CODKAAGA KU CIIL BAX (22) .XUSKA 20 FEBRUARY KACDOONKII
DHAGAX-TUUR IYO UFFO
Ahmed Arwo
Waa dhacdo taariikhi
ah oo kacdoon dadweyne la kowsaday hiilinta labadii
uruur ee daree nka dadka ka dhashay kii hore oo
ahaa UFFO, waxuu ahaa urur samafal ah oo ay isu-kaasha
deen aqoonyahano iyo dhalin hoggaankoodu uu debedda ka
soo laabtay, si ay aqoontooda iyo muruq iyo maalba ugu
badhitaaraan dadkooda dayacan, een haysan dawlad
daryeesha bal se loola dhaqmay si la-haystayaal ah.
Waxay ku noqdeen dalkoodii ajaanib, kolka intaan u
dhalanina noqdeen kuwa ku amar-ku-taagleeya. Ururka
labaad waa SNM oo ka dhalatay kolkii fariimihii
samadoonka dhegaha laga furaystay, loona arkay jileec
iyo fulaynimo. Waana laba garab oo matalaayey rabitaanka
dadweynaha.
Aan ku sharafno dharartaas,
Wacdarihii Hadraawi ku
salaamay Hargaysa kolkay
huradada dheer ka toostay. Waa
Harge ysi ma Toostay :
Haddaanan haddaanan
Haddaanan dhawaaqa
Hireyda wireyda
Hayaay ka kacayda
Jihaadka hargaysa
Barbaartu hagayso
Haweenka gadooday
Ka qayb galin hawsha
|
Iyadoo wax badan laga qoray dhacdadan ayaa aan dhinac
kale ka eegi doonaa, oo waxaan iftiimin doonaa cidda
dulmiga iyo duudsiga waday, gaar ahaan hay'adaha u xil
saarnaa, himmiladii dadka iyo sawirka maanta yaal.
Ugu horreyn aan si aad u kooban dhacdada lafteeda farta
idiinku fiiqo.
Maalintaas Feb 20th ahayd 1982 oo ku beegnayd maalintii
maxkamda la soo taaggayey kooxdan UFFO waa socon wayday
maxkamadii ka dib dhagaxtuurkaas ka dhacay magalada
Hargaysa oo markii dambena ku sii fiday magaaalooyinka
waa-weyn ee Burco iyo Berbera, waxaana dib maxkamadii la
iskugu soo noqday Feb 28th 1982 dacwada ugu wayn ee loo
haystayna waxa ay ahayd in ay abaabuleen urur la odhan
jiray "R.U.D.M" oo ah Raga u Dhashay Magaalada iyo in ay
soo saareen oo qaybiyeen Joornaal ay u bixiyeen UFFO oo
ay ku kicinayaan Dadwaynaha, eedahas loo hayay oo aan
sal iyo raad toona layn kuna cadayn kari wayday
Maxkamadu.
Haddaba waxa isweydin leh ayey ahaayeen cududii loo
adeegsaday dilka, xadhiga, dhaca iyo duudsiga muwaadinka.
Waxa jiray Hay'ado ku tilmaamaan CUDUDA KACAANKA oo ahaa
kuwa u xilsaaran dulaysiga dadweynaha. Waxay ahaayeen:
1.
NSS- oo ahayd hormoodka Cududa Cadaabta. Xilkoodu
ahaa cabudhinta. duudsiga iyo wanjalaada, ooyna u
weheliso dhismaha dacwad been ah iyo abaabul markhaati
beenaale. Buuga: A Note on my teacher's group...AFARTII
BILOOD EE AY XIDHNAAYEEN EE DACWADOODU SOCOTAY Qoraaagu
Buuggu Jama Musse Jama waxa uu aad uga waramayaa afartii
bilood ee baadhistu socotay ee ay ku jireen xaruntii
NSSta iyo jeelka dhexe ee Hargaysa, waxaana si gaara uu
u soo qaaadanayaa Maxamed Baaruud Cali oo ka mid ahaa
kooxdaa UFFO, ayaa uu qoraagu xiganayaa oo uga
sheekaynaya bal qaabkii ay ahyd baadhistu iyo sidii
loola dhaqmi jiray intii ay ku jireen xaruntii NSSta ee
magalada Hargeisa. Maxamed Baaruud oo ka sheekaynayaana
waxa uu yidhi: Waxa nala waydiin jiray su'aalo badan,
waanala jidh dili jiray, biyo aayaa madaxa naloo galin
jiray, waxa na loola dhaqmi jiray si ka baxsan
Bini-aadamnimada waxay noo waraysan jireen mid mid,
waxayna nagu odhan jireen, saaxiibadaa sidaa iyo sidaas
ayay noo sheegene maxaad adigu u qarinaysaa arintan aha
in aad abaabusheen urur ka dhan ah dawlada oo toleed oo
aad u bixseen R.U.D.M oo ah Raga u Dhashay Magaalada,
soona saarteen joornaal aad u bixiseen UFFO oo aad ula
jeedaan dabaysha ka horeysa roobka, ururkiinuna uu yahay
hor dhacii dawlad aad rabtaan in aad dhistaan oo aad ku
bur burisaan tan hada jirta......
