo
galka kaydka. Iyadoon wax lagu darin, waxna laga reebin muwaadin ila
dhuux oo wax ku qaado wax-qabadka xukuumadda Riyaale.
Si aynu u dhisno ganacsi xor ah oo hore-u-mariya dalka U CODEE
KULMIYE oo qaado talada Cismaan Hindi uu ku caddeeyey qoraalkiisa.
KU CIIL BAX CODKAAGA una hiili ubadkaaga iyo faca soo socda adigoo u
dhaafa nidaam suuban iyo kayd dhaqaale.Ka roor in faca kacaaya iyo
kan soo socdaa, no qdaan dar dhaxla nabaad-guur dhaqaale, dhaqan iyo
bulsho sida ka muuqata nidaamka dalka maanta ka jira.
1-Xukuumaddu Ma Waxay Garatay Inay Total U Garbo Duubto Kaalmaha
Shiidaalka Ee Waddaniga Ah" Warsaxafadeed, Guddoomiyaha Gobolka
Hargeysa Ee
Xisbiga KULMIYE Eng. Cismaan Hindi
________________________________
Hargeysa (Somaliland.Org) Guddoomiyaha gobolka Hargeysa ee Xisbiga
KULMIYE Md. Eng Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Hindi) ayaa warsaxafadeed
uu caawa ka soo saaray xafiiskiisa magaalada Harg eysa wuxuu
dhaleecayn ugu soo jeediyey xukuumadda Somaliland in ay shariikadda
total u garbo duubayso kaalmahii shiidaalka ee dalka ka jiray,
iyadoo ayuu yidhi guddoomiyaha gobolka Hargeysa Ee Xisbiga KULMIYE
markii hore ay xukuumaddu uga xaq soortay muwaadiniin badan oo
shidaalka soo dejin jiray shariikaddani total suuqana looga saaraya,
iyadoo maantana ayuu yidhi ay total iyo xukuumaddu gaadheen heer
kale oo ay total ku furanays kaalmo ay ku tafaariiqayso shiidaalka
oo aan loo baahnayn, kuwaasi oo uu guddoomiyahu ku tilmaamay in
loogu tallo gallay in suuqa lagaga saaray ganacsatada muwaadiniinta
ah ee kaalmaha ku leh magaalooyinka, waxaa kale oo uu guddoomiyahu
dhaliil dhabarka ugu saaray xukuumaddu uga dirsoocayso total
ganacsatadani muwaadiniinta ah iyadoo ugu fududanaysa total inay
kula soo degto qallabkii ay ku furan lahayd kaalmahaasi cashuur
dhaaf isla markaana siisay ayuu yidhi dhul bilaash ah oo muran
badani maanta ka taaganyahay.
Haddaba warsaxafadeedkaasi oo dhamaysitiran nuqul ka mid ahina soo
gaadhay xafiiska wararka ee shabakadda Somaliland.org wuxuu u dhigna
sidani:
Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa Ee
Xisbiga KULMIYE Eng. Cismaan Hindi
"Sharciga iyo dastuurka Somaliland wuxuu caado ku noqday in
madaxweynaha iyo afar wasiir oo u daacad ahi ka sareeyaan" Eng.
Cismaan Cabdilaahi guddoomiyaha gobolka Hargeysa Ee Xisbiga KULMIYE
"Maamul xumo, musuqmaasuq, iyo waxqabad la'aan baahsan oo xukuumadda
dalka ka talisa ku caan baxday 3-dii sanno ee ay dalka maamulkeeda
haysay ayaa maantana waxay ku dartay in ay muwaadiniinta reer
Somaliland u garba duubto shariikad ajaanib ah inay la wareegto
dhammaanba ganacsigii shiidaalka oo ay ka tafaariiqayso taasina
waxay si cad u muujinaysa in xukuumaddu ku tuntuunsanayso kana
saarayso meesha haykalkii dawladnimo ee ay shacabkeeda ku dhaqaysay
iyadoo masuuliyiinta xukuumaddu ay cadaysteen inay jabiyaan
shuruucdii iyo qawaaniintii dalka u yaallay kana doorbidaan
danahooda shakhsiyadeed.
Sharciga iyo dastuurka Somaliland wuxuu caado ku noqday in
Madaxweynaha iyo afar wasiir oo u daacad ahi ka sareeyaan, taasina
waxay maanta qarqarka u saarantahay in ummaddu gadoodo meeshana ay
ka baxdo sharcigii iyo kala danbayntii, dibu dhiska iyo hannaanka
dimuqraadiyadeed ee Somaliland ku hanaqaaday shan iyo tobankii
sannadood ee ay jirtay waxaa milgaheeda hayey shacabka iyo
muwaadiniinta reer Somaliland oo markasta dulqaad iyo samir ku
dhaafayey xumaan kasta oo ka imanaysay xukuumadda.
