Ogeysiis: Caweyska London iyo Murtida Weedhsame

 



Urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community iyo ururada reer Somaliland ee SSUK iyo Alkheyriya waxa ay dadka reer Somaliland ee daggan London ogeysiinayaan in ay qaban qaabin doonaan xaflad balaadhan oo lagusoo dhaweynayo Abwan Weedh same oo dhawaan inooga yimid dalkeenii Somaliland. Abwaanku waxa uu inala wadaagi doonaa suugaantiisa hodanka ah ee nocyada badan leh oo uu habeenkaas aad inooga haqab tiri doono. Sidoo kale waxa xafladan soo dhaweynta inagalasoo qeyb galli doon a suugaanyahanka iyo fanaaniinta reer Somaliland ee daggan UK.

Xaflada soo dhweynta Abwaan Weedhsame waxa ay qabsoomi doontaa Sabtida bish an November tahay 22-ka, waxayna ku qabsoomi doontaa Brentside High School, Gre enford Avenue, Hanwell, W7 1JJ saacadu markay tahay 6-da galabnimo socon doonta na ilaa iyo 12-ka habeenimo. Waxa aanu dadka ka codsanaynaa in ay wakhtiga soo ila aliyaan si barmaamijka munaasibada ulla wada socon kartid. Buses line-ka mara waxa ay kala yihiin E1, E3 iyo E11.

Wixi faahfaahin ah kala xidhiidh: 07939132202 iyo 07880234908

Sidaa iyo soo dhaweyn wanaagsan.

Maamulka qaban-qaabada xaflada