CODKAAGA
KU CIIL BAX (17) "GARI LABA NIN WEY KA WADA
QOSLISAA !"
Ahmed Arwo

Maqaalkii hore waxaan ku soo
taxay dhacdooyin xidhiidh ah oo si taxane ah da lka uga dhacay
ahna kuwii dhalay qalalaasaha siyaasadeed amba dastuur ee Arbacadii
30/09/09 lagu soo gabagabeeyey saxeexa seddexda Guddoomiye xisbi,
markhaatina ka ahaayeen bulshada caalamku. Tasoo bidhaamisay
hab-dhaqanka maamulaka Riyaale ee ku adag maqalka bulsho-weynta
Soomaliland kolka ay u dhego nugul yihiin ajnabiga. Waana astaan ka
marag kacaysa sida qaldan ee maamulkani u fahmay cidda uu mas'uulka
ka yahay, iyo cidda la xisa abtami karta. Ayaan darro waxa ah
in hoggaanka dalka xukumaa uu ummadiisa u arko mid aan istaahilin
la-tashi iyo maqal dhawaaqooda. Waxa ayaan daaro ah in la quudhsado
dareenka dadweynha xilka u dhiibtay, in loo arko duqonkii ushiisa
lagu garaacaayey shacbiga nabadda jecel. Mustawaha lagu qiyaaso
da wdlad mas'uul ah oo dadkeeda matasha, waxa ugu horeeya sida ay
ugu dhego-nugushay dareenka dadkeeda. Waana sababta loo sameeyey
rayi-uruurinta iyo qiimeynta warbaahinta madax-banaan.
Ka gudub oo aan u soo noqdo guda-galka mawduuca maqaalka, intaanan
nuxu rkeeda u dhaadhicin aan darmada irridda u sii maro dhacdadan
qalalaase inta ay bidco ay ku soo kordhisay nidaamka dawladnimo ee
dalkeena. Waana kuwan iyaga oo koobanai:
Markii ugu horeysay ee Golaha Wakiiladu la qufulay, ooy xidheen
boolis aan ka amar qaadanayn shir guddoonka.
Markii ugu horeysay ee moshinka
maamus ka xayuubinta Madaxtooyada ay ansixiyeen Golaha Wakiiladu.
Markii ugu horreysay ee
xildhibaan uu bastoolada ula soo baxay Golaha Wakiilada.
Markii ugu horreysay ee shacbiga
gadoodsani naftooda u horreen dib-u-furka Golaha Wakiilda,iyadoo
laba dhalinyarro rasaasta ciidankii iyaga ilaalinlahaa lagu dilay,
Alle ha ka waraabiyo naxariistiisa.
Iyo markii ugu horeysay ee dawlado shisheeye soo faro-geliyeen
qalalaasha siyaasadeed.
Waxa iyana aan la iloobi Karin hadalo warbaahinta leysu mariyey:
" Shir-guddoonka Wakiiladu waxay wadaan mashruuc ay cadow uga wakiil
yihiin burburinta Somaliland", Wasiirka Gudaha
" Guddoomiye Sulayman waxuu wada inqilaab uu dalka ku qabsanaayo..."
Wasiirka Arrimaha Debedda
" Hadday Guurtidu muddo kordhin ka baxsan lixda qodob een ku
heshiinay ansixiso, waxaanu dhisaynaa dawlad wadaag ah oo labada
xibi ka kooban: UCID iyo KULMIYE"
MAXAA U DIIDAY IN DHEXDHEXAADINTA GUDUHU NAJAXDO?
