“Waa meel-ka-dhac wayn in Xisbigii uu Aabbahay aasaasay laga
yidhaahdo Geeridiisii faa’iido ayay ahayd”
Cali Maxamed I. Cigaal
Cali Maxamed
Xaaji Ibrahim Cigaal
Dubai (TNN)- Cali Maxamed
I. Cigaal oo ka mid ah Caruurta uu dhalay Allaha u naxariistee
Madax weynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal,
ayaa ka hadlay hadallo ka soo yeedhay masuuliyiin ka tirsan Xisbiga
UDUB ee talada haya, waxaanu baaq u jeediyay shacabwe ynaha
reer Somaliland. isla markaana wuxuu ka warbixiyay mabda’ooda Qoys
ahaan ee siyaasad dda dalka.
Cali Maxamed Ibraahim oo isaga oo ku sugan magaalada Dubai ee
Imaaraadka Carabta, Khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay Wargeyska
Ogaal, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay War uu sheegay in uu ka
soo yeedhay masuul ka tirsan Xukuumadda iyo Xoghayaha guud ee
Xisbiga UD UB Jaamac Yaasiin Faarax, waxaanu shacabweynaha ugu
baaqay in ay ka fiirsadaan Codkooda.
“Maan jeclayn inaan
waqtigan doorashada ee xasaasiga ah soo dhex galo. Laakiin waxa igu
kali fay arrinta aan warbaahinta ku arkay. Xisbigii marxuumku
aasaasay ee UDUB nimankii masuuliyii nta ka ahaa iyagoo
dhac-dhacyo (deelqaaf) hore aanu ugu dulqaadanay oo aanu ka aamusnay,
ayaa dhacday in maantana la yidhaahdo
dhimashadiisii faa’iido ayey u ahayd Somaliland oo Daa hir
Rayaale ayey keentay.
Waa meel-ka-dhac wayn in Xisbigii
uu aasaasay ee ay ahayd lagu maamuuso oo lagu sharfo, sid aa lagaga
yidhaahdo, iyagoo doorasho ku jira oo doonaya inay dadka soo jiitaan
oo ay mar laba ad ay xukunka qabtaan. Tii hore ee Ninka
Xoghayaha guud ka ah UDUB uu yidhi ee ahayd, dagaal kii sokeeyaha
ayuu ka dambeeyey (Marxuum Cigaal), waanu ka aamusnay oo waanu iska
dhego-tirnay, baanayaal hore oo fara badan oo madaxweynaha laftiisu
noo qaaday iyo ixtiraam darra da aanu ku haysanay xisbiga UDUB
ayaa iyana jiray.” Ayuu yidhi Cali Maxamed,
waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxaas oo dhan waxaanu u
samaynay danta Somaliland, waayo sidii aan berigii uu Aabbahay
dhintayba u sheegay, dhaxalka anaga iyo Somaliland-ba uu nooga tagay
waxay ahayd, Dimuqraadiyadda, Nabadgelyada iyo nidaamka dawladnimo
uu dhis ay. In taas la bur buriyo ama fadqalo lagu sameeyo
anagu ma ogolin, in magaciisii la ceebeeyana ma ogolin.”
Cali Maxamed Ibraahim waxa uu shacabka ugu baaqay in cid kasta oo
maamuuska Marxuum Ciga al ku taageeri jirtay Xisbiga UDUB ay
ka fiirsadaan taageeradooda. “Waxaan leeyahay, qofkii UD UB ku
taageerayey marxuunkii aasaasay ee Maxamed X. Ibraahim Cigaal,
anagoo reerkiisii ah, ya an taas la idinku indho-sarcaadinin, haddii
aanu isagiina ixtiraam ku lahayn, dadkiisiina ixtiraam ku lahayn.”
Ayuu yidhi Cali.
Mar uu ka hadlayay qaar ka mid ah waxqabadyadii Dawladdii Marxuum
Cigaal, ayaa waxa uu yi dhi, “Marxuumkii sagaal sano ayuu
wadanka taladiisa hayey, sagaalkaa sano wuxuu qabtay dad koo
dhami way wada ogyihiin, inuu beelihii hubka ka dhigay, inuu
Ciidankii qaran sameeyey, inuu Booliska sameeyey, inuu Wasaaradaha
sameeyey, inuu Maxkamaddaha sameeyey, inuu dagaalkii sokeeye
nabadgelyo ku dhameeyey, inuu haykalkaa taagan ee aynu maanta ku
caana-maalayno uu sagaalkaa sano dhisay waa la wada ogyahay oo
taariikhday ku jirtaa.”
Cali waxa uu sheegay in ay qoys ahaan taageeradii kala noqdeen
Xisbiga talada haya ee UDUB o o uu Marxuum Cigaal aasaasay,
isla markaana aanay ilaa hadda taageerin Xisbina. Waxaanu baa
q u jeediyay dadweynaha reer Somaliland. “Xisbiga (UDUB) dadkan
imika maamulaya waanu kala noqonay taageeradii. Laakiin mustaqbalka
illaahay baa og, waayo aflagaadan u dulqaadan kari mayno, markaa
dadka reer Somaliland ee walaalahay ah waxaan kula talinayaa
codkiina maanta u fiirsada cidda aad siinaysaan, anigu saddexda
xisbi midna kuma jiro UDUB-na waanigaa sheegay labada kalena midna
kuma jiro. Khudbadahan ay akhriyayaan waa waraysi ay sii galayaan uu
nin walba leeyahay aniga I doorta, qofkaad dooranaysaan waa ninka
aad u diranaysaan inuu Geelii na idiin raaco. Markaa ninka aad
u diranaysaan inuu Geeliina idiin raaco, codkiina ka fiirsada.” Ay
uu yidhi Cali,
Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Sagaal sanadood marxuumkii waxa
uu qabtay waanigaa s heegay, siddeed sanadood ay imika
Xukuumaddani jirtay kula xisaabtama waxay qabatay oo ha ina tusto.
Nidaamkii jiray ayaa hoos u sii dhacaya, siddeeda hal sanno ayuu
dheer yahay Marxu um Cigaal intuu xukunka hayey ina Rayaale
wakhtiga uu hayay. Isbarbar-dhig ku sameeya oo la xisaabtama
dawladan, nimankan kalena la xisaabtama waxay soo wadaan oo codkiina
maanta yaan la idinka iibsanin ee codkiina ku meel mariya ciddaad
jeceshihiin.”
Source:Wargeyska
Ogaal
|