CODKAAGA KU
CIIL BAX- 11- “
SAAXIL WAA SAAXI
”

Socdaalka
ayaamahan uu Madaxweyne Riyaale ugu gaalaaba xay deg mooy inka iyo
ilaa tuulooyinka SAAXIL, oo ah bilawgii olalaha dib-u-dooras ho,
waxa nabar aan dhaymo lahayn ka dhigay socdaaladii hore ee balamada
xadiga badan loogu busha areeyey reer Saaxil. Mar ma ahayn oo laba
ma ahayn inta jeer ee wershado, shiidaal, iyo dalxiis loogu balan
qaaday. Reer Berbera waxba lamay hadhin, oo xataa waxa la ogaa in
Dawladda Hoose mushaharkii shaqaalaha damaashaad iyo dabaaldeg ku
bixisay…kolkii 300 Milyan oo doolar wershadaha ku kacaaya ee weliba
khawaajaha weyn ee Jarmal waday la dul keenay ee dhagax-dhig iyo
shaqo-qorid leysu diyaariyey. Ma ahayn wax lala yaabo.. oo niyad
wanaaga iyo deeqsinimada reer Berbera waa mid ka dhab ahayd. Waxay
se masiib ka timid, in xukuumadda mushaharka shaqaalahaas lunsatay,
ogayd inaan waxba ka jirin waxan ay shacbiga ka iibisay. Saaxil
maankeeda wey qabtaa , ma aha sakhraan, waalina laguma sheegin oo
SAAXIL WAA SAAXI..maantana waa maalin kale, jawaabtana waxay la
sugayaan halkeeda iyo dharaarta ay CODKOODA KU CIIL BAXAYAAN..
Ma se yihiin dadweynaha Soomaliland qaar sida xukuumaddu u aragto ah
maangaab, aan arag wax sankooda dhaafsan… mise waa shacbi samir
badan, wax fahamsan, balse la sugaaya maalinteeda, iyo kolka codka
loo dhaqaaqo. Waxaan qabaa in arrinku yahay kan dambe ee aanu ahayn
sida xukuumadda Riyaale u aragto..
Bal ila akhri warkii wacnaa iyo balankii seddexda boqol ee milyan ee
doolar. Waa kan warkii oo sida uu u qornaa aan idiin soo gudbiyey.
Kaas wax ku qaado. Ku duub xusuustaada oo kol kale ha ku dhicin
dabin hadimo iyo uurkutaalo kugu reeba. Aakhris wacan iyo maankaaga
ood la kaashato. Waxa aan gadaal ka sheegi doonaa sida socdaalka
manta isna dhab ahaan loo arko.
Madaxweyne Rayaale Oo Dhagax Dhigay Seddex Wershadood Oo Qiimaha
Maalgashigoodu Ku Kacaayo 300,000,000 Dollar
Hargeysa (Harowo.com) June 26, 2007- Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Somaliland Mudane Daahi Rayaale Kaahin ayaa abaaro 9:00 subaxnimo ee
saaka oo ku beegnayd munaasabadda qaaliga ah oo ah maalintii ay
Somaliland xornimadeeda ka qaadatay dalka ingiriiska.
Wuxuu dhagax dhigay seddex wershadood duleedka magaalada Berbera
kuwaasi oo la filaayo in dhawaan laga dhisi doono wershadaha kala ah
Wershad Casri ah Oo Sibidhka soo saari doonta (Cement Factory),
Wershad laga samayn doono Dhuxul dhagaxda (Chipsen Factory) iyo tu
kale oo laga dhalin doono biyaha iyo quwadda jibsanka koronto gaadhi
doonta dhammaanba gobolada dalka oo dhan.
Madaxweyne Rayaale ayaa sheegay in dhismaha koobaad ee
mashruucyadani la bilaabi doono dabayaqada bisha barakaysan ee
Ramadaan, wuxuuna kula dar daarmay reer Berbera inay masuul ka
yahiin mashaariicdaasi iyo ilaalintoodaba, Mudane Rayaale wuxuu
sheegay in kumanaan qof oo reer somaliland ahi ay shaqooyin ka heli
doonaan mashruucani oo uu sheegay inay ku baxayso maal gashi dhan
300,000,000 (seddex boqol oo malyuun oo dollar).
Dhinaca kalana wasiirka wershadaha Somaliland Mudane Maxamed
Saleeban Maxamed (Ina Saleeban Weyne) oo ugu waramaayey saxaafadda
maanta xarunta madaxtooyada ee magaalada Berbera ayaa sheegay in
mashruucani seddexda wershadood ah ee qiimahaas ku baxayo ay
fulinayso shariikad lagu magacaabo "German Somaliland Economic
Development Company" isagoo sheegay in fullinta iyo farsamadana ay
fullinayso shariikad lagu magacaabo Saougetta Eng. oo ah shariikadd
jarmal ah. Wasiirka wershadaha Somaliland wuxuu sheegay in
mashruucyadani ay keeni doonaan mashaariic kale oo iyaguna bedda
lagaga soo saari doono kheyraadka dabiiciga ah ayuu yidhi.
