CODKAAGA KU CIIL BAX Q(13)....KOMISHANKU GOORMUU NOQDAY AMIIR

Waxa ayaamahan ina taabatay dhib soo jiitamaysay, la arkayey oo ku biyo shubatay xumaan ina damaqday oo si gaar ah inoo tabatay. Murugo iyo naxdin qaranka oo dhan taabatay. Horaan uga afeef dhigtay oon u arkaayey in meesha balaayo ka socoto. Guji oo akhri: ARRIN LEYSLA OGGOLYAHAY HADDANA LEYSKU DIIDAN YAHAY!

http://samotalis.blogspot.com/search?q=wax+leysla+

Arrinta Ceelbardaale waa masiibo qaran, waa arrin 20ta neeye sano jiitamaysey, iyadoo la arkaayana laga gaabiyey, laga gabaday oo innagu qaraxday. Waxaan taageersanay culumada iyo waxgaradka manta hawshan isu xilqaamay, aan u ducayno in Illaahay xaqqa ina waafajiyo, kana dhigo taladooda mid taabogashay oo aynu dhammaan mahadino.

Aan tacsi u diro ehelka maytida gacan gar-daro ku dhintay, aan xusuusino samirka iyo qiimihiisa iyo inaan afka ka dhowrno waxii kicin iyo xamaasad dhalin kara. Aan ku hawlaano isku jiidka iyo waxii wanaag walaalnimo, ehelnimo iyo jaarnimo u keenaaya labada beelood. Canaan iyo dhaleeceen waxa leh xukuumadda oo si gaar ah u dul taal Madaxweynaha. 30/07/09 Mad. Riyaale oo BBCda ka hadlaayey waxuu qiray in go’aan laga gaadhay 1993 waxuuna yidhi...mucaaridku iyagaa xiligaa Wasiir Gudaha ka ahaa ee maxay u fulin waayeen... Horta dalka xiligaas waxa Madax. Ka ahaa Marxuum Cigaal AHUN waxuuna dib ugu dhigay hawlahii nabadda ee xiligaas dalka ka taagnaa.Haddaba waxa la yaab leh in Madx. Iloobay inuu ilaa 1997 ilaa manta uu yahay hoggaanka dalka ugu sareeya ee madaxtooyada, intaas oo mudda ahna arrinku dul yaalay. Waxa waliba la xiqiijiyey inuu Cigaal wax ka qabashada u xil saaray Riyaale 1999 intaasna ay isaga u taalay.

 Xiligaas dheer wax isku day ah iyo dareen miisaanka ay leedahay marna muu muujin. Waana mid aanu canaanteeda meel kale lagu riixi karin. Fursadii ugu habbooneed ee ugu dambeysay waa aaskii murxuum Cabdi Xasan Buuni Alle ha u naxariistee, oo madaxdii dalka iyo odayaashii labada beeloodba ay ka soo qayb galeen, madaxweynahu wuu joogay, arrinkuna Guddigii Guurtida wuu ka soo dhamaaday, waana halkii uu Madaxweynahu ku guda gali lahaa. Iska daa isku day ee casar dheer ayey isagoon reer Awdal oo aanu muddu dheer arag,ayuu ka baqoolay.Waa yaab iyo anfariir, waxa gobalka ka kaxeeyey, isagoon cidna arag....jawaab weli umaan helin. Waana fursad qaali ah oo luntay,,,waa se cidda dareen leh.

KOMISHANKU GOORMUU NOQDAY XEER-DEJIYE IYO AMIIR AAN DABADII LA HADLIN

Tan kale ee manta u muuqata in dalkeenu ka dhacay nidaamkii dimuquraadiga waa ereyada ka soo baxay Komishanka iyo Madaxtooyada oo si isku mid ah uga hor yimid sharciga dalka ahna mid dambi ah oo maxkamad lagu marin karo.

Waxay isla af ku yidhaahdeen.. dorashadu waxay ku dhacaysaa diwaangelis la’aan oo anagaa guddoominay....goorma ayuu komishanku noqday hay’adda sharci dejinta, halkay ka heleen awoodda ay iyaga iyo Madaxtooyadu ay ku tirtirayaan sharciga doorashooyinka ee Golayaasha Sharci dejintu ansixiyaan, laguna hawl geliyey komishanka.

