CODKAAGA
KU CIIL BAX..Q12...WASIIR WARANCADDE MA LA
FAHMAY...

Waxa
soo baxday sida Madaxweyne Rayaale ugu xuubsiiba na ayo,
haddanu waa horeba gaadhin, inuu noqdo keli-taliye waliba farsamo
xun. Waxa Riyaale ku talaabsaday socdaalo fure u ah indha-indhayn uu
ku qiimeeyo masiirkiisa doorash o. Haddaba isaga oo socdaalada ku
gaalaa bixiyey labada g obol ee Saaaxil iyo Togdheer, waxa uu
kala kulmay niyad jab iyo wajigabax. Taas ayaa sababtay inuu
baaajiyo socdaala dii uu ku gaadhi lahaa Sool iyo Sanaag. Waxa
niyad-jabkiisa markhati u noqot ay aaskii uu kala qayb qaatay reer
Awdal ee Alle ha u naxariistee lagu aasa y siyaasiga weyne ee
Cabdi Xasan Buuni. Madax. Riyaale isagoon cidna qaa bilin ayuu
duhur cad ka soo baqoolay Boorame. Waxuu weli ka bogsoon la ya
hay la-xisaabtankii uu kala kulmay reer Burco iyo Berbera... tanina
waa Boo rame oo muddo shan sano ah sugaysay. Aan qodobeeyo
dhabada doorasha diidka ah ee soo ifbaxaaya.
1-Waxa laga dareemay inuu dib u gurasho
ku sameeyey balamadii doorasha da oo uu rabo inayna dhicin.
Waa in la helaa farsamo ay ku baaqato. Waxa taas ka mid ah colaad
beelaha la dhex-dhigo. Ma maqasheen labada Suldaan ee reer UDUB oo
waliba ah kuwa ugu dhowdhow Riyaale siday u hadleen.. Wa a Suldaan
Salayman..suldaanka Dilla iyo Suldaan Maxamed Cabdiqaadir waa
Suldaanka Salaxlay.. waa laba nin oo is og, ereyada ay ku
hadalayaana ay yi hiin qaar meel keliya ka soo wada baxeen,
haddana waa qaar iska soo horje eda.. Waayo ujeedadda ay
leeyihiin ayaa ah in colaad beeleed la huriyo, ugu yaraan in
bulshada la kala qaybiyo, oo la kala qoqobo... waa fal loo maraayo
hadafka Riyaale ee doorasho-diidka ah..
2- Waxa weli taagan kansarkii
doorashada oon la doonayn in la bogsiiyo, waa serverka Indiya lagu
macmalay iyo farsamoyaqaanada Baaniyaalda ah ee qal bigoodu
maqlo sanqadha lacagta, madaxana u ruxa kolba inta looga
sanqad hiyo... waa sheeko... diin god gel... goray god gel... iyo
alfi layla....
3- Waxa iyana la sheegay inuu
Madaxweyne Riyaale laba xubnood oo komish anka ah bedelaad ugu
gudbiyey Golaha Wakiilada... waana ciyaar kale oo xili ga
doorashada lagu riixaayo....labada xubnood oo kala ah Mud. Maxamed
Yuu suf oo ka tirsan kuwa Madaxweynahu soo magacaabo, iyo Axmed Xaji
Maxa med (Bidaar) oo ah xubinta UCID oo aad uga biyo diiday in
komishanka laga daaro Madaxtooyada, kana gilgishay xilkasnimo-
la'aanta ka muuqata Guddi ga.
4- Lacagtii lagu xidhay ee ay ahayd in
kal hore loo dhiibo komishanka si deeq bixiyaashuna u soo
gudbiyaan lacagat oo labaduba xisaab gaar ah lana baa dhi karo
ku dhacdo, oo weli aan la hayn, una muuqata, mid ka mid ah
xeelad aha dagaal ee Madaxtooyadu ku hayso doorashada.
5- Waxa intaba ka daran, in hay'addii
doorshada uga wakiilka ahayd deeq-bixiyaasha loo digay, lana rabo in
laba eryo...waa laadka ugu dambeeya ee lagu burburinaaya doorashada
ay ku xidhantay rajada dadweynaha iyo ictiraafka caalamkuba.