Gudiyada is-xilqaamay ee boqolka kor u dhaafay, iyo salaadiinta
barbar carartay, iyo culumada soo cumaamatay, maxay u guulaysan
waayeen.? Waxa la yaab leh in dhammaan kooxaha is abaabulay ay
ahaayeen qaar hadalkoodu isku mid ahaa, oon lahayn wax la taabto iyo
meel laga unko heshiis. Waxay kul celceliyaan seddexda xisbi ha
heshiiyaan, ha ilaaliyaan nabadda, ha u naxaan shacbiga...waa arrin
ka fog dhexdhexaadnimo waxtra leh. Waxay ahayd marka y arkeen
labada dhinaca inay soo dhigaan qodobo laga doodo ooy labada
gara b horgeeyaan. Waa sida wax loo heshiisiiyo ee asaaska aha, mana
qabo inayna garanayn, ee waxa hortaagnaa weli maan garan...MIddi waa
tiradooda iyo isb a rbar yaaca oo kolayba ka dhigayaa qaar
iyaga laftoodu u baahday dhexdhe xaadin. Kamay muuqan dad
diyaar u ah inay si dhab ah u gudo galaan hawsha colayskaas leh.
Waana ayaan darro in laga waayo garasho iyo geesinimo ay ku soo
bandhigaan qodobo ay u arkaan in heshiis ka dhalan karo. Waana taas
tan keentay in shisheeye soo farogeliyo, ayna si hawl yar ugu
guulaystaan.
Qodobada meesha yaal ma aha qaar
meel fog laga doonay, waa qaar kal hoer na yaalay, cidda si
dhab ah u dhexgashaan ay kolkiiba arkaysay inay yihiin qaar ay
labada garab ka iibin karaan.
GARTU LABA NIN MA KA WADA QOSLISAA....
Soomalidu been ma maahmaahdo, oo waa dhab inaan gari labi nin ka
wada qoslin, waa se kolka ay tahay gar shakhsi. Garteenu dhaqan
ahaan waxay ahayd hanti amba arrin qof leeyahay oo qof kale ku
haysto, taas marka la qadaayo, waa gar mid uun ka qoslin karta.
Meynaan lahyn gar dan guud inta badan. Danta guud waxa loo baadhaa
si ay labada garbba u qoslaan. Waxa ay ka mid tahay garta dad dani
ka dhexeyso oo dantii isku qabtay sida sharkad ganacsi oo leysku
hayo sida loo maalgaliyo laba mashruuc, iyo dan qaran oo guud inta
isku haysaana wada leeyihiin. Waxa dhexdhexaadku doonaa in la helo
gar labada garabba ka qosliso.
Go'aanka talada lagu gooyaa waa seddex midkood:
1- Waa mid labada garab ku khasaaraan (Loss/Loss)
2- Waa mid midkood guulaysto (Win/Loss)
3- Waa mid labaduba guulaystaan (Win/Win).
Haddaba Soomaliyey danta Guud raadiya in lagu dhammeeyo go'aan
labada dhinac ka qosliya. Kolka taas la raadiyo ayaa nabad iyo
naruure la gaadhaa. Danta guud ma aha wax kooxi amba qof leeyahy, oo
cidi garteeda gooni u leedahay, waa mid sida keliya ee loo hilaa
wanaageeda ay tahay in la helo talo labada is hayaa ka qoslisa. Wey
dhici kartaa in kooxi taasi diido, bal se waxa la helayaa inaan la
kala qaybsamin ee aqlabiyad culusi ay is-raacdo, taas ayaa ka
dhigeysa garabkii gar darnaa inuu jilco oo uu dabco, kuna soo durko
dareenka aqlabiyadda.
SIDUU U TAABATAY QALALAASAHAN SIYAASADEED HAYKALKA DAWLADNIMO?
Aan ugu horeysiino ee Madaxtooyadu waxay ahayd tii bilowday qaska.
Waxa la baal maray habka aasaasiga ah ee dimuquraadiyada oo ah la
tashi iyo talo-wadaag. Arrin kasta oo loo baahanyahay in talaabo cid
kale khusaysa la qaad aayo, waxa waajib ah in lagu doono
talo-wadaag, waana ta ku qayaxan dastu urka Soomaliland. Isla
markaas waxay qayb ka ahayd heshiiskii horaantii sanad kan
lagu gaadhay dib u riixa doorashada Madaxtooyada ilaa 27 September
20 09.