Shariikadda total oo ay xukuumaddu la saxeexatay heshiis daba furan
isla markaana aan la garanaynin goorta iyo wakhtiga uu dhamaanayo,
heshiiskani oo aan la marin golayaasha qarranka wakiiladda iyo
guurtida, isla markaana shariikadani oo markii ay dalka timid suuqa
looga saaray muwaadiniin reer Somaliland ah oo maalkooda iyo
muruqooda u huray sidii ay shidaalka u soo dejin lahaayeen, iyadoo
xukuumaddu u takoortay dhammaanba muwaadiniintaasi suuqana looga
saaray ka dibna total ay soo dejinta shidaalka dalka oo dhan ku keli
noqotay (monopoly)
Maantana waxay total iyo xukuumaddu gaadheen heer kale oo ay total
ku furanays kaalmo ay ku tafaariiqayso shiidaalka oo aan loo
baahnayn , iyadoo xukuumaddu u samaynaysa total cashuur dhaaf
qallabka total ay la soo degayso oo dhan si ay ugu sameeyaan
kaalmahaasi shidaal sida booyadaha shiidaalka uga soo qaadaya
haamaha Berbera, bamamka, qallabyada kale ee ay u baahanyahiin iyo
weliba dhul bilaash ah oo ay total ku dhisato kaalmahaasi, iyadoo
taasina si fudud ay u burburinayso kaalmahii shiidaal ee
muwaadiniinta reer Somaliland, lana rabo in laga saaro suuqa dadkii
ka ganacsanaayey shiidaalka oo dhan iyadoo ku tumashada shuruucda
iyo xeerarka u yaalla Somaliland uu u noqday xukuumadda wax iska
caadi ah gaar ahaan xuquuqda aas aasiga ah ee muwaadinka Somaliland
ayaa waxyaabaha ay xukuumaddu baal martay waxaa ka mid ah:
Xukuumaddu waxay bohol ku riday xilkii ka saarna shariikadaha
waddaniga ah ee ay leeyahiin muwaadiniinta reer Somaliland, iyadoo u
garba duubaysa shariikado ajaanib ah, lana rabo in ay total ku
keliyaysato ka ganacsiga shiidaalka soo dejin ilaa tafaariiq
Iyadoo ay xukuumaddu ku tumanayso Sifaha sharciga ah ee ay u
maarayso hantida ummadda haddii ay iibinayso, bedelayso, iyo haddii
ay wareejinaysaba, taasi oo maanta dhulkii shacab area la odhan
jiray ay u qorshanayso in ay total ka furato kaalmo shiidaal, oo aan
wax baahi ah loo qabin,
Xukuumaddu waxay baal martay inay hor keento heshiis kasta oo ay la
galayso shariikadaha ajaanibka ah golaha shacabka oo ay ka ansixiso,
oo kan hadda aynu ka hadlayna ugu danbeeyey ee ah inay total ka
tafaariiqayso shiidaalka oo ay kaalmo ka furato magaalooyinka dalka
Xukuumaddu waxay meel iska dhigtay masuuliyaddii ka saarnayd dalka
iyo dadkaba ee ahayd inay tartan xor oo xallaal ah geliso
shariikadaha ay qandaraaska siinayaan.
Xisbiga KULMIYE wuxuu soo dhawaynayaa oo uu dhiiri gelinaya
ganacsiga xorta ee xalaasha ah iyo maalgelinta shariikadaha
shisheeyaha waxaananu ka dhigayna in shariikadaha wadaniga ah ee leh
mudnaanta koobad loo garba duubo shariikado shisheeye ah oo
shakhsiyaad ka tirsan xukuumaddu ay ku qabaan danno gaar ah
Ugu danbayntii iyadoo ay xidhmayaan kaalmahii shiidaalka ee ay
lahaayeen muwaadiniinta reer Somaliland isla markaana ay ku quutal
daruuri waayayaan boqolaal qoys oo ku tiirsana iyadoo xukuumaddu uga
dirsoocaysa shariikada Total waxaanu ka codsanayna golaha sharci
dejinta qarranka iyo haayadaha kale ee ay khusayso sidii arrintaasi
loogu soo dabaali lahaa sharciga loona soo afjari lahaa ku tumashada
qawaaniinta iyo xeerarka dastuuriga ah ee dalkani u yaalla"
Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa Ee
Xisbiga KULMIYE Eng. Cismaan Hindi
_______________________________
2 -Dawladu wax haka qabato kaantaroolka dhexe ee loo dhigtay
ganacsiga xoolaha.
Kayse Digale"
Burco/Somaliland.
Ganacsade Ismaaciil Ibraahin Xuseen(Siikaawe),oo ka mid ah
ganacsatada xoolaha ee G/togdheer ayaa maanta shir Jaraa,id oo uu ku
qabtay Magaalda Burco si weyn ugu dhaliilay qorshe cusub oo uu
sheegay in ay la soo baxeen Wakiilada ganacsadaha Aljaabari.
