Casuumad qado-sharafeed ah oo Beesha ISAAQ u sameysay Ugaaska Beesha Ciise iyo khudbadihii laga jeediyey madasha


 


Djibouti (TNN)-Casuumad qado-sharafeeda ayaa Beesha ISAAQ u sameeyeen Ugaaska 19a ad ee Be elaha  Ciisu hu dhawaan caleemo saareen Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim Ugaas Wacays, kadib markii uu geeriyooday Alle ha naxariistee Ugaas Xasan oo xilkaasi hayey.


Munaasibadan qadada ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana ahayd mid dh aqan o o aan hore loo arag oo lagu weynaynayo, laguna sharfayo Ugaaska da’ada yar ayaa lagu qabtay aq alka Ummada dalka  Ja buuti, waxaana ka soo qayb-galay Ra'iisal wasaaraha dawlada Djibouti Md. Dilaita Mohamed Dilaita, Wasiirka warfaafinta Hidaha iyo dhaqanka, isla markaana ah Afhayeenka Xukuummada Cali Cabdi Faarax, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Jabuuti Jaamac Maxamuud Xayd, Wasiirka Dalxiiska Dawlada Ethiopia Maxamuud Dirir, iyo  W efti ka socday Dawlada Somaliland ah oo ka kooban Salaadiin iyo Abwaano uu hogaaminayo Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame [Hadaawi], Xasan Xaaji Cabdilaahi [Xasan Ganay], Ma xamed Xaashi Dhamac [Gaariye], Abw aan Axmed Salee baan Bide, Maxamed Aadan Dacar, iyo dhamaan Salaadiinta Beelaha isaaqu jilibyadoodu  leeyi hiin, Ganacsato, aqoonyahan, iyo Marti sharaf kale.

Ugu horayn waxa xafladaa ka hadlay Xuseen Axmed oo ku hadlayay afka Golaha Guurtida Dji bouti ee Beelaha Isaaq ayaa waxa uu u mahadnaqay

dhamaan qaybihii kala duwanaa ee bulshadii ka soo qayb-gashay casuumada, waxaanu yidhi "Waxa an leeyahay ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim noqo kii dalkiisa iyo dadkiisa anfaca,in kasta oo uu ug aasku yaryahay hadana waxa uu sitaa waxaa ay sadexda dawladood(Soma liland ,Djibouti iyo Etho pia ) isugu yimaadeen , waa nin la sahamiyay oo la helay in uu sadex da beeloodba halka uu ka gaad ho uu wax ka tari karo ,oo uu tamar iyo taloba ku kordhin ka ro ,Ilaahay ugaaska ha ka yeelo kii la m ahadiyay , ee umada deeqa"


Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali oo ka hadlayey Afka Beelaha Isaaq ayaa waxa uu u mahad-naqay d hamaan masuuliyiintii ka soo qeybgalay qado-sharafeedka, waxaanu tilmaamay ina y Casuumadan a y u sameeyeen beesha Isaaqu ay ugu talo-galeen Ugaaska beelaha Ciisaha Ugaas Mustafe Maxam ed Ibraahim oo aanu Sharaf iyo Karaamo uga dhigaynaa, ayuu yidhi.


Waxa uu Suldaanku si qoto dheer uga waramay
abaalkii ay Beesha Ciisu u gashay wakhtigii dagaal ka, oo aanay iloobi Karin

Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac ( Gaariye) oo ku hadlayay afka abwaanada kale ee weheli yey ay aa waxa uu yidhi "Waxa ila socda aniga afar abwaan oo kale ,waxaanuna abwaano u nahay dadka afka soomaaliga ku hadla oo dhan ,ma nihin abwaano magic beeleed ku hadla w aanad na taqaaana an waxaan leeyahay ugaaska aniga oo ku hadlaya afka abwaanada afka soomaaliga ku hadla dadka aannu abwaanada u nahay waxa ka mid ah beesha aad ugaaska u tahay , adiga markaan kuu eego ugaaskii kaa horeeyay ugaas Xasan Alle Ha u naxariistee wakhtigii uu ku soo beegmay iyo wakhtiga aad ku soo beegantay waa laba wakhti oo kala du wan ,oo wakhti dheer baa u dhexeeyay ,sadexda meelood ee ay beeshaadu degto,maalintii ugaas xasan la boqrayay sadexda meeloodba [Somalila nd, Jabuuti iyo Ethiopia] sadexdaba waxa haystay Isticmaar, waxa adiga lagu boqray sadexdii mee lood ee ay beeshaadu degen ayd oo sadexdiiba calamo leeyihiin waa guul Illaahay kugu simay ,inaad ugu mahadnaqdaa ay tahay".

