CODKAAGA KU CIIL BAX
(20) CAQLIGAAGA CUSKO
Ahmed Arwo
Waxa
hubaal ah in abuurista Illaahay tahay raxmad iyo miisaan aan cid
labayn k arin. Waxa jidhkeena, dareenkiisa, dhaqaaq iyo qawlba,
xakameeya oo hogaamiya maskaxda. Waxa si miisaan leh leynoogu
manaystay xubno midwaliba baahi gaara ah kafaynayso. Xukunoo dhammi
waxuu ku soo uruuray madaxa. Haddaba xubnha madaxa ku yaalaa waa
kuwee maxay se qabtaan?
Waa araga oo laba indhood ayaa Alle ina siiyey, xikmaduna waa inaynu
arrin wal ba ka fiirsano oon labada dhinacba ka eegno, waxa
weheliya maqalka oo iyana si doo kale laba dhegood ka hawl
galaan. Waa halka laga yidhaahdo hebel dheg ke liya ayuu
leeyahay, oo isagoo laba Alle siiyey ayuu adeegsadaa mid qudha
micne huna yahay ISAGOON KOLNA DHEGAYSAN DHINACA KALE. Laba labadii
waxa soo raacay mid mid. Waa carabka hadalka higaadiya iyo afka
hadalku ka soo baxo, w aa mid mid. Waayo kolka maskaxdu amarto in
labada dhegood iyo labada indhood hawha dhan walba ka eegaan,
caqliga oo mid ahina miisaamo, waxa loo baahday inay go'aanku noqdo
mid qudha oo carab iyo af keliye ka soo baxo. Waa halka laga
yidhaahdo Allow haa iyo maya meel qudha hanaga wada yeedhsiin, oo ah
masiib iyo dhaqan xumo kolka carabku caadeesto hadalo isburinaaya.
Waxaana lagu bar taa qofkaas mid beenaale ah, meel loo raaco
lahayn iyo wax lagu aamino.
Haddaba maxaa ugu wacan in dadki qaarkii uu laba-carabeeyo oo hadalo
is burin aaya iyo ujeedooyin is dabraaya ula yimaadaa? Taas
waxa ugu wacan kolka uu Caqligiisa qofku uu baal maro. Mar walba
go,aanka caqligu waa mid, waxa se qofku noqdaa mid isagoo garanaaya
wanaaga caqliguusu u soo jeediyey, baal mara oo qaata go,aan kaas
lid ku ah. Waana halka labaclabacdo ka timaado.Garaadka dadku isma
leeka,waxa se hubaal in xataa qofka kas gaabka ihi go'aaankiisu mid
yahay oo caqligiisu gaadhay hal go'aan. Kuma margado, mana jiif
kacleeyo ee si badheedh ah ayuu qaladkiisa ugu adkeystaa waayo isago
qaladkaas ma arko.
Laba carabeyntu waxay tahay kolka
qofku qalad uu garanaayo oo maankiisu uga digay ku dhaqaaqaayo.
Waxuu isku dayaa inuu wax dhoodhoobo, been iyo run dheeha laga
qaaday ayuu kolba qar ula kacaa. Su'aasha la weydiiyo jawaabteeda
waxuu ka dhigaa su'aal iyo mawduuca oo uu ka baxo.
Taas waxa xaqiijinaysa in qofku kolka uu xumaha samaynaayo uu ula
kaco gabad iyo meel mugdi ah, waayo caqliga ayaa diidan oo tusaaya
foolxumada meesha ta al. Kolkaasuu qarsoodi iyo mugdi ula
TOOSAA. TEEDA KALE KOLKA XUMAHA LAGU QABTO, MA QIRTO...ogow hadduu
taas wanaag u arki lahaa wuu qiran lahaa..dafiraadda waxa keenaaya
isagoo caqligii xakamayn lahaa diiday, bal se ka dheregsan in waxa
uu falayaa yihiin foolxumo iyo qudhin.
Dhacdooyinkii toddobaadkan waxa ay yihiin qaar muujinaaya dabciga
aadmiga iyo caqliga kolka la cuskado sida loo hantiyaayo talo suuban.
Waxa dhacay arrimahan:
Guddiga Doorashhyinka
Waxa la doortay Hoggaankii Guddiga oon is-qabqabasho ahayn ee sidii
loo foola deeyey, iyana isu doortay. Waa bilow wacan, ee
hanbalyo iyo bogaadin. Waxay diideen la wareega deynta ay u arkeen
mid aan lahayn badhitaar sharci. Waxa dardaaren wacan u jeediyey
xisbiyada mucaarid iyo muxaafid oo si isku mid ah ula hadlay.
