Wakiilka
Somaliland Ee Kenya oo Ka Waramay Guryo uu Cawil Iibsaday Iyo Dunuub
Uu Halkaasi ka Galay
 
Hargeysa (TNN)-Wakiilka Somaliland ee Wadanka Kenya Md. Maxamed Nuur
Axmed, oo booqasho ku yimid dalka ayaa sheegay inuu caddayn karo
laba guri oo waaweyn oo Wasiirkii hore ee Maaliyadu ka dhistay
magaalada Nairobi ee xarunta Kenya.
Wakiilku wuxuu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku
qabtay Huteelka Maansoor ee magaala da Hargeysa ,waxa kale oo uu
shirkaasi jaraa’id kaga warbixiyay aragtida beesha caalamka ee
qadiyada Somaliland tan iyo markii doorashooyinku ka dhaceen
Somaliland.
Md. Maxamed Indho-buur,wuxuu dadweyaha Somaliland ku bogaadiyay
sidii wanaagsanayd ee ay u gale en doorashadii Madaxtooyada waxaanu
yidhi “Waxaan dadwaynaha reer Somaliland uga mahad naqayaa
doorashaddii wanaagsanayd ee u qabsoontay oo Jamhuuriyadda
Somaliland iyo dadwaynaheedaba aad moodo in ay iminka beesha
caalamka u soo jeedisay oo aad moodo in hadda loo heelan yahay.
saddexdii bilood ee hadda ay dawladdu xilka haysayna waxyaabo badan
ayay beesha caalamku muujiyeen oo taa geero buuxda ah oo hadda
Somaliland loo fidinayo, taa aniga ayaa makhraati ka ah oo Nayroobi
jooga, m ashruucyo badan oo ay dawladdu soo bandhigtayna waxaad
moodaa in hadda deeq bixiyayaashu toos u hirgelinayaa.”
“Dadkii hore Somaliland welwelka uga qabayna waxaad moodaa in
welwelkii hadda ka dhamaaday oo ay si buuxda Somaliland u
taageerayaan. Run ahaantii illaa hadda waxaan odhan karaa guul
fiican ayaa la gaadhay. markaa hadda waxaa muhiim ah mar haddii
doorashadii si fiican u dhamaatay, beeshii caalamk una inoo soo jeed
satay waa in dadka Somalilandna ay muujiyaan isku duubni oo ay
noqdaan dad qadiy adda Somaliland meel uga soo wada jeeda,”ayuu
yidhi Md. Indho Buur.
Wakiilka Somaliland ee Kenya wuxuu soo dhaweeyay dedaalada ictiraaf
raadinta madaxweyne Siilaanyo iyo
Wasiirka Arrimaha Dibada, isagoo
arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Madaxwaynaha Somaliland iyo
Wasiirka arrimaha dibadda aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa,
muddadii yarad ee saddexda bil ood ahayd ee ay xilka hayeen waxa ay
qaadeen tallaabooyin aad iyo aad u muhiim ah, taasina faahfaah in
uma baahna, sidii dalka Jabuuti iyo Itoobiya loogu soo dhaweeyay
waad arkayseen, Ingiriiska iyo xag aana hadda waxa ka socda
warbaahinta waad kala socotaan. markaa hadda waa bilawgii, wadaduna
wa y dheertahay, taana waxaa lagu gaadhi karaa iyada oo ay ummadu
isku duuban tahay. labada xisbi muc aarid ee kalena waxaan kula
talinayaa in ay xukuumadda la shaqeeyaan waayo dalkani waa dal yar
oo hadda soo koraya, ilaa iyo maantana tallaabo fiican qaaday, hadda
qadiyada idin hortaalaa waa aqoonsi raadinta Somaliland. Taasna
saddexda xisbi oo wada socda ayaa lagu heli karaa, waa in aan la is
jiid jiida n, waa in la isku duubnaadaa, waa in nabadgelyada la
dhowraa, taasi waa muhiim. waa in lagu mashquul aa oo kaliya sidii
dalka Ictiraaf loogu raadin lahaa, dadwaynaha Somaliland iyaga ayaa
awalba nabadda ilaalin jiray, haddana waa in ay aad iyo aad u sugaan,
waayo cadawgu wuu badan yahay, way la socdaa n tallaabada
horumarka ah ee aad qaadeen, ictiraafkii in uu soo dhow yahay way
garanayaan, sida kali ya ee ay taa cillad u gelin karaan waa iyaga
oo dhexdiin wax ka abuura, cadawguna ma hurdo ee wuu soo jeedaa,
sida aad u dedaalaysaan ayay iyaguna ugu dedaalayaan
dibindaabyadiina, markaa ummadu waa in ay noqoto ummad meel ka soo
wada jeedda.”