6- Waxa iyana cad boobka hantida dalka
ha ahaato dhul, mashruuc iyo cashu urba ay ka muuqato
mas'uuliyad darro iyo xilkasnimo la,aan. Waxa taas la dheehan karaa
socdaalka aan qorsheesnayn aan lana shaacin ee Madaxwe ynahu u
aaday Kuwait. Madaxda dunida socdaalkooda waxay yihiin qaar ay ka
hawl galaan shaqaale sii agaasima hawlaha ay taaban doonto, iyadoo
inta socdaalku jirana si joogta ah looga soo waramo, kolka ay
dhammaatana war bixin labada dhinac ah laga soo saaro, deedna
noqoshada wafdigu si faahfa ahsan uga warbixiyo. Socdaalada
Madaxtooyadu waa mid taas aad uga duru gsan, oo dhawaac u
yeeshay karaamada uu leeyahay kursiga madaxweyn ahu. Kamana
duwana socdaaladii ma-dhalayska ahaa ee hore daafaha dunida lagu soo
daansho-daanshooday. Waxa meel lagaga dhacaa qaranimada dalka iyadoo
lagu sheego in Madaxweynahu u dhoofay siduu heshiis ula geli lahaa
shirkado ganacsi oon marna taabogalin heshiis-ku-sheegyo tiro badan.
Maxaa u diiday in shirkadahu yimaadaan dalka? Maxaa heshiisyada
qaran ku koobay Madaxweynaha ee Wasaaradaha xilka ku leh iyo
Barlamaanka loogu diiday sida dastuurku qabo? Imisa jeer ayaa
Wershadda sibidhka la siiyey shirkad ajanebi ah, imisaa dhagax la
dhigay, imisaa shacbiga Saaxil loogu bushaare eyey
shaqaalaynteeda. Hadda ogow wershaddan waxaa dhisi kara oo xaqna u
leh shacbiga Soomaliland. Waxa Kuwait loola cararay waa in la marin
habaa biyo dadweynaha oo loo ruxo dhameel aan dhulka u soo dhicin.
Weli Madaxweynahu muu garowsan garaadka ummadda, waxa uu u yaqaan
dar aan aqoon lahayn, garaad yar oo maskaxda ka doqon ah. Wershadda
wa xa ugu weynee ay samaynaysaa waa dhagaxa ay sibidhka u rogayso.
Yaa leh ma Carab ayaa leh, mise ummadda Soomaaliland.Sidee dhagaxaas
loo qiimeyn ayaa? Maalgashiga shisheeye maxaa u sharci ah? Waa
mashruuc dhalaan-habaabis ah. Inta xukuumaddu ku bixiso
jaahwareerinta ummadda, waxay ku hantiyi lahayd qalbigooda kolka ay
khrashka dhoofka iyo casuumadda shishe eyaha loo-adegsado
marin-habaabinta ummadda , ay ku bixin lahayd arrimaha la xidhiidho
waxbarashada iyo caafimaadka.
Tafaasiil dheeraad ah oo la xidhiidha xaalad-abuurka Madaxtooyada
halkan hoose guji
Wadahadaladi Axsaabta Oo Burburay Iyo Asxaabta Mucaaradka ah
WASIIR
WARANCADDE WARRAN WAXNA SHEEG ....
Aan u kaco hadalada ka soo yeedhay Wasiirka Duulista waa
Warancaddee. Waxa Wasiirku tibaaxay in
Madaxweynaha sharciga loo furo si seddex jeer iyo wax ka badanba uu
xilka ugu soo noqdo, isagoo tilmaam ka dhiganaaya Madaxweynaha
Jabuuti. Haddaba arrintan aan meeshaba oolin, maxaa kee nay?