Waxa iyana sidoo kale ula taliyey Guddigii Hore, iyana isla halkii
wacnayd ayey dhigeen.." Weligiin ogaada la-tashiga xisbiyada, iskana
dheereeya farogelinta meel kasta ooy ka timaado..."
Waxay arrimahan ina tusayaan in kolka caqliga la cuskado, aragtida
aadmigu isku dhowdahay, kolka maskaxda la shiilo ee go'aanka caqliga
la qaato, in carabku isku mid noqonaayo, kolka se cidi diideyso
caqliga, waxa bata laba carabeynta, fikirkana la mideeyo oo waxa
bilaabma khilaaf. Wax-sheegna ma socdo kolka qofka wax loo sheegayaa
yahay mid garanaaya inuu qaldan yahay balse il iyo dheg iska xidhay,
carabkiisuna aanu ka gaban ereyo madax iyo minjo kala lahayn
beentuna u tahay wax macaan oo dantiisa gaaban uu ku gaadho..
DHAARTII GUDDIGA
Dhinaca kale waxa la duray oo
dhab ah in la gees maray dhaarintii Guddiga. Waa mid la yaab leh in
taas oo kale dhacdo. Maxaa lagu macnayn karaa:
Garasho la,aan amba ilduuf dhinaca Guddoomiyaha Maxkamadda Sare
ah.Daanda ansi ahaa mucaaridku ha ka hadlo oo deedna isjiidasho ha
bilaabanto.
Dhaar-xad looga jeedo in xubnaha
qaar lagu dago..oo waa tu ku salaysan jahliga Soomaalidu ka qabto
dhinaca dhaarta..waxaynu ognay in la yidhahdo "isku kaadi oo adigoo
nijaaas ah dhaarta gal, kuma qabanaysee".. waa been salkeedu yahay
jahli.
Waxaan qabaa in dhaarrta la dhaariyey inkasta ooy gees martay
sharciga, hadd ana tahay mid kafaynaysa hawsha loo igmaday.
Sideedaba Islaamku waxa uu qa baa iyadoon lagu dhaarin in
hawsha aad qabataba tahay mid Alle kugala xisaabt ami doono,
oo xilkaaga lagaa rabo inaad u gudato hagarasho la'aan iyo cadaalad.
Dhaar la'aanta mas'uuliintu ma aha mid wax ka dhimaysa xisaabta Alle.
Tan lagu dhaariyey ee ah inay Dadka Soomaliland ku maamulaan si
cadaalad iyo sinaan ah..oo ah dhaarta Madaxtooyada, waa mid kolka
sida ay tahay loo eego ah in seddexda musharax ay cadaalad iyo
sinaan kula dhaqmaan, iyo weliba xulashada Guddiyada Gobalada,
degmooyinka iyo shaqaalaha ay qoran doonaanba... waa inay cadaalad
iyo sinaan ku maamulaan dadka maamulkoodu la macaamil doono oo dhan,
shaqaale iyo ganacsataba..
Tan ah haddii Madaxtooyadu ku dhaaratay sidan ma yihiin dar cadaalad
iyo sinaan doorashada ku maamulaaya? Mas'uuliyad ahaan Madaxtooyadu
kolna waa mush arax kolna waa HOGGAANKII DALKA. KOLKA DHAARTA
LA MARIYEY WAA HOGGAN LAGA DOONAAYO INAY GO'AANADA AY QAADANAYAAN
AHAADAAN MID SINAAN IYO CADAALAD LAGU GAADHAY. Waa inay si siman
hantida qaranka, warbaahinta qaranka, iyo wax walba si is leeg oo
siman ay ugu fidiyaan seddexda xisbi.
Dhaartu waxay ka rabtaa inayna
mushahar siinin hawl-wadeenada xisbigooda, inayna xataa isticmaalin
gaadiidka qaranka kolka ay ololaha galayaan. Dhaartu waa inay si
siman oo cadaalad ah sedeexda xisbi ula dhaqmaan, ficilkooduna waa
iyaga iyo Illaahay. Sidoo kale ayey dhaartu u tahay mid Guddiga
doorashooyinka u haysata, waana rag garanaaya inaan isku-kaadi iyo
dhaar-xad midna dhaartaas ka baajinayn, waa dar og in Alle ay la
hortagi doonaan ficilkooda maalin aan qareen iyo hiil tooni jirin.
XUSKII QARAXII ARGIGIXISADA IYO FAL
FOOLXUMO...