2. Waxa hawshooda lagu
ballaadhiyey iyadoo lagu daray tii lagu naanaaysay
Dhabar-Jabinta oo kuwii hore ka arxan darnayd.
3. Guulwadayaal iyo col
iyaga ka dhashay oo ahaa Tabeelayaal
4. Colkii magaca hooyo
canbaareeyey ee Hooyooyinka xilkooduna ahaa basaasnimada
5. Dabcan waxa si sharci
darro ah loo adeegsaday Ciidamada: Xoogga Dalka iyo
Boliska.
6. Xisbigii Kacaanka, oo
noqday inaan shaqo la siin qof aan xubin ka ahayn. Taasi
waxay ka dhigtay shaqaalihii qaar xisbiyeysan oo u
dhaqma sida xoogaga kor ku xusan....Madaxda hay'adha
joogay Dhulka Soomaliland oo isu rogay qaar la shaqeeya
xukunka askari ee jiray. dhammaanna gees maray sharciga.
7. Waxa Intaasi adeegsadeen
Xukunka Degdega ah oo ay go'aanka yeesheen Guddiga
Nab adgelyada Gobalka kana koobnayd Taliska Ciidamada,
Taliska NSSta, Maamulka Gobalka am ba degmada.
Waxa loo fasaxay xukun gaadhsiisan ilaa dil oon maxkamad
marin. Taas oo ka dhigtay Maxkamaddii Badbaadada mid loo
darsaday.
Hantidii qaranku waxay noqotay mid hay'adahaasi ku
fuliyaan dhibta ay dadka ku hayaan. Waxa la bilaabay in
xadhiga lagu shaqaysto oo habeenkii inta la soo xareeyo,
subaxii lacag lagu sii daayo. Musuq iyo laaluusha ayaa
noqday meherdada leysagu faano.
Sidoo kale ayaa laaluushka lagu bixiyaa si loo kasbado
taageerda dhuuni-raaca. Xataa wa xa laaluush
noqotay darajada iyo shaqo-gelinta. Kolka qof aan aqoon
iyo khibrad midna lah ayn xil loo dhiibaayo, waxay
ka dhigantay nin la laaluushay oo laga filaayo inuu
fuliyo amaro qaldan oon sharciga waafaqsanayn, illeyn
wuu ogyahay in muwaadinkii xaqqa u lahaa darbi ga
jiifee. Waana mid ilaa maanta iyada iyo xeeladihii
kaleba aad loo adeegsado.
Iyadoo dalkii la xorreeyey, faqashana dhidibada loo
siibay, ma la helay waxii lagu naalooniy ey. Ma la
helay cadaalad iyo sharci loo siman yahay, ma la helay
hanti qaran iyo shaqo loo siman yahay, ma la helay xilka
oo aqoon loo eego. Ma la gaadhay Booliis sharciga fuliya
oon siyaasi hagin, ma la gaadhay Ciidan difaaca
dastuurka iyo dalka, ma laga tegay ciidan xukunka lagu
ilaashado. Ma la helay Idaacad qaran oo danta guud u
madax banaan. Xisbigii Kacaanka ee shaqaalaha ku qasabka
ahaa ma laga tegay. Musuq iyo laaluush waa sidee,
ganacsigii dadka gaara u xidhnaa ma istaagay...
Waa su'aalo kaaga baahan inaad iskaa uga jawabto, ood
wax ku qaadato. Dib u celi maska xda oo sax
qaladka dhacay. Waa adigoo danta guud mar kale u kaca,
adigoon niyad jabin oon geediga ka hadhin, ka guur
maamul xumo oo u baqool inta tiriiga isbedelka dhabta ah
wada. Waqti ha ku lumin mala awaal iyo ururo gadaal kuu
dhiga. Ku aarso Codkaaga, ku biir xisbiyada mucaaridka
oo hubi inaad ka waantowdo in CODKAAGU CADOW KUGU NOQDO.
Maalintan waxa lagu xusaayo bandhig buug uu qoray Muj.
Maxamed Baaruud oo ah WEER ANE; THE MOURNING
TREE...kaas iyo kii uu hore u qoray Jama Musse Jama ee...
A note to My Teacher's Group, ahna laba buug oo
taariikhi ah ay tahayna in muwaadin kasta gurgiisa laga
helo, si jiilka soo kacayaa uga digtoonaadaan qaladka
soo maray aabayaashood iyo awoowyaashood. Buugan anigoo
maqaal kale ka qori doona, kolkaan Insha Allah ka soo
laabto ka-qayb galka bandhiga oon u diyaar ahay, aan dib
u eegno xadhigii lala beegsaday xubnah UFFO..
Dhacdadii dhagax-tuurka Hargeysa
sii buuxda uga akhri:
http://samotalis.blogspot.com/2010/02/dhacdadii-dhagaxtuur-febraayo-20-1982.html...
Qaybtii Kowaad
http://samotalis.blogspot.com/2010/02/dhagaxtuur-iyo-dhalintii-uffo-qaybtii.html...
Qaybtii Labaad.
Si qotodheer uga akhri UFFO iyo waayaheeda maqaalka
buugii hore ( Note on my Teacher's Group) laga qoray oo
guji halkan:
http://samotalis.blogspot.com/2010/02/bandhig-buug-note-on-my-teachers-group.html
Halkan aan idinku dhaafo xubnihii
UFFO iyo Wakhtiga la xidhay
1: Maxamed Baaruud Cali
04/11/1981
2: Axmed Maxamed Yuusuf "Jabane"
02/11/1981
3: Maxamed X. Maxamuud C.
Xaashi 19/11/1981
4: Adan Yuusuf Abokor
19/11/1981
5: C/raxmaan C/laahi X.
Adan 19/11/1981
6: Axmed Xuseen Caabi
05/12/1981
7: Xuseen Maxamed Ducaale "Berbaraawi"
19/11/1981
8: Maxamuud Sheekh Xasan
Taani 19/11/1981
9: C/laahi Cali Yusuf "Colaad"
19/11/1981
10: Maxamed Dagal Xirsi
11/11/1981
11: Cali Cige Faarax "Cali
Beed" 11/12/1981
12: Yuusuf C/laahi Kaahin
11/12/1981
13: Cismaan Cabi Maygaag
04/12/1981
14: Maxamed Cabdi Ducaale "Ayuub"
11/12/1981
15: Adan Warsame Saciid
11/12/1981
16: Maxamed Cali Ibraahin
11/12/1981
17: Axmed Maxamed Madar
14/12/1981
18: Cumar Ciise Cawaale
04/12/1981
19: Maxamed Cali Sulub
11/11/1981
20: Baashe Cabdi Yuusuf
29/12/1981
21: Ismaaciil Cabdi Hurre
09/01/1982
22: Xasan C/Salaan Sheekh
Cali 09/01/1982
23: Axmed Xasan Madar
10/01/1982
24: Maxamuud Cabdi Jaciir
30/12/1981
25: Maxamed Macalin Cismaan
Axmed 30/12/1981
26: Saciid Maxamed Ibraahin
06/02/1982
27: Lt. Col. Ismaaciil
Xaashi Madar
28: Xasan C/laahi Cali "Alegeyeh"
04/12/1981
Waa xusuus wax ku qaadosho leh. Magacyadaas inteeba xil
qaran haysa, inteeba se kuwii dulmiga loo tirinaayey loo
cumaamaday, imisaa xaq-ku dirirkii darbiga jiifa. Reerku
waa dh aan, weli lama gaadhin ceelkii, ninka
daalaa Somalilander ma aha..Ilaa la helo xaqsoor min
Loyacaddo ilaa Ceelaayo, dal sharcigu simo, hantida
qaranka loo siman yahay, xukuumaddu noqoto adeege,
awooddana ay leeyihiin shacbi-weyne..waa inaan leys
dhigan. Ka guur qab iil iyo kala qaybinta,
isu-taag xaqqa iyo danta guud. Iska jir dhuuni-raac iyo
dulmi-ku-naax.
UFFO oo ka bilaabantay Isbitaalka Guud ee Hargeysa,
maanta ooy ka soo wareegtay 28 sa no, ma u eegtay
siday ahayd. Waxa la eryey Maamulihii ugu fiicnaa, waxa
haddana laga da bo eryey dhakhtaradii ugu
khibradda badnaa, waxa ka mid ah qaar bilaash u shaqeeya,
da mbigooduna noqday maxaad dadkiina u caawinaysaan.
Waxa mustaqbalka laga luminayaa dhakhtarada cusub ee u
baahan daadihin iyo kormeer, si buugooda wax-qabad u
noqdo mid caalami ah. Waxa khatar la galiyey bukaanka.
Dhinaca kale kootada ganacsiga sida xoolaha iyo
shiidaalku, miyeyna ahayn waxii xiligii madoobaa taagnaa.
Sidaas iyo saadaal
wacan. Waa inoo wanaag iyo maalin kale Insha Allah
Aan ku soo afjaro tilmaan uu
Hadraawi
ka baxshay bushada
Soomaliland:
Bulshadeenu waa duul
daacad iyo xishood badan
dun xariira weeyaan
qofna uma darraadaan
dar Allay ku dhaqmaan
dareen waw dhegweyn tahay
ogow doqonse maahee
*******
ninka maamul dalabliyo
dabbaaljoogtohoosiyo
dibindaabyo ugu maqan
degdeguma tilmaamaan
nabar kulama duulaan
dib bay ugu muddeysaa
dulmigiisu waw kayd.
|
|