“Nimankii KULMIYE Ee
Aad Argagixisada Ku Tilmaantay Xaggee Ayey Cismaan ow Ku D ambeeyeen…?..
“Waxaannu Leenahay Xukuumad Iyo Madaxweyne Oo Gacmahaannu U
Tummaynaa..Adigoo Kalenna…” Cismaan Cabdilaahi Cigaal oo sheegtay
inuu yahay Afhayeenka UDUB
Hargaysa 14, 2010 December (TNN)-“Waa markii u horeysay ee aannu
hadalno intii ay ummada Somaliland naga coddaysay, unna codde eyeen
Xisbiga maanta talada dalka haya ee KULMIYE iyo Xukuumadda.
Waannu u mahad naqaynaa ummada Somaliland inay Xor u yihiin codkooda
iyo fikirkooda, oo shalay na doorteen maanta na diideen waa arin
Dimuquraadiyada ku fadhida waanan ku ammaanaynaa in Dadka la
kastabado, ummadu waxay doonaysay is bedel Illaahay waxaannu ka
baryeynaa in is bedelkii ummadu doonaysay la helo.
Annaga laftigayagu shacbiga ayaannu ku jiraa oo shqsiyaad ummada ka
mid ah ayaannu nahay is bedelkaa quruxda badan ee bulshadu rabtay
ayaannu rabnaa, haddii ay wax inoogu kor dheenna annagana way noogu
kordheen” Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi), oo sheegay inuu
yahay Afhayeenka Xisbiga mucaaridka ah UDUB wuxuu hadalkan ka
sheegay Shirjaraa’idk oo uu ku qabtay Hotel Crown ee magaalada
Hargaysa, oo ku shaacinaayey qaab dhismeed cusub oo ku simaha
Guddoomiyaha Xisbiga UDUB ahna Guddoomiye ku xigeenka Axmed Yuusuf
Yaasiin u sameeyey Xisbiga UDUB.
Qaab dhismeedkani waxa uu ka kooban yahay Sideed Guddi iyo Shan
Xafiis, iyadoo Xubnaha Guddiyadan hoogaminayaa ay yihiin Madaxdii
Xukuumadii hore ee loo tirinaayey inay Masuul ka ahaayeen
Guuldaradii Xisbiga UDUB ka soo gaadhay Doorashadii Madaxtinnimada
dalka ee dalka ka qabsoontay 26 Junne ee sanadkan aynu ku jirno.
Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi), waxa uu mar qudha dareen
cadho leh kaga jawaabay Su’aal mid ka mid ah Warfideenadii goobtaa
joogay weydiiyey, taasoo ahayd sidan:
S: Cismaan waxaad ahayd Guddoomiyihii Olalihii doorashada ee
Madaxtooyada u qaabilsannaa Xisbiga UDUB, waxaa jirtey in
Rag Masuuli yiinta Xisbiyada mucaaridka ka mid
ahaa xilligaa aad ku tilmaantay inay ka mid yihiin Argagixisada,
arrintaasi xagay ku dambaysay? Maxaadse
Cismaanow uga aamustay ileen waa arrin aad adigu sheegtaye?
J: Horta Somaliland balaayo aan
Saxaafada ahayn
malaha, waayo adiga oo kale (Weriye), oo siddaa u hadlaaya oo
wadda dambi, Xanuun iyo iska hor keen wax la aasay oo laga heshiiyey
oo gacmaha la isa saaray oo Somaliland maanta dhinac u wada socoto
oo aan Xukuum ad iyo Madaxweyne leenahay oo aannu gacmaha u tummayno
Inankaa yar oo kale (Wariye), arrimaha noocaas oo kale ah la isma
waydii yo, kanna doodi mayno Su’aashaadunna
way dhammaatay.
Source:Hadhwanaagnews
|