CODKAAGA KU CIIL BAX- 14- XUS, XUSUUS IYO RAADRAAC

 

Hor iyo horaan Ramadaan Mubarik. ILLAAHAY hayna waafajiyo camalkeeda, haynoo fududeeyo soonka, salaadda iyo akhriska Quraanka kariimka ah, hey naga yeelo kuwa maalintii ka sooma macmacaan adduunyo, nafaqo dhuunta marta, amba camal jinsi, iyo kuwa ku soo jeeda taraawiix iyo tasbiix. Iska jir dunuubta la sahalshado ee culus sida dabkana u guba ajarka, sida beenta, xanta, isku dirka, jaasuusnimada iyo wedhaha xun ee carabka ka soo baxa. Ku bedel weedh san, salaan iyo bariido leh, noqo ruux wanaaga fara, kana diga xumaha iyo xaaranta la dhayalsado, noqo ruux maragiisu yahay mid run ah.

Ka dheerow gar eexo, waa dambi culus oon ku koobnayn qof kolka arrinku yahay mid beelo amba qarankaba dhex yaal. Badi isa-saamaxa, isku-soo jiidka, iyo turxaan bixinta meesha looga baahdo. Badi siyaarada bukaanka iyo ruuxa jilicsan, booqo ehel iyo saaxiiba, sadaqada badi oo u nax miskiinka. Xusuuso inay jiraan muslim walaalka ah oo gaajo aan soonka ahayn sanadka oo dhan ay marar badan soo marto. Waa faa’iidada soonka inaad dareento gaajada miskiinka la dariska ah goor walba. Ha noqon ruux gaajada soonka ka dambeysiiya dhereg habeenimo oo siyaade ah oo dibiro-dilaac ah. Ha noqon ruux laasima sheeko-shaydaan iyo madadaalo telefishan iyo fadhi majlis. Kordhi fadhiga masjidka iyo taraawiixda. Suxuurta ka dambeysii quraan akhris, salaada subaxna raaci akhirs quraan iyo duco.

AAN KU XIGSIIYO DAREENKEYGA XUSKA MARXUUM CALI GUULEED.


Waxaan ka qoray maqaal dheer oon afka ingriska ku qoray, ujeedadu ahayd inay akhristaan bulsho weynta Cali la soo shaqeeyey daafaha dunida, anigoo ku daabacay American Chronicle iyo websiteyadeena

(http://samotalis.blogspot.com/2009/08/somalilandin-memory-of-ali-gulaid.html)

Halkan waxaan ka odhanayaa wax yar oo ah dareen-hadal. Cali wax badan ayaa laga qoray, aadna waa loo xusay duco iyo sharafna waa loo dhammee yey, Taas oo ay ugu qiima badnayd aaskii kulmiyey wadaad iyo waranle, muca arid iyo muxaafid, wiil iyo waayeel, rag iyo haween, miyi iyo magaalo, xus ay garbaha isku qabteen bulshoweynta Soomaliland oon gobal iyo degmo kala lahayn. Waxa Cali lagu xusuustay maskaxda, maalka, waqtiga uu u huray  hor umarinta dalkiisa, oo uu ka bilaabay 1980naadkii kolkuu dalka ku soo noqday isagoo muddo dheer ka maqnaa ee uu arkay tacadiga qaawan ee taliskii  mur uq sheegadku ku hayey muwaadinka dalkiisa lagu dulaystay, laga dhigay ajnaabi sharci darro ku jooga. Xiligaas ilaa manta Cali waxay u ahayd halgan aan kala joogsan, neefsi iyo raaxana lahayn…nin himmilo qaran tiigsanaayaa oo ku jira sahan dheer, welina aan gaadhin goobtuu dejin lahaa bal se dariiqii haya, dharaar walbana u sii dhowaanaya.

Cali waxuu ahaa garab lagu tiirsado, waxuu ahaa geesi aan hiil xaq darro  aq oonin, codkar deel iyo daad kala saara, kaftan badan, haasaawe magaalo iyo mid miyaba aan lagu xadin, una dheertay kaftan nin cad iyo carro carbeed. Nin dulqaad badan, deeqsi aan maskax, maal iyo muruq midna kala hadhin hadaf uu doonaayo, waxuu ahaa nin ku adag cidda ay iska horyimaadaan, oo lagu sifiiyo xabbad ku jirta qori keebka la hayo, mase ahyn nin si hawl yar qorigiisu u qarxo. Waxuu ahaa xabag isku xidha inta ay dan wadaagaan, oo jeclaa inuu u dabco si danta guud loo gaadho. Kibir iyo isla-weyna ma aqoon, cilmiga waxbarsho oo uu ka gaadhay heer uu Maraykan ka noqdo CPA  Xisaa biye Rukhseysan, kama kaxayn inuu darmo la wadaago inta u faqrisan  umma dda, waxuu ahaa nin dhulka eega, oo u naxa inta ka nasiib xun, aan xaasidina inta ka wacan. Waxuu ugu jeclaa kolka uu fadhi iyo gogol la wadaago inta aan haysan darin ay u fidiyaan. Kama uu gaabin ruux dulman oo qayla dhaan uu ka maqlay. Waxuu ahaa gurmad aan weydiin degmo iyo gobalka ay qayladu ka timid. Wuu u sinnaa taakulinta ruuxa dulman meel uu joogaba.