Haddii sharci jira ay Komishan ahaan iyo Madaxtooyo ahaan keli baa’biin karaan, maxaa loo doortay hay’adaha sharci dejinta. Waa gef iyo mee- ka-dhaca lagula kacay dimuquraadiyada iyo dastuurka dalka, mana aha mid si hawl yar loo yidhi... ee waxa cad in ay badheedh u qarda jeexeen sharcigii dalka ee labadaba u dhiibay xilka ay hayaan.

Aaasaaska dimuquraadiyada ee uu ku dhisan yahay dastuurku waa in la kala saaro xilalka Sharci dejinta oo barlamaanku leeyahay, kan Fulinta oo ah Madaxtooyada iyo Wasiirada , iyo Garsoorka... Waxa hadalka Madax. Riyaale yahay ku tumasho dastuur iyo kelitalisnimo ka fog xilka loo doortay.

Haddii loo baahdo in sharci jira la bedelo, waa in loo maraa dhabaha ku cad dastuurka, haddii kale xaalku waxuu noqonayaa dal aan mas’uuliyad kala lahayn kuna sifooba maamulxumo iyo kelitalisnimo.

Bal ila akhri sharciga doorashada ee Barlamaanka iyo Madaxweynaha laftiisu ansixiyaan oo ah kan loo dhiibay in Komishanka doorashooyinku ku shaqeeyo... aan soo qaato qodabka arrinta diiwaagelinta tilmaamaaya:

Qodobka 5aad

Shuruudaha cod‐bixiyaha

Qodobkan Faqradda 1aad waxaanu ku samaynay kaabis ah qaybta khadka madow ah :

iyo ku darid faqrada 2aad .

1. Waa inuu yahay Muwaadin u dhashay Somaliland ama qaatay muwaadinimada

Somaliland, si waafaqsan Xeerka Jinsiyadda Xeer. NO.22/2002 Qodobadda 3aad

iyo 4aad.

2. Waa inuu ka diiwaangashan yahay Goob‐Codbixineed, haystaana kaadhkii

codbixinta.

Haddaad rabto inaad sharciga oo dhan akhrisato booqo oo guji halkan:


http://www.somalilandlaw.com/Somaliland_Election_Law

_Amendment_Bill__2007.pdf

Waxa isla Gudd Komishanka ka soo baxaayey eryo uu ku duraayo Mucaaridka oo gaadhsiisan cidda u sharaxan Madaxnimada waanu joojin karaan… waa awood maroorsi baaxad weyn oo tirtiray dhexdhexaadnimda xilkani wato. Awodda komishanku waa mid ka mid ah sharciga barlamaanku ansixiyey, mana banana inuu qofna sheegto awood ka baxsan tan xilkiisa ku salaysan. Waxaan leeyahy komishanku ha akhristo bayaanka xilkiisa ( Job specification) iyo sharciga loo dhiibay inay ku shaqeeyaan..xilka weyn ee ay hayaan how gutaan si cadaalad ah oo dalkooda iyo dadkooda ha u horseedaan wanaagga iyo horumarka ka iman kara kolkay habeeyaan doorasho xor ah oo xalaal ah.

Arrinta eriga interpeace oo hawsha doorashada gacanta ku haysay aynu in badana gaar ahaan dawladdu ay iib geysay hab-maamul wanaagga diiwaangelinta, waa mid aad iyo aad u baal marsan nidaam dawlad dimuquraadi ahi ku dhaqanto. Waxay ahayd in eedda la darso, oo la baadho si danleeyda ay ka midka yihiin Mujtamac Weynha Dunidu, xisbiyada iyo qaranka Soomalilandba loo qanciyo. Ma aha in lagu eryo erey hal qof ka soo baxay. Eriga hay’ad miisaankaas leh waxa loo baahnaa in loo maro nidaam muujinaaya in dalka dimuquraadiyadi ka jirto, oo dalku yahay mid sharcigu taliyo, ee aan loo arag mid kelitalis iyo awood maroorsi maamulo. Dimuquraadiyada mabda’ ugu weyni waa wada-tashi iyo is-texgelin.