Hadalkani ma yahay mid sarbeeb ah? Ma yahay duur-xul uu hab qarsoon
u soo dhigay? Ma farsamo u gaar ah NSSta? Wasiirku miyaanu ahayn kan
sida gaarka ah looga ammaano xukuumadda Riyaale? Kolkaan si walba u
qiimee yey, waxaan gartay in Wasiirku shacbiga u digaayo. Macnaha ku
dheehani yahay hadduu doorshada soo socata si uun u helo, waxa xigi
doonta inuu idin yidhaahdo, dastuurka ii bedela mar seddexaad iyo
muddo la'aan aan idin xuk umee. Waa sida keliya ee caqliga
fayoobi u maareen karo, hadalada Waran
cadde. Ogow NSStu duurxulka iyo sarbeebta duruus ayaa lagu
siin jiray. Wasiirku hadal, shacbigana u dig, dardaaran oo weliba
madaxa soo dhigay, ee dadweynow fariinta sideeda u qaata...
hadalkiisu waa manta ayuu dhow yah ay ee joogso dheha....haddii
kale seddexda jeer waa sahaale car yaanu Marx uumka
Cumar Bongo muddo dhaafin..... Aan
nidhaahno Wasiir mahadsanid fariinta
aad noo soo dirtay, dardaarankii garanay oo guddoonay
... Riyaalen a seddex isla gaadhimeyno,
oo kowbaanu ku joojin doonaa... waa sidaad noo tilmaantee. GUJI
LINKAN OO DHEGAYSO WASIIRKA:
http://www.somalilandcenter.com/content/view/2365/9/
Iyana waa dhacdo kale oo Tviga Somaliweyne ee
Universal waxa ayaamahan xarun u noqotay Hargeysa, iyadoo
Madaxweyne Riyaalena u dhego-fudud ya hay inuu waraysi siiyo
idaacadaha Xamar sida Horn Afrik
iyo Universal, kolka uu aad uga gabsado
inuu qaabilo warbaahinta madaxabanaan ee Somaliland.
Waa astaan kale ee ma ogtahay in midabka
Universal yahay blu
iyo caddaan, waa calaamada
qaranimo ee Soomaliya oo ah calanka bluuga ah iyo xidigta c
ad. Ma ogtahay in Madaxweyne Riyaale ku sheegay waraysigii uu siiyey
Cow ke, oo ah inuu jeclelyahay midabka bluuga iyo caddaanka.
Ma tahay tanina
fariin si duurxul ah Madaxweynahu
inoogu waramaayo? Waa mid maskaxda aadmiga ee miskiinka ahi wax iska
weydiin karto? Waxa la ohyahay in wax aad jecshay iyo waxaad
necebtay si kasta ood u qariso laga dareemi karo wajigaaga, sidaad u
fadhiisato, iyo kolba wax aad ka hadlayso, gacmahaaga iyo indhahaaga
oo ay adagtahay inay beenta afkaaga aad bartaa, ay la jaan qaadaan.
Nasiib wanaag amba nasiib darro kaad doonto ha ahaatee Soomali wey
inagu yaratay cid ku xeel dheer akhriska jidhka aan ahayn waxa
carabku ku dhawaaqo... Wax badan ayeynu ogaan lahayn oo sida xaalku
yahay aad uga fog.
Innagoo digniinta Warancadde qaadanay
bal aan eegno waxa kalifay Madax. Riyaale inuu ka horyimaado
dimuquraadiyaddii lagu doortay.Talaabooyinka kor ku xusani waxay
marag ka yihiin in Madax. Riyaale ku qancay inaanu sinna ugu
guulaysan karayn doorasho iska daa' xalaal iyo xaq ah , xataa hadduu
wada isticmaalo dariiqooyinka iyo farsamooyinka la-taliyaashiisu
niyadda ugu dhisaan. Waxa hubaal ah madaxweyne in uun is leh waa
lagu dooran, inaanu 4 jeer doorashada dib u riixeen, inaanu mar
shanaad u soo qalab qaateen.
Waxa cad
carqaladeen qaawan oo u dhow xumaan u badheedh ku
burburin aayo qarannimada qaaliga inagu joogta. Waxa waajib inagu ah
xaakim iyo shacbiba inaynu u darbanaano difaaca sharciga iyo
dastuurka dalka, inaan nabaddeena ku ilaalino cadaalad iyo
xilkasnimo. Maalin waliba dhammaad ayey leedahay, samirkuna xad ayuu
leeyhay. Aan Madaxweynaha kala talino xumaanta ay inoo horseedayso
dariiqa uu u talaabsaday. Waxa manta ina saran xil siyaade ah, si
aan dalkeena uga dheerayno wax kasta oo dhib iyo xumaan u keeni kara.