Cali Muxumad Guleed, Alle ha u naxariistee, waxuu ahaa tooj iftiimiya la-xisaabtanka xukuumadda, iyadoo uu ku keliyeysaty soo bandhiga naqdiga miisaaniyadda qaranka laga bilaabo 2002. Taas oon laga helayn meel kale oon ahyn kaydka Cali inooga tegay. Waa hanti ma-guurta ah oo jiil ilaa jiil la dhaxli doon. Waxa nasiib ii ah inaan bog aan internetka ku leeyahay ku soo uruuriyey faalooyinkii iyo faaqidaadii Cali ku qalay miisaaniyadda xukuumadda, meesha la hagraday, meesha la buunbuuniyey, halka la il-duufay, iyo hadafka laga leeyahay…Waxaad ka heli kolkaad u baahatid adigoo kujiya linkan: http://samotalis.blogspot.com/search/label/ALI%20GULAID

Haddaba geeri waa loo dhashay Calina waxuu ka tegay magac iyo maamuus uu ku mutaystay daacadnimo, wadannimo, iyo hawlkarnimo, waana mid ku dayasho leh. Waxa durtaba I soo gaadhay dhowr qof oo mid waliba keligii soo jeediyey in Cali loogu magac daro dugsi..Waa astaan wacan iyo ummad baraty sida ay abaalka u celiso. Waxa iyana waajib ah in la sii wado oo la sii xoojiyo waxqabadkii Cali, sahankiina halkii laga gadh qabto. Waxa habboon inaynu hiigsano himmiladii Cali u cadeed ee ahayd in la dhiso qaran sharci hago, xukuumad dadka u shaqaysa een ka shaqaysan, dal muwaadinku yahay kan mudan ee shaqaaleeya kuwa talada haya, lehna awoodda uu shaqadaas kaga qaadi karo, isagoon diririn oo Codkiisa ku Ciil Baxa, ku dhisa cadaalad ilaalisa nabadda, Codkiisa oo uu ku caawiyo maamul-wanaag, kagana ciil baxo dhib iyo xumaan waxa soo mara.

Cali waxuu aaminsanaa qiimaha ay leedahay warbaahin xor ah oo madax banaan. Waxuu keli udubka u taagay idaacadii Waabari xiligii doorashada Golaha Wakiilada, waxuuna qayb libaax ka qaatay idaacadda Horyaal. Warbaahinta oo xor ahi wxay tahay tiirka ugu adage e dimuquradiyadu ku taagantay. Waa sida keliya ee loo helaayo la-xisaabtanka inta xilga loo igmaday, waa sida keliya ee muwaadin ku helaayo inuu codkiisa iyo fikirkiisa baahiyo isagoon cabsoon. Idaacad xukuumad keliya u shaqaysaa waxa diidan dimuquraadiyada waana sababta dastuurka ugu taagsaday baahida loo qabo xoriyadda iyo madaxbanaanida warbaahinta.

BANAANBAXII SHACBIGU WAA KU-TALAGALKII CALI OO RUMOOBAY.


Waxa 20 kii bisha dalka ka dhacay midhihii ugu horeeyey geedkii Cali iniinta u aasay. Waa banaanbax salmi ah oo dalkoo dhan ka dhacay, mid muwaadinku ku cabiro rayiga uu ka qabo hogaaminta dalka. Waxa soo baxay dhalinyarro iyo waayeel, rag iyo dumar leh oo daafaha Hargeysa, Burco, Ceerigaabo, Boorame, Gabiley, Dhahar, Badhan, Ceelafweyn, Garadag, Yufle, Arabsiyo, iyo Laasanood muujiyey dhaliisha ay u hayaan xukuumadda u dhaqmaysa sida kelitaliska ah… waxa soo baxay quwadda mucaaridka, waxa muuqday  aqlibiy addu dhanka ay la jirto. Waxa la diiday kelitalis bilow ah oo haddaan maya, maya ,maya la odhan noqon lahaa dabadeey cidi ma hadasho, ani, ani, anigaa idhi..doodna lagama keeni karo. Waa guul iyo astaan lagu faano in si nabad ah dadweynahu u muujiyey diidmo kaamil ah ooy diideen cid sharciga ka weyn, ooy aamineen in awooddu tahay tooda. Xukuumadduna tahay cidda ay  awoo dooda ammaan ahaan ugu dhiibtaan, kolka ay doonaana ka qaataan., diidi  ka raana kolka xukaamtu dabar-goosato ooy qardo jeexdo sharcigii lagu  shaqaa leeyey.