Saraakiil ka socota shariikadda Saugetta ee iyadu mashaariicdani
hirgelinaysa oo la socota wefdiga madaxweynaha ayaan iyagu wax faah
faahin ah ka bixinin mashaariicdani wallow marka uu wasiirka
wershadahu uu warbixinta siinaayey saxaafadda ay goob joog ka
ahaayeen, waxaa kale oo ay maanta wefdigani kala qayb galleen
madaxweynaha munaasabad balaadhan oo lagu xusaayey 47-sanno guuradda
ka soo wareegtay maalintii xornimada somaliland ay ka qaaday
gumaystahii ingiriiska oo lagu qabtay fagaaraha Beerta Xorriyadda ee
magaalada Berbera.
Origin: http://harowo.com/2007/06/27/5988/
Haddaba hadday damaashaadkii 2007 ka loo sameeyey seddexda
wershadood ee seddex boqol oo milyan lagu maalgalinaayey, oo gaadhay
dhagaxdhig, iyo balan shaqo qor, aan idinku xidhiidhiyo sida
saxaafadda Soomaliland ee ka turjumaysa dareenka dadweynahu u
aragtay socdaalkan ayaamahan Saaxil mar kale dhagaxa loo karinaayo.
Waa kan faallo ay ka qortay arrintan wargeyska HAATUF:
Saaxil:Safarka Madaxweyne Rayaale Ee Xiligan,Balanqaadyadiisii Hore
Oo Aanay Waxba Ka Fulin,Kuwo Cusub Iyo Duruufaha Qalafsan Ee Wehelka
U Ah Dadwaynaha Gobolkaasi
Berbera, May 29, 2009 (Haatuf) –
Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa maalintii
Saddexaad booqasho ku jooga magaalada Berbera, kaas oo kulan la
yeeshay masuuliyiinta laamaha dawladda ee gobolka Saaxil, kulankaas
oo uu Madaxweynuhu kaga dhegaystay warbixino iyo cabashooyin ku
saabsan Baahiyaha Regaadiyey xafiisyada Addeega Asaasiga ah ee
bulshada.
Kulanka Madaxweynaha iyo maamulka laamaha dawlada ayaa waxa ku
wehelinayey Madaxweynaha xubno ka mid ah wasiiradiisa, Badhasaabka
gobolka Saaxil, Maareeyaha Dekeda iyo Maayirka Berbera, waxaanay
masuuliyiinta laamaha dawladda ee gobolkaasi u qadimeen Madaxweyne
Rayaale baahiyaha iyo duruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan shaqaalaha
dawladda ka hawl galaa gobolkaasi iyaga oo si weyn uga cawday
dhaqaale daro ku habsatay guud ahaan addeegyada bulshada ee asaasiga
ah sida caasimaadka, biyaha, korontada iyo waxbarashada, kuwaas oo
aan helin dhaqaale ku filan oo lagu socodsiiyo hawsha ay u hayaan
bulshada.
Isuduwayaasha caafimaadka, Wakaalda biyaha iyo Waxbarashada oo ka
mid ahaa masuuliyiintii kulankaasi ka hadashay ayaa u sheegay
Madaxweynaha inay haysato duruufo adag oo aanay hay'addaha gobolku
awood u lahayn inay wax ka qabtaan baahiyahaa addeeg ee ka jira
hay'addahooda sidaa darteedna xukuumadda looga baahan yahay inay si
degdeg ah wax uga qabato arimahaasi.
Madaxweyne Rayaale oo kulankaas ka hadlay ayaa ugu horayn waxa uu
sheegay in masuuliyiinta aan fursada u helin kulankan inay
cabashadooda ka hadlaan ay qoraal ahaan ku soo gudbiyaan, isaga oo
intaasi ku daray in cabashada ay soo jeediyeen masuuliyiinta laamaha
dawlada ee gobolka saaxil ay ka wada hadli doonaan marka uu tago
Hargeysa madaxda Wasaaradahooda, wixii suurto gal ahna isku deyi
doonaan in wax laga qabto oo ay hawshooda sii laban laabaan.
Rayaale waxa uu kulankaasi ka dib uu kormeer ku tegay Cusbitaalka
iyo Dekeda Berbera isaga oo halkaa kaga dhageystay Madaxda
Cusbitaalka baahiyaha ka jira in xataa cusbitaalku aanu lahayn
Ambalaas isla markaana ay ku yartahay dhakhaatiirta ka hawlgasha,
waxaana uu Madaxweyne Rayaale u balan qaaday in si degdeg ah loo
dabooli doono baahida Ambalaaska.
