Ciid wanaagsan



Asalaama Calaykum Warraxmatullaahi Wabarakaatuhu



Sannad kasta bisha 12aad Muslimiinta inta awood u heshaa waxa ay gutaan xajka,oo ah rukniga 5aad ee Arkaanta Islaamka,Xajku waa cibaado Alle jideeyey oo waajib kaga yeelay muslin kasta oo awood u leh,in uu tago oo soo guto xajka,oo xoolo iyo xoogba ku awooda:


وأذن في النّاس بالحج يأتوك رجالا وعلى كلّ ضامر يأتين من كلّ فج عميق ليشهدوا منافع لهم ويذكر اسم الله في أيّام معلومات على ما رزقهم من بهيمة الأنعام فكلوا منها وأطعموا البآئس الفقير(الحج)


Aayadda:u idan oo ogaysii dadka inay xajiyaan,waxay ku  imanaya an xajka lug iyo iyagoo wax fuushan oo ka imanaya meel kasta oo fog,si ay manaafacaad ula kulmaan, oo bisinka Alle u qabtaan maalmaha mucayanka ah,waxa Alle ku irsaaqay ee xoolo ah,cuna oo cuntaysiiya dadka fuqarada ah ee baahan.

Xajka inta la gudanayo waxa ka reebban qofka xajka gudanaya  w axyaalo dhawr ah,oo xajka burinaya oo ay tahay in uu iska ilaaliyo:


يقول الله تعالى:"الحج أشهرٌ معلوماتٌ فمن فرض فيهنَ الحج فلا رفث ولا فسوق ولا جدال فى الحج" (البقرة)


Aayadda:xajku waa bilo xaddidan oo go'an,qofka gala waajibka  xa jka waa in aanu la iman wax dareen shahwadeed ah oo uu dumar la wadaagayo,iyo wax fisqinimo ah,iyo murmid xajka gudihiisa.

Xajka la aqbalo ee Alle aqbalaa abaal kale ma laha aan Jaano ahayn:


حديث"الحج المبرور ليس له أجر إلا الجنّة"

Xadiiska:xajka mabruurka ah(Alla aqbalo)ma laha abaal kale Janno mooyee.

Qofka markuu xajiyo Alle denbigoo dhan wuu ka maydhaa,wuxuu noqdaa sidii maalintii hooyadii dhashay oo kale,qofka muslinka ah, cimrigiisa hal mar ayaa xajku waajib ku yahay,waqti kale hadduu guto ajar buu helayaa waase sunne ee waajibku waa mar keliya  n oloshiisa,waxa qofku u xajiyi karaa waalidkiisa oo u niyoon karaa, ama ha mootanaado ama ha ahaado da' ama waayeel aan awoodi karin inuu soo guto isagu xajka.


Dadka muslimiinta ahi waxay leeyihiin laba ciid oo sannad walba ay la kulmaan,waa ciidal fidriga oo la ciido marka la guto ee la  dhama ysto soonka bisha ramadaan,iyo ciidal udxiga oo la ciido marka la guto ee la dhamaysto waajibka xajka ee bisha dulxija,ee laba iyo tobnaad ee sannadka.

Ciidka udxiyada neefka aad qalayso waa cibaado Alle jideeyey,oo neefka hilbihiisa innaga ayaa cunayna oo dadka baahanna  siinayn a,Alle taqwadeenna iyo cabsideenna ayuun buu ku eegayaa:


لَن يَنَالَ اللَّهَ لُحُومُهَا وَلَا دِمَاؤُهَا وَلَكِن يَنَالُهُ التَّقْوَى مِنكُمْ كَذَلِكَ سَخَّرَهَا لَكُمْ لِتُكَبِّرُوا اللَّهَ عَلَى مَا هَدَاكُمْ وَبَشِّرِ الْمُحْسِنِينَ [الحج

Aayadda:Alle ma helayo xoolahan hilibkooda iyo dhiiggooda  toon na laakiin taqwadiinna iyo cabsidiinna ayuu eegayaa,sidaa ayuu  idi inku sakhiray si aad Alle ugu weyneysaan wuxu idinku hanuuniyey una bushaaree kuwa wanaagga sameeya.


Ciidka udxiyada waxa la qalaa neef xoolo ah oo shardi ay tahay in aanu iin iyo ceeb lahayn,sida in aanu cawarnayn,ama curyaan lug ka ahayn,iyo ceebaha la midka ah,waxana neefka la qalaa ka dib marka salaadda ciidka laga soo baxo.

 

 

Ciid wanaagsan ciidoo
Caafimaad ku ciidoo
Cadka udxiyadiisana
Caynkuu ahaanayo
Caddayntiisa iga hoo
Ceebka siliimka neefka ah
Cawarnaan lahayne
Curyaan aan ahaynee
Caatana ahaanayn
Cuddoon oo wanaag badan

*********

Cadkiisaa idinna cuna
Cuntaysiiya baahane
Carruuraha farxiya oo
Camanka u dhunkada oo
Ciyaartana u sii daa
Caanteynnada u sii dhiib
Cugtankiisa weeyee
Camiroo masaajidda
Codka sare u qaadoo
Ciidka Allaahu Akbartii

*********

Codku haysu yeedhee
Cid aan Alle ahayn
Cindigeen ma yaallee
Cibaadada adkeeyoo
Cabsida eebbe xoojoo
Celceli oo ducaysoo
Caadeyso sadaqada
Caawi keenna taagdaran
Cawo aynu mudannee
Cadowga iska celinoo

*********
Cududeenna maalnoo
Cuudkeenna dhaqannoo
Caanohooda lulanoo
Cilmigana oddorosnoo
Ciirsannoo Illaahay
Ceelkeennu waa nabad
Ceeb iyo xumaan ma leh
Cidda aan u dhalanini
Codsi bay u qorataa
Cisi weeye sharaf loo

*********

Caaddil uu na siiyee
Cimrigaaga khayr iyo
Cibaadada ku noolow
Caajis waad ka dheertee
Camal iyo shaqaa taal
Cilmibaadhis weeyaan
Cagahaaga maaloo
Cadkaagu yuu dhulkaw dhicin
Cadha Eebbe ka fogow
Cafis sii dadkoo idil

*********

Caloolxumo ma fiicnee
Colaadiyo cadaawadda
Cindigaaga yuu gelin
Ciid wanaagsan ciidoo
Caafimaad ku ciidoo
Cibaadada adkeeyoo
Cabsida Eebbe xoojoo
Carradan intaynu joognoba
Cisi aynu mudannee
Caawiya ka taagdaran

*********

Cudud keliya baad tiin
Caadil keliyad leediin
Carrigan waad wadaagtaan
Camalkiinnu khayriyo
Cafis ha ku arooree
Ciid wanaagsan ciidoo
Caafimaad ku ciidoo
Caafimaad ku ciidaay

 

*********


 



Ciid wanaagsan
Sannad kasta ku waar Khayr iyo Wanaag,Alle ha kuu barakeeyo xooggaaga,xeeshaada iyo xoolahaaga,Aamiin If & Aakhiro Ixsaan mudo Aamiin Aamiin Aamiin.
 

 

 

Saeed Ibrahim Hussein
As/w/w