CODKAAGA
KU CIIL BAX- 10
Ahmed Arwo
SNM IYO NSS TAARIIKHDA SIDAY U WADAAGAAN
Waxa
weli hadal hayntu ku taagantay xuskii 18 May iyo habka loo agaa
simay beerta xoriyadda ee Hargeysa. Waa maalin qaran, waa maalin
xoriyadeed, waa maalin dadweynahu u siman yahay oo kulmisa reer
Soomaliland daraf ilaa daraf, qurbe iyo gudo joogba, ciroole iyo
caruur, waranle iyo wadaad, rag iyo haween. Waa xoriyad halowday oo
soo guryo noqotay, ka qiime weyn tii hore ee gumeysigii caddaa oodda
loo jaray kolka aad ka eegto dhinaca qiimaha ay ku kacday. Waxa ku
dhintay geesiyaal kumanaan iyo kumanaan ah, waxa agoomoobay ubad iyo
haween aan cidna godob ka gelin. Waxa burburay magaalooyin jiil ilaa
jiil la soo dhisaayey. Waxa la xasuuqay duun iyo duurgal, oo laga
dabogeeyey raacatadoodii dambi la’aanta loo laayey.
Waxa intaba guul u noqtay maalinta 18 May 1991 ee Burco lagaga
dhawaaqay qarannimada Soomaliland ooy ku walaaloobeen beelihii SNM
iyo walalahooda dalka, danta iyo dhalashadu mataanaysay. Waxa la
tuuray raad-xumadii ka dhashay dawladdii kelitaliska ee dabka isagu
dhiibtay, kala qaybisay, iska horkeentay wiil iyo abtigii, nin iyo
seedigii, ayeeyo iyo tafiirteed, awoow iyo wiilashii. Waxa la
dhigtay cahdi mideeya oo ku dhisan cadaalad loo siman yahay,
dhaqaale iyo dheef guud oo sinnaan loo wadaago, xukun aan la kala
xigtaysan, xaq loo darbanaado, iyo xaqdarro aan leysagu hiilin.
Waa sanadkii labaad ee dabaal-dego noqday mid murugo dhinac socoto.
Waa sanadguuradii labaad ee ina soo marta iyadoo uu xilka hayo
Madaxweyne mudadii la doortay dhammaatay. Waana wax laga xumaado in
xuskii noqdo mid ay dhooqoysay xukuumad sharcigi ka dhammaaday oo
meesha ku joogta dulqaadka mucaaradka oo muujiyey xilkasnimo iyo
naf-jecleysi la’aan. Halkii uu Madaxweynahu arki lahaa dulqaadka
shacbiga uu laba jeer ku dul damaashaday isagoon haysan awoodii
sharci ahaan loogu doortay ee mudadeedu dhaaftay, ayuu u abaabulay
xuskii qaranka mid kooxi leedahay oo weliba kooxdu tahay mid ay
horboodayaan garab NSS ah, oo uu ka hormariyey ciddii dhashay
qaranimada Soomaliland waa SNM ah.
SNM IYO NSS TAARIIKHDA SIDAY U WADAAGAAN
Haddaba waxaan bal faalayn doona waxa dhaliyey in madasha laga waayo
maqaamkii SNM ku lahayd xafladda. Waxa NSS ka hormariyey, waa
dhacdooyiin taariikhda inoogu jiray oon iloonay balse aanu
Madaxweynahaheenu iloobin. Inta taqaan NSS waxay ahayd wey sii
yaraanayaan, inta aan aqoonina wey sii badanaysaa. Si taas loo
joojiyo, waxa habboon in la qoro taariikhdii halganka laguna muujiyo
cid waliba maqaamka ay ku lahyd, iyo dhinaca ay la jirtay. Cid
markaan leeyahay waa qof, mana aha in beelo iyo reero loo nisbeeyo
fal qof iyo dhowr ku kooban. Waa dulmi iyo cadaalad darro in dambi
qof leeyahay loo xanbaariyo reer miyo beel. Waana midda uu
dambiilahu gabad ka dhigto, kuna badbaado, oo uu weliba fursad u
helo inuu mar labaad dhibtiisii la soo noqdo.
