Mudaneyaal Ka Tirsan Wakiilada Oo Dareemo Shaki Leh Ka Muujiyey Xilka Cheife Of Cabinate-Ka Madaxtooyada Ee Madaxweynuhu Magacaabay

 


“Anigu Waxa Aan U Arkaa In Lagu Nasakhayo Awoodii Madaxweyne Ku Xigeenka, Waana Jago Pa wer Qarsoon Ah Oo Dhawaan Qarxi Doonta” Mudane Axmed Barkhad Obsiiye

“Title Kaasi Kuma Yaalo Distoorkeena, Xeer Cadaynayaana Ma Jiro Waa In Madaxtooyadu Fasiraad Ka BixisoMudane Qabile

Hargeysa, October 5, 2010 (TNN) - Mudaneyaal ka tirsan golaha wakiilada Somalialnd ayaa markii ugu horaysay dareemo shaki leh ka muujiyey sharciyada xilka Cheife of Cabinet-ka Madaxtooyada ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo dabayaaqadii bishii July u magacaabay Xirsi Cali Xaaji Xasani, ka as oo muran badani ka dhashay awoodaha iyo tafsiirka magacaabista xilkaasi oo aanu  Madaxwey nuhu ku qeexin degreetadii uu ku magacaabay.

Mudaneyaal ka tirsan golaha wakiilada Somaliland oo Suxufiga Madaxabanaan ee Maxamed Sagax uu rayigooda ka weydiiyey markii u horaysay shalay sida ay u arkaan iyo aragtida ay ka qabaan xilkaasi Cheife of Cabinate-ka ee aan wali luqada Af-Somaliga lagu tafsiirin oo ay ku kala aragti duwan yihiin rayiga ay ka bixiyeen mudaneyaashu ayaa marka u horaysa mudane Axmed Barkahd Obsiiye oo aragtidiisa ka dhiibanaya ayaa waxa uu ku bilaabay hadalkiisa “Anigu waxa aan u arkaa in jagadaasi lagu nasakhayo awoodii Madaxweyne ku xigeenka waana jago awoodeedu  qarsoon tahay oo dhawaan qarxi doonta, Madaxweynaha waa ku waajib inuu fasiraad ka bixiyo awooda masuulkaasi, kuna qeexo magaca fasiraad Afsomali ah”.

Mudane Maxamed Faarax Qabile oo isaguna aragtidiisa ka dhibanaya ayaa waxa uu yidhi  “Titelkaa si Cheife of Cabinate-ku kuma yaalo disroorkeena iyo xeerarkeena toona, manaan arag xeer  cada ynaya waana su’aal ummaddu in badan na weydiinayso, madaxtooyaduna waa inay cadayn  buux da ka bixiso, awooda iyo magacaabista xilkaasi wixii aan xeer cadaynayna dhibaato ayay keeni karaan”.

Mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo isaguna aragtidiisa ka dhibanaya xilkaasi ayaa  wa xa uu ydihi “Anigu waxa aan u arkaa halka ay distoorkii meel ka dhac lagaga sameeyey ay tahay magaca ajaanibka ah ee madaxweynuhu u adeegsaday digreetadaasi magacaabista xilkaasi, kaasi oo uu distoorkeenu uu dhigayo in luqada koowaad ee dalkeena lagag hadlaa ay tahay Afsomali, hadaan madaxweynuhu fasiraad cad ka bixin xilkaasina aniga wax ay iigu muuqataa Timir Lafbaa ku jirta, inaguna keeni karto mustaqbalka khalkhal siyaasadeed oo muran inagu abuuri kara sidaas darteed waxa waajib ah in Madaxweynuhu golayaasha Baarlamaanka iyo ummadaba shakiga ka saaro, una soo bandhigo waajibaadka masuulkaasi”.

Mudane Jaamac Xasan Aadan oo isaguna aragtidiisa ka dhiibanaya ayaa ku bilaabay  Madaxweynu hu xaq buu u leeyahay masuulka uu xil u igmanayo, haddii tafsiirkeedu uu maqan yahayna  saxaaf ada ayaa ummadda uga wakiil ah ee Madaxweynaha weydiiya, waanse raacsanahay oo waan  qab aa in Madaxweynuhu tafsiir cad ka bixiyo, waajibaadka shaqo ee masuulka Cheif of Cabinaten”.

Mudane Xaashi Xuseen Caabi oo isaguna aragetidiisa ka dhiibtay xilkaasi ayaa ku bilaabay “Ilaa hadda ma hayo digreetadii qoraalka ahayd ee Madaxweynuhu ku magacaabay masuulkaasi Cheif of cabinateska madaxtooyada, waxaase daruuri ah in Madaxtooyada iyo Madaxweynuhuba ay ummadda u cadeeyaan mugdiga ku jira xaga luuqada tafsiirka si aanay inoogu dhicin muran la xidhiidha xaga sharciyada iyo qaab dhismeedka xukuumadda”.

Source:Haatuf