Intaas oo dhan iyadoo la baal
maray ayaa Madaxweynahu si badheedh ah u gaadhay laba go'aan oo kala
tuuray kalsoonidii lagu qabay inay dhacdo dooras ho caadil ah
oo xalaal ah. Waxa la eryey hay'addii deeqbixiyaasha uga wakiilka
ahayd, waxa isla markaas Madaxtooyadu laashay diiwangelintii, iyadoo
lagu dhawaaqay in doorashda lagu geli doono diiwaangelin la'aan.
Madaxtooyada oon la tashan xisbiyada ayey haddana ogolaatay dhawaaq
ka soo baxay Komis hanka doorashooyinka, bal se dhabtii ahaa
mid Madaxtooyadu u yeedhisay oo ahaa bilowgii ololaha doorasho ee
UDUB ku keliyeysatay. Sidoo kale ayey Madaxtooyadu gilgishay
Golayaashii sharcidejinta iyadoo dhex-dhigtay khilaaf curyaamiyey
hawshii qaranka, waxana la bir-tilmaansaday shir-guddoonkii labada
Gole, waxa loo quudhay cay iyo ceeb aan loo tudhin sharafta shacbiga
ee ay hayaan....Waxa lagu sifeeyey qaar qaran-dumis ah iyo qaar
inqilaab wada.
GOLAHA WAKIILADA
Waxa raacday ceeb ay magac ahaan wadaagaan, bal se ay dhaliyeen tiro
xubno ah oo garab maray anshaxii iyo maamuuskii Golaha. Lixda
xubnood ee anshax-marinta la mariyey, waxa ay ka kadoodeen ganaax
aan ka badnayn seddex fadhi, waa seddex maalmood. Waxay dhalisay
waxii xumaan ahaa ee ka dambeeyey. Kow, waxa golaha dhexdiisa lala
soo baxay baastoolad kolkii feedh iyo legdini dhammaatay. Waxa dabo
socoday Golahii oo la xidhay, waxa xigtay kacdoonkii dadweynaha
damcay inay muujiyaan dareenkooda iyo xaqqa ay u leeyihiin
banaanbaxa. Waaxa lagu dilay laba muwaadin oo dhalinyarro ah
dinbigooduna noqday "waxaad muujiseen sidaad uga xuntihiin xadhiga
Golaha Wakiilada", Aan u daayo lixda xubnood inay dib u xusuustaan
dhacdooyinka ka dhashay sedexdii cisho ee ganaaxa ahaa ee ay ku
gacmo saydheen, iyo inay naftooda la xisabtamaan doorka ay ku
lahaayeen dhibta dalka gilgishay ee dhimasho, dhaawac, xabsi, Gole
xidh iyo halistii qaranku ka badbaaday.