Waxa kale oo ay sheegeen wararka ka imanaya Berbera in shalay
gelinkii dambe uu Madaxweyne Rayaale la kulmay madaxdhaqameedyada,
Odayaasha iyo Waxgaradka gobolka Saaxil, kulankaas oo uu ahaa mid ay
albaabadu u xidhan yihiin oo aan loo ogolayn saxaafada ayaan la
ogayn waxa ay ka wada hadleen Madaxweynaha iyo Odayaasha Reer Saaxil,
hasa yeeshee sida ay tibaaxeen ilo xogogaal ah oo ku dhawdhaw
kulankaasi waxyaabaha lagaga waxa hadlayey inay u badnaayeen marka
laga yimaado cabashooyinka loo sheegayey Madaxweynaha iyo
balanqaadada Rayaale uu ka bixinayo waxa laga wada hadlay sidii ay
reer Saaxil u taageeri lahaayeen Xisbiga Rayaale ee UDUB si uu
xisbigaasi ugu guulaysto doorashada soo socota.
Gobolka saaxil oo ay ku taalo dekedda Berbera oo uu ka soo baxo
dhaqalaha ugu badan ee dalku ayaa ah ka ugu yar dhinaca horumarka
marka addeegyada Asaasiga ah ee Bulshada iyo Imkaaniyaadka Nolosha
ee looga baahan yahay Magaalo xeebeeda Berbera, taas oo dadkii ku
noolaa intoodii badnayd ay duruufaha qalafsan iyo dabeecadaha
cimilada dartood ay uga haajireen magaalooyinka kale ee gobolada
dalka.
Dad badan oo ka mid ah dadweynaha reer Saaxil ayaa ku dhaliila
xukuumaddihii Somaliland iskaga dambeeyey kuwo dhaqaalaha ka soo
baxa degada aan waxba ku soo celin gobolkii uu dhaqaaluhu ka soo
baxayey, taas oo marka loo eego gobolada kale aad uga hooseeya
baahiyaha aasaasiga ah, waxa kale oo dadka dhaliila xukuumadda
rayaale ay sheegaan in qadarka dhaqaalaha ka soo baxa dekeda Berbera
ee loogu talo galay in wax lagaga qabto addeegyada sida Caafimaadka,
Waxbarashada, korontada aanay ka badnayn masuuliyiinta maamulka
gobolka iyo degmada, kuwaas oo muddo dheer ku sugnaa gobolka isla
markaana Regaadiyey hawlihii maamul ee ay ummadda masuulka uga
ahaayeen.
Sikastaba ha haatee socdaalka Madaxweyne Rayaale ee xiligan oo ay
dad badani u arkaan inuu yahay mid uu ku doonayo inuu dib u kasbado
taageerada dadweynaha ku dhaqan gobolka Saaxil, kuwaas oo intooda
badan wakhtigan aad u dhegaystaan asxaabta Mucaaridka kadib Markii
ay ku hungoobeen taageeradii ay siiyeen xukuumadda Rayaale
doorashadii madaxtooyada ee sanadkii 2003-dii, ayaa waxa la
siweydiinayaa waxa ay ka bedeli karaan balanqaadyada cusub ee uu
Madaxweynuhu u balan qaado dadka Reer Saaxil iyadoo balanqaadyadii
hore ay noqdeen kuwo madhalays ah.
HAATUF
Waa adi iyo maankaa. Wararkan aan faallo la'aan idinku soo gudbiyey,
waa xusuus iyo inaydun noqotaan dar u soo jeeda danta guud, ka
foojignaada jaahwareerka iyo ballamada aan sal lahyn, ee maalin
walba lagu maydhaayo dhaca iyo musuqa dalka ka taagan. Ogow muwaadin,
waxa la dhacayaa, la burburinayaa, lagugu laaluushayaa, laydinku
kala xadayaa, waa maalkaagii, waa cashuurtii muwaaadin kasta min
gobalka Awdal iyo Sanaag laga qaaday, da' kasta iyo itaal kasta oo
dhaqaale ha lahaadee. Waa tan laga qaaday miiskiinka dawarsada…
waayo wax kasta ood cuntaa, wax kasta ood cabtaa, wax kasta ood
huwataa waxa laga qaaday cashuur… ma jiro ruux markuu dhashay ilaa
inta uu noolyahay aan cashuur bixini. Waa arrin aan laguu sheegin oo
adna si yar kuu dhaafta.
Haddaba u kac la-xisaabtanka mas'uuliinta kaarbedka cas loo dhigo
madaarka sidooy yihiin madax ajanabi ah oo dalka siyaaro ku timid.
Isu diyaari inaad CODKAAGA KU CIIL BAXDO inaad ka bogsato, codkii
kaa xumaaday, kolkaad hoggaanka manta talada haya u fooday ee
CODKAAGI CADOW KUGU NOQDAY. Yaan mar kale lagu dagin. Adigaa awoodda
leh, adigaa u dhiibtay, adigaana ka qaadi kara. Sida goryada madaxa
ciidda ha gelin, ee niyaddaada dhis oo dhe… HAA WAAN KARAA INAAN
doorto hoggaan cusub, inaan rido xukuumadda hawsheeda gabtay..ee
waliba iigu dartay cadaadis iyo xabsi… Waan karaa annigoon
dagaalamin, inaan isbedel sameeyo…
CODKAAGA KU CIIL BAX- 10
Mahad oo dhan ALLAH leh
|