Ganacsade Ismaaciil Ibraahin Xuseen(Siikaawe),oo ka mid ah
ganacsatada xoolaha ee
G/togdheer ayaa maanta shir Jaraa,id oo uu ku qabtay Magaalda Burco
si weyn ugu
dhaliilay qorshe cusub oo uu sheegay in ay la soo baxeen Wakiilada
ganacsadaha
Aljaabari,kaa soo uu ku tilamaamay inuu yahay mid abuuraya dhibaato
weyn,hadaan
wax laga qaban.
Ganacsade Ismaaciil Ibraahin waxa kale oo shirka kaga hadlay arimo
badan oo la
xidhiidhaa ganacsiga xoolaha iyo saameynta ay keeni karto qorshaha
cusub ee ay la
soobaxeen wakiilada Aljaabari oo ka baxsan heshiisyadii dawladu la
gashay
Ganacsadahaa,Hadaba waxa uu hadalkiisii ku Bilaabay Mr.Isamaaciil
Ibraahin sidan
"Waxaan doonayaa inaan halkan ka iftiimiyo qorshe cusub oo ay la soo
baxeen
labada nin ee wakiilka u ah Ganacsade Aljaabari,kaasoo ah inay
gabihaanba ku
diideen ganacsatadii xoolaha u diri jirtay Sucuudiga ee iminka u
dirta Ganacsade
Aljaabari oo ku jira halkii Sucuudiga,ka dib markay dawladu heshiis
kula gashay
inuu xoolaha ka qaato Somaliland.
Waxa uu intaa ku daray Ismaaciil inaan heshiiska dawladu tilmaamin
in cidgooniya
uu ka qaato xoolaha ,haseyeeshee uu dhigayo in cidkasta oo reer
Somaliland uu ka
qaato xoolaha,waxa kale oo heshiiskaa ka mida in labadaa wakiil ay
khidmad ku
leeyihiin xoolaha ganacsatadu keento,Balse aanay xaq u lahayn inay
kaligood
xoolaha iibsadaan oo wakiil iyagu isku noqdaan,kana iibiyaan
Aljaabiri.waxa kaloo
xusay Mr.Ismaaciil Siikaawe in arintani keeni karto N/gelyo xumo iyo
kacdoon
dadweyne haday noqoto "Anaga mooyee cid kale oo Aljaabiri xoolo ka
iibinaysaa ma
jirto"Ayuu yidhi.Isagoo tilmaamaya saameynta Qorshahani keenay waxa
uu yidhi "Waxa
qorshani dhaliyay in boqolaal kun oo neef ay hoganayaan duleedka
Burco ,ka dib
markii ay diideen in laga qaato xoolaha ganacsataa kale.
.
Waxa Mr Ismaaciil ka dalbaday Xukuumada inay arintan soo dhexgasho
oo ay u qaybiso
ganacsatada xoolaha uu soo dalbado Aljaabiri si loogu sinaado
gobolkasta iyo
qofkasta,islamarkaana ay u fusho siyaasadii dawladu u soo furtay
ganacsiga xoolaha
oo ahayd in bulshadu ka faaiidaysato,oo aan cid gaar ahi ka
faa,iidaysan,Islamarkaana loo helo tiradii xoolaha ee ay xukuumadu
heshiiska ku
gashay,taasina ay fulayso marka cidkastaaba ka qaybqaadato.
Waxa uu ku soo koobay hadalkiisii Ganacsade Ismaaciil
Ibraahin(Siikaawe) inay
xukuumada u sheegayaan inay xoolahooda keeni doonaan Berbera,Anigoo
fulinayna
heshiiskii sawladu iyo ganacsade Aljaabari ,xoolahana ka
siindoono,qiimihii uu
kaga qaatay labadaa wakiil,waliba Xoolaha aanu u keeni doonaa waa
kuwo ka
wanaagsan oo ka fiican kuway keeni jiree.Ayuu ku soo xidhay
hadalkiisii.
Kayse Digale"
Burco/Somaliland.
Safka-hore.com
Mahad oo dhan Alle ayaa leh,
Waa inoo qormo kale iyo maalinteed, Insha Allah
Guji LINKAN oo akhri Barnaamajka KULMIYE:
https://docs.google.com/fileview?id=0B2ihL4hM00JYZjk2MDI0YjQtM2YyOS00ODZmLTgxNDItOTYzNDAxOGYwYWI1&hl=en_GB
Ahmed Arwo
samotalis@gmail.com
JOIN SAMOTALIS Group
http://www.facebook.com/pages/SAMOTALIS/238585618589?ref=mf#!/group.php?gid=143687650990&ref=mf
JOIN SAMOTALIS Page AT:
http://www.facebook.com/pages/SAMOTALIS/238585618589?ref=mf#!/pages/SAMOTALIS/238585618589
http://samotalis.blogspot.com/
http://gargaar.blogspot.com/
|