Casuumad Soo Dhaweyn Ah Oo Loo Sameeyey Wakii Lka Suldaanka Guud Ee Beelaha Subeer Awal
 

Hargeysa   (Longlivesomaliland News) - Casuumad lagu maamuusayey, isla  mark ana ahayd soo dhaweynta Suldaan Beesha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa maanta lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, kadib markii dhawaan si kumeelgaadha xilkaasi Suldaan Cabdirisaaq Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan si kumeelgaadha xilkaasi ugu wareejiyey.

Munaasibadii loo sameeyey Casuumadan qadada ah waxa ka soo qeybgalay  Sala adiin ay ka mid yihiin Suldaan Cismaan Cabdilaahi Kooshin, Suldaan Axmed Nuur  S amaale, Suldaan Maxamed Maxamuud Xandule [Indhacase], Suldaan Ismaaciil  Sh eekh Cabdiraxmaan, Suldaan Maxamed Axmed Sheekh, Xildhibaano ka tisan  laba da Gole Barlamaan [Guurtida iyo Wakiillada], Xildhibaan Axmed Sandoon oo ka  tir san Golaha Deegaanka Hargeysa, Cuqaal, aqoonyahano, Culimo Awdiin uu ka mid yahay Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Aadan-Siiro, Iyo marti sharaf  kale. Waxaa na Casuumad Qado sharafta fidiyey Beesha Cabdiraxmaan Sacad ee Sacad  Muu se.

Xildhibaan Muxumed Aw Axmed oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland oo ka  ha dlay Casuumada ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyey faca iyo taariikhda  saldana da Subeer Awal iyo mudadii ay jirtay hereerkii kala duduwana ee ay soo martay, waxaanu ku doonay inuu ilaa lix Suldaan goob joog u ahaa.

“Casuumadani waxay ku saleysan tahay Saldanadii Gabowday ee muddada badan soo jirtay, oo dharaarba ninkii la yidhaahdo hawshaa hay, ay waajib innagu  tah ay inaynu ku qiimayno oo aynu ku soo dhaweyno”ayuu yidhi Xildhibaan Muxumed Aw Axmed oo ka hadlay Munaasibada.

Xildhibaan Muxumed Aw Axmed waxa uu ku guubaabiyey dadka inay waajib  tah ay in lala shaqeeyo, isla markaana la bar-bar is-taago Suldaankan da’ada yar ee Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, isaga oo arrinta ka  ha dlayana waxa uu yidhi “Saldanadan intii qof ee soo qabatay ee aan wax la cunay waa kii lixaad ayuu noqonayaa Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan  Cabdir axmaan, waana mid innagu waajiba inay maalin-walba ciddii mansab qabanaysa soo dhaweyno, oo aynu la shaqeyno inaynu ku garab-galno sidaas ayaanay wax inoogu hagaagayaan”

Maxamed Cabdi-dhoore oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu beesha  Cabdir axmaan Sacad ee Casuumada fidisay ayaa waxa sheegay inay ka Gudoomeen, is aga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi“Casuumadan oo la garanayo cidda  fid isay oo ah Curadka Sacad Muuse oo ah Cabdiraxmaan Sacad, waxaanu leenahay si gacmo, qalbi furan ayaanu idiinka gudoon”ayuu yidhi.

Suldaan Maxamed Maxamuud Xandule [Indhacase] oo ku hadlayey Afka  Salaadii nta oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheega uga mahad-celiyey Beesha Cabdiraxmaan Sacad ee Casuumada ay u fidiyeen Suldaanka Guud ee Beelaha  Su beer Awal, isla markaana isaga oo balan-qaaday inay si hagar la’aan ah ula  sha qeyn doonaan Suldaan da’ada yar ee Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan,

“Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan waxaanu leenahay  xil ka Ilaahay ku dhiibay Alle ha kuu fududeeyo, annagu haddii aanu nahay  Salaadii nta Beesha sidii aanu ula soo shaqeynay Suldaan Cabdilaahi Suldaan C/raxmaan, iyo Suldaan Saxardiid, Suldaan Maxamed-ba intaaba sidaanu ula soo shaqeynay inaanu kuula shaqeyno ayaanu balan-kuugu qaadaynaa”ayuu yidhi Suldaan  Ind ha-case.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uiu yidhi “Waxaanan ku leenahay Ku Soo  Dh awoow”

Ugu danbeytii Suldaan ka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan C/raxmaan oo ayaa waxa uu casuumadii qado-sharafeedka isagu soo gunaanaday ku Duceeyey, isaga oo Alle Bari, Duco, ah madashaasi ka jeediyey, waxaanu Ilaahay ka baryey inuu roob ku shubo Somaliland, isaga oo  ar rimaha ka hadlayana waxa uu yidhi “Ilaahay nabadgelyada ha inoo adkeeyo, taw fiiqda Ilaahay ha ina waafajiyo, Somaliland Alle ha inoo barakeeyo, raxmaad  Kha yr qabta Ilaahay ha inoo shubo, Nimcada nus-qaanteeda Ilaahay ha innaga  du wo,fataxa”.

“Waxaanan ugu duceynayaa Beesha [C/raxmaan Sacad] inuu Ilaahay dad iyo  du unyaba barakeeyo, waxaanay nasiib u heleen inay casuumadii ugu horeysay inay ii fidiyaan markaa waxaad halkaas ka garanaysaa inay barakeysan yihiin, Raaska ah curadkii Sacad Muuse ee ah Cabdiraxmaan Sacad waxaan leeyahay dad iyo  d uunyaba Ilaahay ha barakeeyo”ayuu yidhi Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan  Ca bdiraxmaan.

Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo dhawaan xilka  Sald anada Beelaha Subeer Awal loo dhiibay, ayaa waxa soo dhaweeyey dhamaan  da dkii maqlay in xilkaasi loo dhiibay iyaga oo ku bogaadiyey, isla markaana ku hanbalyeeyey

 


Source:Haatuf