Ciidanka Qaranka Oo ku Labaatan Jirsaday Derajooyinkii Ciidanimo

 


Hargeya (TNN):-Munaasibad balaadhan oo lagu muunaynayo munaasibadda xuska labaatan guuradda ciidanka qaranka ayaa beri lagu qabanayaa xarunta Taliska Guud ee ciidanka qaran ka, halkaasi oo ay khudbado uga jeedin doonaan masuuliyiinta sar-sare ee dalka iyo masuuliyii nta wasaaradda Gaashaan-dhiga oo ka warrami doona marxaladihii aasaaska ciidanka qaran ka iyo heerka maanta uu taagan yahay tayo iyo tiraba.

Ku-simaha Madaxweynaha Somaliland ahna Madaxweyne Ku xigeenka Mudane C/Raxmaan Ca bdilaahi ismaaciil (Saylici) ayaa dhambaal hambalyo ah u diray dhammaan ciidammadda qaran ka Somaliland iyo xaasaskooda oo uu ku bogaadiyay sanad guuradda labaatanaad ee ka soo wareegtay aasaaskooda, waxaanu ILAAHAY uga baryay inay sanadkan sanadkiisa ku gaadha an bash-bash iyo barwaaqo. Waxaanu ku ammaanay kaalinta weyn ee ay kaga jiraan dhisma ha qaranimadda jamhuuriyadda Somaliland.

Ciidammada Somaliland noocyadooda kala duwan ayaa munaasibadan ugu dabaal-degaya hor umar iyadoo sanadkan ay ku dabaal-degayaan iyadoo la siiyay derajooyinkii ciidanimo 10 kun oo askari oo ka kala tirsan qeybaha kala duwan ee ciidammada, kuwaasi oo qaatay derejooy inka Alifle illaa Sareeye Gaas.

Hirgelinta derajooyinka ciidammadu waxay ka mid yihiin balan-qaadyadii fulay ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo shacbiga wacadka ugu maray xiligii uu u tartamayay doorashadii Madaxtooy adda ee dalka ka qabsoontay 26-kii Bishii June 2010-kii.

 


Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland