Canbaareyn  gacan ku dhiiglayaasha iyo dhamaan cidda ka danbeysa  dilka foosha xun ee loo geystay dad aan waxba galabsan

 

 

Anigoo ku hadlaya magacayga Cabdirisaaq Cali Muse (Shiine),waxaan marka hore salaan u dirayaa dhammaan shacabka Somaliland,meel  ay joogaanba. Salaan ka dib,waxaan tacsi tiiraanyo leh u di rayaa, dhammaan ehelkii , qaraabadii iyo shacabka Somalilandba,kuna aadan  falkii waxshinimada ah aa ee ka dhacay  degaanka Seemaal, ee u dhaxaysa Gabiley iyo Baki ,  laguna dilay dad aan waxba galabsan, انا للة وانا الية راجعون.

 

Anigoo ka soo jeeda Gobolka Gabiley,gaar ahaanna degaanka Tog-wajaale,waxaan canbaareynaya a gacan ku dhiiglayaasha iyo cid kasta oo gacan ku siisay dhagartaasi, oo ah mid diinta iyo dhaqan keenaba ka soo hor jeedda.Shacabka Somaliland , waa dad walaalo ah,gacal iyo xigaal wada ah,una dul qaadan maynno cid kasta oo dhaawacaysa Nabadda iyo Xasiloonida Somaliland,waanan canbaar eynayaa gacan ku dhiiglayaasha maatida gumaaday,انا للة وانا الية راجعون.

 

Waxaan ka codsanayaa dhammaan shacabka Somaliland ee nabadda jecel, inay gacan buuxda siiya an  Dawladda  , la iskana kaashado sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dhagar qabayaasha , sida ma cnno darrada ah u daadiyey dhiigga dad aan waxba galabsan, sharcigana loo hor keeni lahaa .

 

 

 

 

Cabdirisaaq Cali Muse (Shiine)
December 5,2011