“Saaka Aroortii Hore Ayay Kuwaa bariisteen Ciidamadda Somaliland Magaaladda Buuhoodlle, Wayna Qabsadeen Magaaladdii”. Wasiir Xaabasadde

 

 



Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa ka hadley dagaalkii saaka ka dhacay magaaladda Buuho odle waxana uu sheegay in xaaladdu ay hadda degan tahay ...........



Hargeysa ,15 Jan 2012 (TNN)- Wasiirka Waraafinta somaliland Axmed Cabdi Xaabsadde, ayaa sheegay in ay ku guulayteen ciidamadda Qaranka Somaliland in ay gacanta ku dhigaan deegaa nka Buuhoodlle.

Wasiirku waxa uu sheegay in Magaaladda Buuhoodlle ay gacanta ugu jirto ciidamadda Qaranka Somaliland, isla markaana ay dagan tahay Xaaladdeede, sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu warbaahinta kula hadlayay khadka Tilifoonka.

Wasiir Xaabsadde waxa uu tilmaamay in dagaalkka lagu soo qaadey Somaliland balse Ciidamad da somaliland ay ka guulayteen dadkii wadday dagaalkaas.

Axmed Cabdi Xaabsadde waxa uu tilmaamay in uu dagaalka lagu soo qaadey ciidanka qaranka isla markaana uu socdey illaa habeen horre “Waa nalagu soo qaaday dagaalka xalay iyo habeen hore ayaana marba meel nalagaga soo qaadeyay”

Xaabsadde oo la weydiiyay khasaaraha dhanka somaliland ka soo gaadhey ayaa waxa uu ku ja waabey “ma jirto khasaare na soo gaadhey marka laga reebo afar dhaawac fudud ahi”.

Wasiirku waxa uu sheegay in ciidamadda somaliland ay ku waabariisteen saaka aroortii magaa adda Buuhoodlle. “Saaka aroortii hore ayay kuwaabariistee Ciidamadda somaliland Magaaladda Buuhoodlle, wayna qabsadeen magaaladdii”. Ayuu yidhi Xaabasadde
 

 


Cali-mahdi cismaan axmed
Timacade News Desk
Hargeysa office