NSS waxay ahayd hormoodka daafaca kelitaliskii Inna Barre. Waxay
ahayd muruqa lagu duudsiyo xaqa muwaadinka, waxay u xil saarnayd
wanjalaadda iyo ka been sheega muwaadinka u diir-naxa dadkiisa,
waxay ahayd awoodda ku shaqaysata Hooyooyinkii iyo Guulwadayaashii,
waxay ahayd hay’adda u xilsaaran been fidinta, jaahwareerinta
bulshada, dhismaha dacwad aan run ku dhisnayn, markhaati-been
abaabulka..Waxay dhegeysan jirtay ooy akhriyi jirtay fariimaha nin
iyo xaaskii isu diraayaan, wiil iyo aabahii. Dalka kamay bixi jirin
cajalad iyo warqad ayna soo akhriyin, oo madaarka ayaa lagu baadhi
jiray si loo xaqiijiyo shaanbadooda .IWM.... Hay’adda waxa jiray
xilal kale ooy ka mid ahayd la socodka farogelinta shisheeye,
ilaalinta warka daabacan, ilaalinta Baasaboorka iyo daabacadda
waraaqaha rasmiga ah.
Raggii saraakiisha loo qaatay 1972-1973 waxay ahaayeen qaar aan
iyagu iskood u doonan oo waa laga yaabaa rag aan ogahay inay shaqo
kale ka jeclaayeen, ikhtiyaarkaas lama siin. Waxa u badnaa beelaha
SNM saraakiishii xiligaas la qaatay. Intaas aan ku dhaafo go’gol
dhig si kooban u tilmaamay NSS, aan u gudbo nuxurka maqaalka ee ah
maxaa NSS ka hormariyey SNM maalintii xorriyadda Soomaliland.
Kolka NSS xilkeeda aad kor ku sheegan fahamatay, waxay noqotay
xiligii halganka cadow toos uga soo horjeeda oo dirir cad kula jira
SNM. Ragii xiligaas xilka NSS hayey waxay u ahayd maalin madow kolka
ay SNM guulaysato. Waxay ugu darrayd dhacdadii Jeelka Mandheer la
jabiyey, wiigag mey seexan, mey nasan oo mey ladin, canaan
,cago-juglayn, hadidaad ayaa xafiisyadooda ka socday. Sidoo kale
Dilkii sarkaalka Madaxa u ahaa ee Axmed Aadan ayaa ahayd mid taas u
dhiganta. Waxa iyana xusid mudan maalintii Cabdilaahi Askar jeelka
lagaga baxay, iyo dhacdooyinka SNM ku faanto oo dhan sida soo-galkii
Burco, iyo Hargeysa. Ayaamahaas i waxay u ahayd NSS murugo, naxdin,
cabsi iyo niyad-jab gudcur ka dhigtay duhur dharaareed. Gacanta iyo
dhafoorka ayaa isku dhegay, fadhi iyo joogba wey diideen. Gaalaa-bax
aan jiheysnayn ayey baabuurta dhan walba u eryaan. Waa shaydaan aad
arkaysee, dariiqa waa loo faaruqiyey. Wey iska hor iyo dabo
yimaadaan, telefoonku ma kala go’in, wax aan canaan iyo hanjabaad
ahayn se ma xanbaarsana. Qiimaahooda ayaa kacay. Waana xusuus weli
ku jirta maanka Madaxweyne Riyaale, shacbi-weyne se wuu ka maydhay.
Waa na is-dhaafkaas kan ayna dadweynahu weli si dhab ah u fahmin.
Dhinaca kale waxa dabaaldeg u ahayd dilkii iyo dimashadii
mujaahidiinta Alle ha u naxariistee aan la soo koobi karin balse aan
ka magacaabaayo inta hadda maankeyga ku soo degtay oon ka turjumeen
kaalintooda iyo maqaamkooda: Cabdiqadir Koosaar, Aadan Shiine,
Lixle, Aadan Salaiman, Maxamed Cali, Ahmed Dhagax, Maxamuud Haybe,
Hassan Salyman Weyne, Maxamed Cali (Kaarto Ayuub), Gacmo-dheer,
Ibraahim Hayliqin iyo dhigood kale ee dhammaan u dhintay guusha 18ka
May lagu xuso. Waxa iyana soo raacda maalintii Cabdillahi Askar la
soo qabtay ooy ayaamo fandasiye ku jireen.
