Cambaareyn iyo digniin cid kasta oo faraha kula jirta
kala
qaybinta Bulshada Gobolka Gabiley

Dhammaan shacabka
Somaliland ee jecel nabadda,isku duubnida,talo
wadaagga,ee ku sugan dalka gu diihiisa iyo
dibadiisaba,walaalyaal Salaamu Calaykum Waraxmatu laahi
wabaarakaatu.
Waxaa maalmahan saxafadda Somaliland ku soo baxayey , in
Suldaan Cusub oo ka soo jeeda Beesha reer Xareed
,Jibriil Abokor, lagu caleemo saaray tuulada Ergeega oo
ka tirsan Gobolka Gabiley.
Ka hor intaan arrintaa lagu tallaabsanna , waxaa Baaq
digniin ah ka soo saaray , Cuqaal iyo Wax gar ad
Ka tirsan islla Beesha Reer Xareed. Waxaa ka mid ahaa
dadka ka biyo diiday, Chief Caaqil
Muxumed Maxamed Bile waxana ka mid ahaa
hadalladiisi
“ Suldaan kaliya ayuu
Beesha Jirbriil Abokor leedahay, inanka manta Suldaanka
u ahna Aabihii ayaa Suldaanka ahaan jiray,waxaan anigu
ka mid ahaa Intii dooratay , waxa manta da’daydu jir taa
88
sano , intaa aan jiray
sadexba maan arag:
• Waa
ta koowaad eh , wali maan
arag Toban Nin oo inta ay meel fadhiistaan yidhaa
Suldaan baanu dooranay
• Waa
ta labaad eh , wali maan arag Suldaan si-tuug animo ah
loo Caleemo saaro
• Waa
ta sadexaad eh , maan arag Reer Xareedka intaa
leeg oo Toban Nin ay ka soo fusho Go’aanad oodu.
Markaanu intaa aragnay ayaanu Markaskii Reer Xareed
iskugu tagnay oo ah Ilma-dado, waxaanu isk ugu tagnay
Laba boqol oo Odayaal ah oo la soo naqeeyey, waxaanu soo
jeed inay in Arrintaa fool xu mada
ay soo wadato, iyo Dhadhan
Xumadeedaba in Dawladu ka hor tagto, anaga oo
Badhasaabka u soo jeed inayna oo Saraakiisha Nabad
galyada u soo jeedinayna oo wax-garadka Beelaha Jibriil
Abok or u soo jeedinayna, hadii kale ay Dagaal ka
dhex ridi karto Beesha gudaheeda iyo Magaalooyinka
Ga biley,
Wajaale,
Kalabaydh, iyo
Arabsiyo. Hadii laga
hor-tagi waayana ay eedeeda dusha ku qaadan d oonaan
Badhasaabka Gobolka iyo
masuuliyiinta Gobolka."
Waxaa halkaa kaaga soo baxaya , inaanu ahayn go'aan
Beesha sharfta leh ee Reer Xareed raali ka a haayeen
in isku duubnida Jibriil Abokor wax la yeello, hormoodna
aanay ka noqon burbur,colaad iyo kala ja jab ku yimaadda
Beelaha walaalaha ah.
Haddaba iyadoo khilaafkaasi jiro,
waa ayo cidda adduun iyo tacabba ku bixisay,ee
soo abaabushay,in ay kala qaybiso
, una kala ab tiriso ,
Beesha wada dhalatay ee Jibriil
Abokor. Nin baa la sheegayey in uu yidhi,"
Walle haddii aan Goobtaa laga guurin, inay Gorayo heer
yeysani innoo soo gali! ." Haddaba waa tane ,
miyaanay
QODAALKII
inoogu soo gelin !!!!
http://www.longlivesomaliland.com/Sulaan-hab-qarsoodi-ah-looga-magacaabay-Gobolka-Gabiley.htm
Waxaan haddaba, cambaareynayaa, ka digayaa , dhammaan
inta qoriga dabka leh kula dhex jirta Bee sha
walaalaha,inay ka waantoobaan falalka noocaas ah,
Somalilandna uma baahna
colaad iyo beelo l aysku
dhufto, ee dib u joogsada ,
yaanay maradu
idinku gubane.
Waxaan ku soo af meerayaa baaqaygan, hal hays aan ku
xasuusto Halyeygii Adeerkay
ahaa ,ilaahay naxariistii Janno Fardwsa ha ka waraabiye,
Chief Caaqil Yuusuf Khaliif
Cige (Xaruur) , oo uu odhan
jir ay:
"JIBRIIL
WAA ISKU JEENI , TALO
XUMANA TOL MA BADIYO ."
Cabdirisaaq Cali Muse (Shiine) |
|