Wakiilka oo la weydiiyay dedaaladii Baarlamaanka Kenya ee la
xidhiidhay aqoonsiga Somaliland waxaanu yidhi “Baarlamaanka Kiinaya
marka laga hadlayo qadiyadda Somaliland waxaa hormuud ka ah
Guddoomi ye ku xigeenka Faarax Macalin,
Soomaalidu 11 xildhibaan ayay ku
leeyhiin Kenya dhamaantoodna way ta
ageersan yihiin Somaliland, waxaa taa
kuu caddaynaysa maalintii aanu samaynay xafladdii ugu danbays ay ee
xil wareejinta koob iyo tabankuba way yimaadeen oo way joogeen,
dhamaantoodna way ka hadle en xafladaas oo idaacadaha waad ka
maqlayseen. Faarax Macalinna runtii waa nin geesiya oo caddayst ay
qadiyaddiisa Somalilandna qadiyaddeeda aad ugu firfircoon waana
guddoomiye ku xigeenka Baarlama anka,
Mooshinkiina waa u diyaar oo anigu waan arkay warbixintii uu
ka soo gudbiyay halkan, laakiin waad ogtihiin oo Kenaya waxaa soo
dhex galay Distoorkii cusbaa, waa tii la ansixiyay waxaadna moodaa
in da wladda iyo Jamhuuriyadda Kenya oo dhami mashquul ku tahay,
markaa taas uun baa hakisay ee mooshin ku wuu soo socdaa waxaanan
filayaa in si fiican looga doodi doono. Soomaalida oo qudha maaha
dadka taageersan Somaliland kuwo fura badani waa kuwii halkan noo
soo raacay maalintii madaxwaynaha la dh aarinayay oo laga
dhaadhiciyay qadiyada Somaliland, kuwo ka horeeyay oo halkan yimina
way jiraan, R aysalwasaaruhuna Somaliland wuu yaqaanaa oo waa kii
halkan yimi, xildhibaanada Baarlamaankana kala badh isaga ayaa leh
oo waxay noqonaysaa arrin sahlan, Faarax
Macalinna waa xisbiga Raysal Wasaara
ha, kolayba go’aan fiican ayaa ka soo bixi doona dhawaan.”
Wakiilka oo la waydiiyay waxa ka jira wararka sheegaya in wasiirkii
hore ee maaliyadda Xuseen Cali Ducaale
uu guryo ka dhistay magaalada Nayroobi
waxa uu ku jawaabay:
“Arrintaas anigu ilaha laga helay
maan ahayn, Cawil taariikhdiisa ayaan
idiinka sheekayn doonaa, intaan ogahay Cawil Nayroobi
taariikh fiican nagagamuu iman haddaanu
jaaliyadda nahay. Horta Cawil isaga oo Safiir ah ayuu noo
yimi, muddadii uu safiirka ahaana runtii nin Nayroobi laga jecel
yahay muu ahayn, waa yo wuxuu ahaa nin ummad
badan dhibaato u gaystay oo dawladdii
Siyaad Barre u gudbiyay, waxaa
rag aas ka mid ah oo aan idiinku caddayn karaa oo hadda nool Nin
Musbaar la yidhaahdo oo
reer Burco ah oo uu doonayay in uu u
gudbiyo Xamar, oo jaaliyaddu saq dhexe xili habeen ah inta aanu u
gelinay kurdad iyo googarad, gambana aanu u xidhnay aanu Uganda u
tallaabinay, taasi waa taariikh.”
Wakiilka oo arrintaasi ka sii sharxayay wuxuu yidhi “Waxa kale oo
jira nin Seedigii ah oo
Yuusuf Dirir la yi dhaahdo in uu doonay
in uu u gudbiyo Maxamed Siyaad Barre oo
aanu u soo gudbinay Mooyaale Itoobi ya. Maalin dhawayd waxaan
maqlayay isaga oo ka hadlaya Telefiishanka oo leh waxaan u
shaqayn jiray Haayado, anigu
sidaan ogahay Cawil oo Nayroobi ka shaqaynaya
weligay maan arag, jaaliyadduna may arag, cid taa sheegi
karaysaana ma jirto aniguba reer Nayroobi ayaan ahaye, Hay’addaha
markaad u s haqaynayso warqad ayay ku
siinayaan caddayn ah ee ha soo bandhigo.
Cawil 1977-kii markii dagaalkii
Itoobiya iyo Soomaaliya laga soo noqday ilaa hadda Nayroobi ayuu
joogi ji ray, inta badanna Jaaliyadda ayaa taageeri jirtay, waagii
danbe waxaanu maqalnay Cawil waxa uu wasiir ka
noqday Somaliland. sannad iyo badh markii uu Somaliland ka
shaqaynayay waxaanu maqalnay Cawilkii guryaha
kirada ah ku jiri jiray waxa uu
iibsaday laba guri oo qiimihiisa ilaa hal
milyan oo doolar
lagu shee gi karo, markaa sida uu u hadlo iyo sida ay
waxyihiin ayaad moodaa in ay kala duwan yihiin .
Guri aad Hargaysa ku leedahay oo
Hoteelka Maansoor oo kale leeg ma odhan kartid Hargaysa guri kuma
lihi, ninka Maansoor lihi ma odhan karo Hargaysa guri kuma lihi.
Cawil laba guri ayuu iibsaday, waxaanu iibsaday intii uu wasiirka
maaliyadda ahaa, taas waan caddayn karaa wax
la qarin karana maaha, waxa an uga gonleeyahayna ma jiraan,
haddii aad Nayroobi tagtid xataa
riyaha ayaa ku
tusaya guryaha Cawil.”
Source:Somaliland.Org
|