Taas waxa lagu rumeyn karaa inagoo dhammaan
ilaalina dastuurka, difaacnana xorriyadda iyo dimuquraadiyada aynu
dhiiga u
hurn ay...Waynu karnaa inaan si fudud cidda dar-jiidhay
xerada sharciga dib ugu soo celino. Nabarka ooh ore loo daweeyaa,
waxuu kaa baajiyaa xanuun iyo khrash badan oo ay keento dib-u-dhigasho.
Fariimaha qas-gelinta doorashooyinka,
xaalad-abuurka, beelaysiga iyo degm ooyinka timaha leysagu
xidhaayo, iska garo. Waxa hadalada naxliga leh fidin ayaa bal
u fiirso, waa Salaadiinta ugu dhowdhow maamulka oo weliba sida cad u
sheegta inay yihiin xubno ka tirsan Golaha Dhexe ee UDUB... Ma
rabtaa inaad hesho dal muwaadinku awoodda leeyahay, dal bolisku
madaxbanaan yahay, dal madaxweyne iyo adhi-raacba sharciga u
simanyihiin, dal dawladdu u taageerto sida loo kala itaal darran
yahay, ee ayna noqon sida loo kale xoog weyn yahay, loo kalo xoolo
badan yahay...Taasi waxay ku imanaysaa isbedel aad ku sameyso
hoggaanka qaranka, waxaad ku rumeyn kartaa kolkaad isu taagto xaq
dastuurfku ku siiyey inaad doorato ciddaad rabto inay kuu xaqiijiso
himmilada aad u soo halgantay.
Waa
codkaaga ood ku ciil baxdo, iyana waxay ku imanaysaa doorasho
xaq ah oo xalaal ah. U kac oo u dadaal si doorashadu u dhacdo, ahow
UDUB, UCID, amba KULMIYE... waa xaq muwaadin, waa maalinta aad
muftaaxa awoodda gacantaada ku hayso, una gudbinayso cidaad rabto
inay ku xukunto ilaa doorashada dambe. Ka fiirso, oo u fiirso, oo
qiimee masiirka iyo mustaqabalka dadkaaga iyo dalkaaga.
CODSI SAXAAFADDA SOMALILAND
Waxaa hubaal ah in doorka saxaafaddu ku
leedahay dimuquraadiyada iyo ha b-maamul wanaagu tahay mid lagu
tilmaamo inay tahay dhiig in looga maarmi n noolaynteeda.
Haddaba anigoo hore maqwduucan uga hadlay ugana hadli doono, waxa
aan hadda u socdaa ma aha ka hadalkooda. Waa codsi aan rabo in
bulshada la horkeeno, si loo qiimeeyo waxqabadka xukuumadda. Waxa
man ta aan soo jeedin lahaa in cidi isu xilqaanto bal inta jeer iyo
muddada ay mas' uuliinta xukuumaddu dalka ka maqan yihiin. Ha ugu
horeeyo Madaxweynuhu.
Fadlan ciddii heli kartaa bal
haynoo sheegto socdaalada isu roga fasax iyo dal xiis een dal kale
ka dhicin. Bal soo qaata Marxuum Cigaal
Alle ha u naxariistee 9 sano ee uu xukunka
hayey, iyo lixda Mad.
Riyaale. Kolka madaxdu maalin iyo laba
socdaalkoodu qaato inaga labada wig ayaan waxba ahayn. Waxaydun ku
xigsiin Wasiirada, Shirguddoonada, Xubnaha Barlamaanka iyo Mayorada
iyo cid kasta oo shaqada qaranka ku lumisa dalxiis.
WAA ADI IYO AQOONTAA, WAA ADI IYO GARAADKAA, WAA ADI IYO XILKAS
NIMADAA. XAQIIJI INAAD CODKAAGA KU CIIL BAXDO
Mahad oo dhan Allah leh.
Ahmed Arwo
Samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com |
|