Aayaamahaas mugdiga SNM u ahaa ayaa NSS nalka farxaddu ka ifaayey
xaafisyadooda iyo xaafadaha ay u hoydaan... iyadoo barje iyo baruur
wiigag leysla dhacaayey. Waa isla taariikh labada urur midba si ka
soo horjeeda kan kale u arko, una xuso. Waxa mid guul u arkaayey,
ayaa kan kale uga dhignayd sun la liqsiiyey. Taas ayeyna salka ku
haysaa habka sanadahan loo xuso maalinta Gobannimada Soomaliland.
Siday noqdeen Saraakiishii NSS intii Soomaliland jirtay? Dabcan
dadku isku dhaqan iyo dabci ma aha. Qaladna la soo wado gel. NSSna
waxay kala noqdeen nin iyo naftiisa. Intooda badani waxay noqdeen
muwaadiniin gafkooda qaatay, qaladkoodana toobad ka keenay,
Illahayna aan u baryaayo inuu ka aqbalo iyaga , aniga iyo cid kasta
oo dambi ka dhacay ka toobad keentay. Waana dar la mid ah bulsho
weynta kale oo shar iyo kheyrba leh. Waxa soo hadhay koox weli
dariiqii hore haya, oo tacadiga xuuqda dadweynha, isku-dirka,
xaaraan-xalaaleynta farsameysan, wanjalaadda, markhaati-been dhiska
weli sii haya oo xirfad ka dhigatay ay la god galaan.
Waxa ayaan darro ah in kooxdaasi tahay tan manta ku xoonsan
hoggaanka dalka.. Madaxweyne halkii u noqon lahaa nin ku faana
wanagga SNM dhalisay illeen isaagaaba u madax ah manatee, ayuu
noqday nin xusuusan ayaamihii halkanka iyo maalmihii qadhaadhaa ee
SNM soo kala martay... Haddaba haddii dadweynahu maankooda ka
maydhay dhibtii ka soo gaadhay NSS ooy weliba ugu abaal gudeen inay
Hoggaanka dalka u dhiibaan, abaalkoodi ma waxuu noqday in ciqaabtii
iyo tacadigii ay hore u soo mareen lagu celiyo. Waa ayaan darro
Soomaliland ku habsatay.
Intaan faalada kuwa qalbigoodu madoobaaday ee beelaha ummadda u kala
saara ayna maqaalka si kale u dhigin, waxaan hore u sheegay in
beelaha SNM ugu badnaayeen xiligii NSS la asaasay saraakiil ahaan,
waxaan qabaa inay xataa xiligii dambe sidaas ahayd. Waxaan hubaa in
reer AWDAL yihiin reerka ugu saraakiil yaraa NSSta. Hadalkaygu
beelaysan, oo Soomaliland kheyr iyo shar wadaag weeyi. Madaxa xumi
meelna badbaadin mayo. Kan fiicanina meel walba wanaagiisu wuu
gaadhi, Kolka xumaantu dadka wado taabato, waa inaan madax maqaar
saar ah leyno cumaamadin, oon magacaaga lagu muwaadinka lagu
dulmiyin.
Waxa muuqata in Nss intii wanaag-doonka ahayd, oo ah inta badan la
baal maray, in dhegaha Madaxweynaha ay haystaan col weli ku faana
hawlihii xumaa ee xiligii keliteliska ay hayeen. Waana qaar uu isagu
soo xushay, oo Madaxweyne kasta fikirkiisa waxa kaaga filan sawirka
laga arko la-taliyaashiisa. Iyaga iyo inteena kaleba, waxa inala
gudboon toobad keen, iyo inaan ka murugoono qaladka inaga dhaca, ee
aynaan ku faanin.
Kolkaad xuskii maalinta qaran ka timaado, waxa ayaan darro ah
dhacdooyinka sida badheedhka ah ummdda loogu leeyahay “haddaad
horumar degmo, gobal, magaalo, beel, reero rabtaan ka soo baxa
Kulmiye oo ku soo biira UDUB”.. odhaahdaas oo keliya ayaa kaaga
filan qiimeyn aad ku samayso xukuumadda taliska haysa. Miyeyna ahayn
odhaahdii Ina Barre.. “..Xisbiga ku soo biira, hooyooyinka ku soo
biira, guulwadayaasha ku soo biira, oo ka kaalaya Iimaan-laawayaasha
SNM”
Maxaa isku xidhay waxqabadka dawladda iyo codka muwaadinku xaqa u
leeyahay inuu xisbiga uu doono u foodo. Waa dambi-qaran waana mid
cida la gole timaada loo baahan yahay in loo diiwaangeliyo si bal
maalin oon loola xisaabtamo. Cidda xisbinimo shaqo ku weyda, iyo
cidda ku heshaba, waxa habboon in warbaahintu la socdaan, oo ay si
tifatiran ula socdaan, una diiwaangeliyaan.