Wanaagii iyo quruxdii ayaamahan socotay, waxa dhooqiiyey fal la yaab
leh. Waxa ina soo martay xus loo sameeyey qaraxii 29ka October ee
argigixisadu ku dishay maati iyo shacbi aan waxba galabsan, iyadoo
ku fashilantay hadafkii ahaa dumista iyo baabiinta nabadda dalkeena.
Waxa xuskani ku beegmay xili jawi fiican dalku galay oo laga soo
doogay dhibtii ka dhalatay dib u dhacii doorashada. Waxa loo balamay
in mucaarid iyo muxaafidba la qiimeeyo dharaartaas, oo la tuso
cadowga Soomaliland midnimada qaranka. Dharar ka hor ayaa Guddiga
doorasghada la dhaariyey seddexda xibi-hogaamiye goob ay joogeen
ayaa xuskaas lagu balamay, kaadhna loo qaybiyey... Waagiibaa beryey
cidwaliba u dhaqaaqday dhinaca Madaxtooyad. Waxa fajac noqotay in
Guddoomiye Siilanyo loo diido inuu u gudbo madashii xusku ka socday.
Waxa gartiisa qaatay oo xaal-bixin warbaahinta mariyey Taliyihii
Taraafikada, Ilkacase. Waxuu noqday nin gartiisa qaatay, nin qiima
ha hogaamiyayaasha xisbiyadu leeyihiin gartay,nin qadariyey xuska
dharaartaas iyo baahida loo qabay midnimada qaranka. Balaa ka dabo
timid. Waaba danbiile iyo caasi xukuumadeed. Waxa gacanta loo gashay
warqad cas oo xil wareejin ah kuna sexeexan yahay Duqa Bolisku. Waxa
ka sii daran amarka oo leh: xilka ku wareeji Kuxigenka oo ah isla
ninkii amarka joojinta Guddoomiye Siilanyo lahaa. Waa gardaro garab
og iyo boog la diidan yahay inay bogsooto. Looma dhaqaajin oo
dulqaadkii iyo samirkii mucaaridku caadaystay ayey laasimeen, colkii
kala na waaye ujeedadii ahayd inay jawiga soo doogay ay dib u
celiyaan oo qas iyo qalalaase si uun ku bilaabmo.
Waxoo dhan waxa ka xun, in caado laga dhigto in muwaadin xil qaran
haya warqad yar oon lahayn awood cad lagu eryo. Shaqaalaha dawladdu
waa inay yeeshaan maamuus iyo sharci lagu dhaqo, ma aha in danbi
la'aan lagu eryo, ma aha in raaligelinta nin la siman lagu eryo, ma
aha in loo adeegsado siyaasad iyo arrimo xisbi. Waxa habboon in
ragga iyo haweenka sidan oo kale loo eryaa qaadaan dacwad ooyna
noqon habac bustihiisa la baxa kol kasta oo nin ka gardarani farta
ugu fiiqo dhinaca irridda.
IYANA WAA MARKHAATI..
Aan idinku dhaafo waa tii
caruurta kaadhaka la siiyey laga qayliyee, dhacdadan muujinaysa
cidda habkaas adeegsata, waa caruur aan qaan gaadhin oo loo sameeyey
xaflad ku-soo biirid xisbi. Akhris wacan maqaalka Jamhuuriya qortay
iyo adigoo Caqligaaga Cuskada, fariintiisa ku dhaqma oo Codkaaga ku
Ciil Baxa. Waa maankaaga ood keli u yeelato, iyo xubnaha xiska ee
Alle ku siiyey ood si habboon u hawl geliso.
Hargeysa (Jam)- Xoghayaha guud ee
xisbiga talada haya ee UDUB Jaamac Yaasiin Faarax iyo masuuliyiinta
heer gobol ilaa qaran ee xisbigaas, ayaa shalay soo dhaweeyey
taageerayaal cusub oo carruur iyo haween wejiga kamaradda ka
qarsanaya u badan, una muuqday in la soo khasbay ama ay ujeeddo gaar
ah lahaayeen, isla markaana sheegtay inay hore uga tirsanaaayeen
xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE oo ku soo biiray UDUB, hase ahaatee
aan la cadayn karin.
SII AKHRI OO GUJI HOOS
http://samotalis.blogspot.com/2009/11/maalinkaa-maanta-ah-dhalinyarada-soo.html
Waa inoo fikir kale oon wadaagno Insha Allah.
Mahad oo dhan Alle ayaa leh.
Ahmed Arwo
samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com
|