Ugu dambayn iyadoo nolashu tahay geedi aan degnaansho lahayn, waxa  gee disocodka bulsho iyo hawlahii u gaarka ahaa xisbiag Kulmiye ee geesigii Cali Alle ha u naxariistee ka geeriyooday loo igmaday geesi kale, oo  aqoont eed iyo khibardeed leh waa Baashe Cabdi Gaboobe. Waa nin Cali hawsha la  wad ay, maantana muftaaxeedii loo dhiibay. Waa dhab in raadka Cali yahay mid adag oo qiyaasta waxqabadna yahay mid sare…waa se mid wacan in qofka jecel inuu tijaabiyo kartidiisa uu noqdo mid bedela nin karti iyo  hawlkar nimo maqaam sare ka gaadhay. Waxa Baashe la gudboon inuu dhabbadii Cali raaco oo uu weliba durduriyo oo uu noqdo nin tiigsada inuu reerka uu  dhaan ka u qaaday dhakhso u gaadhsiiyo biyaha ay ku haraad bixi lahaayeen. Baashe, waa inaynu dhammaan garab galnaa oo weliba inteenii Cali la xidhiidhi jirtay ee talo iyo dan la wadeegi jirtay noqonaa dar sidii oo kale isu barbar taaga. Hanbalyo dabadeed Baashi waxay leeyahay..Abti waxa ka mid ah habka Cali lagu jeclaa inuu ahaa nin aan reer Kulmiye uun dhex fadhiisan ee inta deyrka ka baxsan waqti badan la qaata si uu xerada kulmiye ugu soo jiido..Waxuu ahaa nin ka midho-dhaliyey wadajirka mucaaridka labada xisbi, Kulmiye iyo UCID. Taas oo wanaageeda la arkay Baashow waa inaad adkeysaa. Guushuna waxay tahay inaynu helno kuwa aan manta Kulmiye ahayn..dulqaadkeed, samirkeed, culeeskeed, iyo hawsheedba waa inaynu guntiga u xidhanaa… Raadraaca taariikhdu ha noqoto mid dhaxalkii Cali ka tegay noqdo mid  Baash ana kor u sii qaado, si himmilada shacbiweynaha Soomaliland noqdo mid  naru uro iyo horumar ku gaadha siyaasad furaheedu yahay cadaalad loo siman yahay, hawlwadeeno aan dadkooda hagran, shaqada oo lagu heli aqoon iyo karti oo ka fog AYAAD TAQAAN IYO WAASTO.

Guusha waxaynu ku gaadhi xuquuqdeena ay ka midka tahay debedbaxu  kolk aynu ilaashana, kolkaynu daafacno warbaahinta xorta ah, kolkaynu noqono dar CODKOODA KU CIIL BAXA, kuwa CODKOODA UGU HIILIYA CADAALADDA, Kuwa aan lagu laaluushin maalkooda, kuwa la dagaalama aqoon darrada, gaajada iyo cudurka, kuwa ka dagaalma musuqa iyo laaluushka, kuwa ka kora qaybsanaanta iyo qabiilka…beeshoodu tahay Soomaliland, degmo iyo gobal kasta ooy joogaan tartanku noqdo horumar iyo cadaalad, dar iyagoo  tartam aya aan sharciga jabin, isu naxa oo isu damqada, degmada dambaysa oo la badhi-taaro, ta dhibtu ka jirto oo loo hiiliyo, ta colaad looga baqo oo loo  gurm ado…Hadafku waa Soomaliland oo horumartay, gobannimadeeda ku  adgeys ay cadaalad, iyo awoodda doorasho ee dadweynaha oo laga dhigo mid joogta ah oon la leexin..iyadaa u sal ah sida lagu helo xukuumad lala-xisaabtamo, mas’uul ah oo dadweynah matasha.


Ugu dambayn aan mar kale u duceeyo Cali Muxumad Guleed in ILLAAHAY  dam bigiisa dhaafo, naxariistiisa u fidiyo, kana yeeo kuwa dhaxla janatul fardow, xaas, ubad, iyo ehel, iyo dhammaanteena inaga yeelo kuwa samirkiisa qaata.


Aan isu-taagno xaqqa, aan ka dheeraano taakulaynta dulmiga iyo duudsiga. Hays duleyn, adigoo xor ah ayaad dhalatay, xornimo ku noolow, kuna dhimo, ha noqon ruux iibsada dadnimadiisa, damiirkiisa, diintiisa, iyo mustaqbalka ubadkiisa….Somaliland waxa hel reer Soomaliland oo dhan.

Mahad oo dhan ALLAH leh
 

 

 

Ahmed Arwo
Samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com