Si aad uga baxdo dulmiga lagu huwiyey, si aad u badbaadiso
qarannimda, si aad u tuurto kala-qaybsanaanta iyo qabyaaladda iska
jir afmiinshaarka dhadhamo raaca ah, iska jira daalinka shaqo iyo
mansab xaq-darro loogu laaluushay, u kac gargaarka bulsho-weynta, u
taagnow midnimada, ka dagaal qabyaaladda iyo qaybsanaanta, CODKAAGA
KU CIIL BAXA... ka xorow wanjalaad, kiis been ah, iyo markhaati iib
ah...waad gaadhi karta guusha, kolkaad naftaada farto wanaaga,
kolkaad qoyskaaga barto inaan xalaal xaaraan lagu doorsan, kolkaad
fidno iyo colaadda ka hortagto eed ku damiso cadaaladda. Midhaha
geedka nabaddu ka baxaa waa CADDAALAD IYO SINNAAN loo sinaado
sharciga, kheyraadka, iyo dhib iyo dheef waxii qaranku leeyahay.
Gacmaha hays qabsadaan inta cadaalad doonka ah, inta dalkooda jecel
ee dulmi diidka ah, muwaadin ahow UDUB, KULMIYE amba UCID... waxa la
gaadhay heer xukuumadda talada haysa leyska garabsan lahaa, oo
qaranka rahman laga furdaamin lahaa. Dimuquraadiyadu waxay waajib ka
dhigtaa in dadweynahu helo fursad ay ku bedelaan xukuumad xun, oo ay
ka soo baxaan xisbiga talada haya, una digo rogtaan mucaaridka. Taas
la’aanteed waa dimuquraadiyad la’aan. Waana waxa loo yaqaan
“kelitalis xisbiyada badan” ( Multi-party dictatorship), waa dal
xisbiyo jiraan bal se shuruucad taal iyo awoodda qaranka ay si
sharci darro ah ugu tagrifaan cidda hoggaanka dalka haysa si kasta
ha ku yimaadaane...waa sida ay tahay dalka Masar. Haddaba inagoo
dagaal iyo halgan qadhaadh u soo maray xorriyaddeena aynu noqono dar
ka foojignaada inaynu abuurno kelitalis kale... ogow midba midkuu ka
dambeeyo wey ka adkan doontaa sida loo ridaa. Haddaan manta loo
kicin badbaadada dimuquraadiytada curdinka ah, oo aynu si nabad ah
oo fudud ku furdaamin karno, waxa Alle inooma keenee aynu halis u
nahay burbur iyo aafo colaadeed.
Mucaaridka waxa la gudboon is-aamin, isu-tanaasul, dulqaad, wadajir,
foojignaan, talo-wadaag iyo inay kordhiyaan dadaalkooda dhinaca
wacyi-gelinta iyo baraarujinta guud ee shacbiga. Yaan loo kala tegin
badbaadinta qaranka, cahadka iyo ballanka inoo yaal aan aamino,
rumeyno, yaan leys badhi-furin, samir la’aan iyo talo-xumo yeyna
Riyaale u cimri-dheerayn. Waa masaiirkii ummadda ee damac shakhsi
iyo canaad shakhsi, iyo kala-dambeyn la’aani yeyna halaag iyo hoog u
soo hoyn ummadda u taagan inay CODKOODA KU CIIL BAXAAN ooy si nabad
ah ku tuuraan heeryada dulmiga iyo dalasiga. Iska jeer qabyaaladda
oo dusha how ridan dambi nin kale galay, isskana jir inaad fal qof
iyo dhowr sameeyeen aad u nisbaysiiso reer iyo beel aan dambiga la
wadaagin. Waa ruux iyo naftiisa, danta guudna weynu u simanay, qofna
marti dalkiisa kuma aha...Soomaliland waxa ah reer Soomaliland oo
dhan.
ILLAAHAYNA AYNU TALO-SAARANO.
Ahmed Arwo
Samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com/
|