Golahu is canaanay habaaskii ku dhacay is-yidhaahde iska maydha sow
Gole fadhiiste, bilaabana la-xisabbtan iyo Hoggaanka sharciga
jiidhay aan waajibkeena gudano. "Waxa ina saran xil qaran oo ah
daafaca dastuurka ee cidda dar jiidha oon ku soo dabaalno, haddii la
diidana aan sharciga la tiigsano." Golaha Wakiilada waxa saran xil
dastuuri ah oo xubin kasta ku waajib ah ha ahaato xubin muxaafid ah
amba mid mucaarid ah, waana ta ay ku dhaarteen, IF IYO AAKHIRANA
lagala xisaabtami doono. Taasi waa la-xisaabtanka xukuumadda oo ah
Golaha Fulinta ee Wasaaradaha iyo Madaxtooyada. Waxa waajib ku ah
inay difaacaan dastuurka iyo sharciyada dalka oo ay soo joojiyaan
xil-ka xauubin haddii Hoggaanka dalku dastuurka jabiyo. Ma kale leh
mucaarid iyo muxaafid. Waa waajib Gole iyo mid gaar iyo fardi u
saran xubin kasta. Xisbinimada xubintu waxay shaaqysaa kolka leysku
hayo habka wax loo qabannaayo iyo manaasibta marna ma aha mid lagu
dhaqmo kolka ay tahay difaaca iyo ilaalinta dastuurka. Taasi xisbi
ma kale leh. Waa inay cid kasta oo sharciga jabiso ay wadajir uga
hor-yimaadaan iyagoon xisbi kala ahayn. Waajibka qaran ee Golaha
saarani ka weyn mid xisbi. Waana sida kaleya ee qaran dimuquraadi
ahi ku jiri karo, ku dhisme karo, kuna gaadhi karo nabad iyo
badhaade. Weli wey taagantay dhaliisha saran Golaha Wakiiladu ilaa
ay gartaan ooy dib nin waliba ugu noqdo xilka loo doortay iyo inay
yihiin codka dadweynaha waajibna ay tahay inay ka turjumaan dareenka
dadweynaha ay matalaan, iyo hawsha qaran ee ah dejinta sharciyada
iyo ilaalinta ku dhaqanka sharciyada iyo difaaca dastuurka ummadda.
Taasi waxay keenaysaa in intooda badani iyagoon kala xisbi ahayn ay
isla gartaan waxii qaranka duminaaya iyo sharci-jabinta. Aaadmigu ma
dhacayso in 100% ay is raacaan. Waana sababta loo soo rogay nidaamka
aqlabiyadda. Lagu helimaayo danta qaranka kolka marwalba lagu eego
dan xisbi iyo mid ka hooseysa oo degmo amba shakhsi.
GOLAHA GUURTIDA IYO GABAGABEYN
Waxa dhawaaq dheer ka soo yeeday Hoggaanka Guurtida oo dalbay in
faraha lagala baxo, inay xisbinimada daayaan, oo noqdaan sida
dastuurku qabo dar ka madax-banaan xisbiyada iyo madaxtooyada. Mey
najaxin oo shirar duceed laga soo agaasim Madaxtooyada ayaa
xilkoodii kala tuuray. Waxa Golaha ka bilaabmay laba mashruuc oo
labadaba laga soo abaabulay Madaxtooyada waa kordhsiimo ah hal sano
amba laba iyo Shirguddoonka oo hadday taas codeenteeda is hortaagaan
lagu ridaayo. Dadkii ay matalayeen odayadu Iyana dhankooda ka
bilaabe shirar iyo la-tashi, xisbiyada mucaaradkuna dhankooda ayey
ka hawl galeen. Guurtidii Alle waafaji tii toosnayd, kuna hele magac
iyo maamuus guud oo ka dhexeeya dhammaan. Waxa hubaal ah in guusha
ay dhaliyeen Shir-guddoonku. Waxa ay raaceen heshiiskii lixda qodob
ee seddexda xisbi hore u ogalaadeen, kana yimid deeq-bixiyaasha iyo
bulshada caalamka ee la jecel Soomaliland horumar iyo nabad.
Waxa meesha ka baxay go'aanadii keli ay Madaxtooyadu u gaadhay iyo
badhi-taarkii Komishanka. Waxa la tuuray diiwaangelin la'aan, waxa
la daadiyey xubnihii komishanka, waxa is-taagay amar-kutaaglayntii
qaloocnayd, waxa rumowday in shacbigu yahay kan ilaashanaaya
masiirkiisa, gartayna inay si nabad ah u toosin karaan go'aan lid ku
ah dastuurka iyo nidaamka dimuquraadi ee ay u soo halgameen. Waa
guul inta keentay iyo intii diidaneedba magacooda kor u qaaday, waa
mid Soomaliland maa'muuskii iyo maqaamkii looga bartay ku soo
celiyey. Waxa haddaba loo baahan yahay in aan laga seexan rumeynta
heshiiska si loo gaadho doorasho xalaal ah oo muwaadinku cidda uu
doorto uu talada u dhiibo. Taasi waa bilow ee wadajirka bilaabmay ha
la joogteeyo. Ha la soo xulo xubno komishan oo karti, aqoon iyo
daacad ah.