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi Gaariye "Sadexda meelood ee calanka leh ayay dadka aad ugaaska u tahay ku noolyihiin,sadexda meeloodba waa lala degaa xilka ku saara nina sadexda meeloodba ee ay kala degaan ayay mid walba waayo gaara ku qabaan, oo me el walba dad kale aya a la dega ,isku xidhkooda ayaa lagaa rabaa ,waxaad ku soo bee gant ay sanad colaadeed oo Geeska Africa oo dhami gubanayo, waxa gubanaysa oo sii  gubana ysa qoomiyada ay beeshaadu ka tirsan tahay oo Soomaali ah,kuwaas ayaad la dhalatay ,ku waas ayaad wax ku tahay ,kuwaas ayaad isku dhaqan tihiin , marka dhaqan ahaan laga hadl ayo xanuunka hayaa wuu ku hayaa, waxaan kuu arka ynaa xoog ku soo biiray Dabka ka shid an Mandaqada bakhtiintiisa, Illaahayna sidaa ha ku garansiiy o"ayuu yidhi Abwaan Gaariye


"Dadka dhaqanka ayaa dawladnimada door ku leh anaguna kuwaas ayaanu ka tirsanahay a diguna kuwaas ayaad ka tirsan tahay ,mujtamaca saamayn kara dawladaha ay ku kala hoos nool-yihiin ,da wladaha lagu kala hoos noolyahay siyaasado ayay isku khilaafi karaan ,duruu fo ayaa iman kara ,ku wa isku kawkamaya xabagta isku haynaysa waxa ka mid ah Raga aad hormoodka u tahay ,madaxw aynayaashu way guuraan ,siyaasaduhu way tagaan laakiin de egaanku ma guuro, dadka wada dhas hay na ma kala tagaan ,waxa laydhaahdaa saaxiibka waad dooraan kartaa ,laakiin walaalka ma xul an kartid waayo Ilaahay ayaa ku baday.anaga nama xulan kartid ee waxaanu nahay dad kula dhas hay"ayuu yidhi Abwaanku

Mar uu Abwaanku la hadlayey Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim waxa uu yidhi "Waxaad ku khasb an tahay inaad dhabarka nagu sidid, annaguna annu kugu sidno, guurimaysaan anagu na guuri mayn o mar hadii Illaahay iskeen baday dantu waxay ku jirtaa inaynu fahano sida aynu u wada noolaana yno"


Abwaanku waxa si mug leh ula hadlay labadii beelood ee Is-casuumadeeyey, waxaanu yidhi "Beelah eenan wada hadlaya ( Ciise iyo Isaaq) ha isku qaadanina wax gooniya ,deegaan ay aynu ku dhex jirn aa Siyaasad caalami ah ayaa ina samaynaysa, geeska afrika oo dhan ayay dhibaato ka taagan tah ay hawlaha ina saarani hawlo yar maaha Ilaahay haynaga dhigo ku wii uu bogooda burcad isu mari yo"


Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka Dalxiiska dawlada Federaalka Ethiopia Maxamuud Dirir, S uldaan Axmed Daahir iyo Xaaji Rooble Wacays oo ku hadlay Afka Beelaha Ciise, waxa anay dhamaan masuuliyiintani iska dababa marmareen qaabkii qiimaha sare lahayd ee ay X aflada Casuumad Shara feedku u dhacday, iyo sida ay Beelaha Isaaqu Ugaaska Ciisaha u sha rfeen ee ay u karameeyeen, waxaanay Madashaasi Beelaha Isaaqu ku gudoonsiiyeen Ugaas ka Beesha Ciise Mustafe Maxamed Ibraahim Hadyad Qaali ahayd oo ay ugu talo-galeen.


Salaadiinta Beesha isaaq ee ayaa xafladii casuumada ahayd kaga codsaday ugaaska Ciisaha Musta fe Maxamed Ibraahim inuu socdaal ku yimaado Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Source: Hadhwanaagnews