Waxa is-weydiin leh wiigii hore kolka sedexda xisbi isla qaateen in waxii serverka ka soo baxa inay ku qanacsanyihiin, maxaa keenay in UDUB diido. Ma waxay ka filaysay ayey kla weyday...weliba kolka loo eego tirade soo baxday inta laga saaray waa kuwa bariga sida ku cad hoos... ma waxay ka doonayeen tirtiraad intaas ka badan.... Waxa dhab ah in wax-qabadkooda marka la eego inayna kolna gobalna aqlibiyad ka helayn.... .dadku caqligooda wey qabaan....ninka xilka madaxtooyada hayey ilaa 1997 waa la bartay...aqoonta loo leeyahay ayaa lagu diidi amba lagu dooran.

Waxa iyana la xidhiidha doorashada iyo dimuquraadiyadda dalka oo sii laciifaysa, waa cabudhinta saxaafadda madaxa banana iyo adeysiga warbaahinta qaranka. Waxa xadhig joogta ah lagu hayaa weriyayaal warbxin ka soo duubay dad mas’uul ah oo qadyadi dhextaal, iyadoon la lahayn waa been, lana qabanayn cidda hadalka dawladdu dhibsatay tidhi... Weriye waa dhanbaal-side, xaqna looguma laha in lagu eedeeyo nuxurka dhambaalku xambaarsan yahay. Waxa iyana la sheegay in la xidho HTV oo ah TVii madax banana, eediisuna la mid tahay tan weriyaasha Horyaal.

Waxa soo raacda in idaacadii qaranka loo adeegsado mid xisbi oon loo oggolayn in xisbiyada kale erey ay leeyihiin laga maqlo. Waxa xitaa ka mamnuuc ah in doodaha ka socda Golayaasha sharci-dejinta laga sii daayo, ilaa Shirguddoonka oo hadalkooda laga sii dayn, ilaa mid xukuumaddu u aragto inuu dan gaar ah u leeyahay. Waxayna ka dhigaty Golayaashii qaar laga maqlo dhinac keliya..

Arrimahaasi waxay yihiin dhammaan dar ku lid ah hab-maamul wanaag looga baahan yahay dal dimuquraadi ah oo hoggaanka lagu doorto doorasho xor ah oo xalaal ah. Waaan mid waajib ku ah in muwaadin kastaa ilaaliyo oo uu daafaco.Waa waajib qaran oo dhammaan ina saran inaynu ilaalino dastuurka si aynu dhammaan u helno cadaalad iyo nabad aynu ku gaadhno horumar iyo barwaaqo. Waa inaynu u guntano inaynu qodax iyo musbaarba ka gurno dariiqa dheer ee aynu ku hiigsanayno dal aynu ku faano degmo kasta oo aynu joogno, dal aynu u simanay, dal sharcigu qof walba ka sareeyo, dal hoggaanku ummadda u shaqeeyo ee aanu ka shaqeysan, dal qof waliba xilka uu hayo aanu dar-jiidhin, kana baqan inuu isticmaalo awodda sharcigu siiyey.

Ma aha xaakimku inuu u habrado wasiir, ma aha komishanku inuu dawladda ka cabsado, ma aha in askarigu xidho muwaadin farta loogu fiiqay. Xaakimku ha ku dhego sharciga cabsasho la’aan, shaqaalaha dawladdu ha noqdaan dar muwaadinka u adeega si siman oon ka dab-qaadan xisbi iyo koox dano gaar ah leh. Lacagta lagu shaqaaleeyey waa tan laga soo qaaday caano-diiqda, khudradleyda, biyoolaha iyo doobiilaha, kuwaas oo xisbi walba ah, sidaas darteed waa in hawsha loo qabtaa hagar la,aan aan xisbiyeysanayn.

Si aan ula xisaabtano inta talada inoo haysa, aan u isticmaalno codkeena oon kaga aarsano xumaha aynu tirsanayno. Noqo ruux ku CIIL BAXA CODKIISA....ka foojignow codkaaga ood siisato dhadhamo iyo qadhiidh aan gaajo maalin kula dhaafayn, iska jir CODKAAGA OO CADOW KUGU NOQODA... intaba waxa ka horeeya inaynu isu-taagno hagaajinta qaladka iyo qalalaasaha hadheeyey doorashada. U gurmo badbaadada dalkaaga xisbigaad doonto ahow..UDUB, UCID amba KULMIYE.... Waxa aynu wadaagnaa ka badan waxa inoo dhexeeya..Waxa tartaku yahay hoggaan-qabasho, waxa se ka horeysa in wadajir loo ilaaliya shuruucada dalka si aynu ku helno deganaansho iyo nabad inoo saamaxda tartan caafimaad qaba iyo dal muwaadinku ka taliyo, kolbana dhinaca loo bato talada loo dhiibo.