Waxaan hambalyo u dirayaa Hoggaanka Kulmiye ee soo xulay haweenay
aqoon iyo karti leh isla markaasna muujiyey maqaamka uu u hayo
haweenka. Ogow KULMIYE waa xisbiga keliya ee Golaha Degaanka xubin
haweeni ku guulaysatay, waa marwo Khadra Xaaji Gaydh oo ah Mayor
Xigeenka Gabiiley, isla markaas waa xisbiga keliya ee Xubin Haween
ah loo soo doortay Golaha Wakiilada waa marwo Ikraan Xaaji Daa'uud,
maantana waxa uu magacaabay marwo Ilhaan Maxamed Jaamac inay ahaato
xubin Komishanka Doorashooyinka ah. Waxa la gudboon haweenku inay
xisbiga ugu abaal gudaan taageeradood si ay u muujiyaan in cidda
xaqooda marisaa ay abaal heli doonto. Waxa taas raacda in KULMIYE
soo jeediyey welina u halgamaayo in la siiyo haweenka kooto
doorashooyinka degaanada, waana kii ay si badheedhka ah u diideen
xubnaha UDUB ee Golayaasha Sharci Dejintu. Kala mudan ee CODKAAGA KU
CIIL BAX.
Komishanka oo manta la wado bedelay iyagu se is-daadraacin
isu-casilay warkoodu waa taariikh aynu ka dheregsanay oo hadaladii
aan madax iyo minjo kala lahayn ee iyagu sida joogtada ah isu
burinaayey waa inoo xafidsan yihiin oo internetka ayey iyagoo qoraal
iyo muuqaal ah ka buuxaan, waana kayd aan sal guurayn, bal iyagu dib
haysu dhegeystaan. Waxa la yaab leh in Madaxweyahu ku tilmaamay qaar
hawshooda si qarannimo ah u gutay lana abaal mariyo. Ma laha
Madxaweynaha hawl aynaan ogeen ayey qabteen. Waxa Madaxweynaha
wiigan loo arkaayey nin wax fahmay oo iska fogeeyey la-taliyaashii
sharka, una soo jeestay inuu hadday suurtagal u tahay dib isu-dhiso,
ammaanta Komishanka la eryey waa calaamd ina tusaysa in Madaxtooyadu
madaxii ay godka ka soo saartay dib ula noqotay...bal sii akhri
maqaalkan amaanta lala kufay ka buuxdo:
http://somalilandpress.com/9006/madaxweyne-rayaale-oo-aqbalay-iscasilaadii-xubnaha-komishanka-una-duceeyay/
Waa adigoo iska jira colka Madaxweynaha ag fadhiyey ee isna manta
iska gartay, kuwii dhegaha haystay ee isku dirka iyo kala fogaynta u
feednaa, kuwa qurbaha tefoonka haysta ee la soo dega shandadaha
beentu ka buuxdo, kuwa qandaraas indho-sarcaad ku iibiya kheyraadka
dalka,kuwa iyagoo dalxiis ah boonada betroolka dawladda ka qaata,
kharshaka hudheelka iyo qaadkana loogu daro, kuwa iyagoo hawl qaran
haya shaqadoodu ayna dhaafin UDUB u shaqaynta oo Wasiir leh, oo
diplomaasi leh, oo Taliyayaal ciidan leh, oo xataa Garsooryaal
leh...Dadweyne wuu fahmay Wasiirka hawshiisa ku fashilay ee UDUB
isku qarinaaya.U gunto inaad xejisato xaqqa aad u leedahay inaad
CODKAAGA KU CIIL BAXDO iska jir in mar kale CODKAAGU CADOW KUGU
NOQDO.
Waa inoo maqaal kale Insha ALLAH.
Ahmed Arwo
samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com
|