Warsaxaafadeed Ururka Suxufiyiinta Iyo Qorayaasha Madaxabanaan Ee
SSJW Ay ku Cambaaraynayaan Xadhiga Tifaftiraha Wargeyska Waaheen ay
ku riday Maxkamada G/Hargeysa.
Tifaftiraha Wargeyska Waaheen
Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto)
Hargeysa January 23, 2011 (TNN)-Ururka suxufiyiinta iyo qorayaasha
madaxbanaan ee SSJW, waxa uu si kulul u cambaaraynayaa xukunka
sharci darada ah ee Maxkamada gobolka Hargeysa ku riday
Tifaftiraha
wargeyska Waaheen Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) shalay oo bishu
ahayd 22 January, xukunkaas oo ah saddex sanno oo xadhig ah iyo lix
Milyan oo Shillinka S/land (6000,000).
Xukunkaasi oo markii uu dhacay ay islamarkiiba ciidamada amaanku si
degdeg ah katiinad maxkamada gudahe eda loogu jabiyey Tifaftiraha
Waaheen, talaabadaas oo ah mid kasoo hor jeeda Xeerka Saxaafada ee
labada gole Baarlamaanku ansixyeen 2004-tii, islamarkaana
dhaqan-galka ah oo dhigaya, oo xaaraantimaynaya, in xadhig lagula
kaco suxufiyiinta haddii dacwad ka dhan ah saxaafada cidi ku soo
oogto loo maro dariiqa Madani ga gaar ahaan qodobka 10-aad ee Xeerka
Saxaafada, ayaa isagu si cad u cadaynaya in dacwadaha ka dhanka ah
Saxaafada aan loo marin ciqaab iyo xadhig, balse loo maro habka
Madaniga.
Qodobka 32aad ee distoorka qaranka Somaliland ayaa isaguna damaanad
qaaday madaxbanaanida Saxaafada xorta ah, islamarkaana cadeeyay in
waxkasta oo lagu cabudhinayo Saxaafada ay reeban yihiin,
islamarkaana xoriyatal qawlka u damaanad qaaday.
Hadaba ururka Suxufiyiinta iyo qorayaasha madaxabanaan ee SSJW waxa
uu cambaaraynayaa talaabo kasta oo lagu cabudhinayo madaxbanaanida
Saxaafada xorta ah iyo talaabo kasta oo baalmarsan Xeerka Saxaafada
iyo shuruucda dalka u taala, islamarkaana waxaanu cambaarayn xoog
leh u jeedinaynaa sifaha sharci darada ah ee loo maray xukunka ay
Maxkamada gobolku ku riday Tifaftiraha wargeyska Waaheen, waxaanu
ugu baaq aynaa Xukuumadda Somaliland inay si dhakhso ah xoriyadiisa
ugu soo celiso suxufigaasi Maxamuud Cabdi Jaa mac (Xuuto),
islamarkaana ay ixtiraamto Xeerka Saxaafada iyo xoriyatal qawlka.
Waxa kale oo ururka SSJW uu cadaynayaa, inuu si weyn uga soo hor
jeedo talaabo kasta iyo olole lagu cabud hinayo madaxbanaanida
Saxaafada xorta ah iyo xadhig sharci daro ah oo lagula kaco
suxufiyiinta ka hawl gala Saxaafada Madaxabanaan ee dalka iyo
dariiqa kasta oo lagu dibindaabyaynayo Xeerka Saxaafada ee dhaqan
galka ah. Ururka SSJW waxa uu saxaafada Somaliland ee dalka ugu
baaqayaa inay ka fogaadaan wax kasta oo ka hor imanaya waajibaadka
xil-gudasho ee mihnada Saxaafada iyo waxkasta oo aan waafaqsanayn
Xeerka Saxaafada iyo distoorka qaranka.
Afhayeenka ururka suxufiyiinta iyo qorayaasha madaxabanaan ee SSJW
Maxamed Ibraahin Sagax |