Dawladda dimuquraadiga ahi waa tan isu diyaarisa inay noqoto berri ka maalin mucaarid, kolkaas dhowrta xuquuqda muwaadinka mucaaridka ah, een shaqo ugu diidin xisbigiisa, amba aan cabudhin ra’yigiisa. Waa astaanta lagu garto in hoggaanka dalka ka jiraa yahay dimuquraadi. Hadduu se mucaaridka u yaqaan cadow, waa astaanta kelitalis aan biyo is-marin.

Aan wadajirno oon isku raacno difaaca sharciga iyo dastuurka. Dalka xisbi ma leh, beeli ma leh, degmo ma leh, waa mid muwaadinku wada leeyahay, cidna marti looguma aha, cidna lagama riixi karo, haddii la rabo dal aynu ku faano, horumar iyo horukac inaga iyo ubadkeena u leh, nabad lagu seexdo, laguna ilaaliyo cadaalad iyo xaqqa oon dhammaan af iyo adinba ku difaacno.

Labo sano ka hor ayaa qalalaase sharci oo dalka ka taagnaa abwaan Hadraawi hadal ka yidhi isagoo Guddi loo xilsaaray Guddoomiye ka ahaa GUJI LINKA HOOSE sidaad u akhrido:

LABA SANO KA HOR MAXUU HADRAAWI KA YIDHI MADAXTOOYADA SOOMALILAND...WAANA ARRIN WALI TAAGAN
http://samotalis.blogspot.com/2009/07/laba-sano-ka-hor-maxuu-hadraawi-ka.html

Waa dharaartii wadanigu hawl geli jiray, waa ayaantii dhuuniraac qarsoodiga ka bixi jiray, waa maalintii runta iyo beentu kala baxayeen, waa ayaanta aan cidna lagu halayn badbaadada qaranka. Xaqqa aan u kacno, gacmaha aan is- qabsano. Muwaadinka doonaaya inuu helo dal xor ah, dimuquraadi ah, sharcigu ka sareeyo xaakim iyo la xukimaba, ha ahaado xubin ku jirta UDUB, UCID AMBA KULMIYE waa ku waajib inuu dalka u gurmado. Waxa dhawaaqaya dalkii hooyo ee yaa u ciidmaaya... yaa ilmada ka biinaaya, yaa xaqqooda u soo celinaaya ubadka iyo hooyada xoolahooda dalxiiska iyo tamash-leynta laguu dhoofo daafaha dunida...yaa u miciin ah inta dulmiga ku xidhan, inta shaqada ku weyday xaqqa ay raaceen, inta afka laga xidhay, inta diradiraalahu isku diray, inta cashuurtooda lagu laaluusho, inta jahligooda looga faa’ideysto, inta durbaanka beenta ah ee beesha loo garaacay.... aad CODKAAGA KU CIIL BAXDIDE u toos xaqqaaga oo isu-taag inaad u hiiliso raga iyo dumarka u kacay inay dalka ka badbaadiyaan keli-talis u horseeda burbur iyo holac colaadeed....diid cidda doonaysa inay xaq-darro kugu xukunto. Haa waa kartaa ee naftaada ka xoree cabsida kaa hortaagan inaad xaqqa u hiiliso....adoon diririn, adoon dhagax-tuurin qalin, weedh,iyo banana-bax iyo urur ayaad intaasba ku samayn kartaa. Waxaad heli gargaarka Alle kolkaad isu-taagto cadaaladda...waa gargaar ifka ah iyo abaal-marin aakiro..

MUWAADIN WAA ADIGA CIDDA DALKA BADBAADIN KARTAA..

Mahad oo dhan Allah Leh,
 


Ahmed Arwo
Samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com/
http://en-gb.facebook.com/pages/SAMOTALIS/102872107333
http://samotalis.blogspot.com/