Ali Guray wixii u ka hadlay ayaa waxaa la moodaa inayna dadka sida cajiibka ah wax uga qorayaa  inayna fahmin

 

Salaan qaaliya iga gudooma shabakada caalamiga ah ee TNN iyo Hogaamiyaheeda Eng. Maxamed Cali Muse. Intaas dabadeed Somaalidu waxay ku maah-maahdaa, Af Somaaligu waa margi, oo  kal ba  dhinicii la doono ayaa loo dhigi karaa. Waxaan u socodaa arrinta Ali Guray ee oo ay dad badan wax ka qoreen.


Ali Guray, wixii u ka hadlay ayaa waxaa la moodaa inayna dadka sida cajiibka wax uga qorayaa  ay na fahmin. Waayo Ali Hargeysa kamuu sheegan Axmed Siilaanyo,mana uu odhan Hargeysa ayaan kaa saarayaa, ama wax kugu yeelayaa. Ali wuu gar-naqsaday, oo waxa uu yidhi, Kulmiyow idinka yeeli mayno inaad caruur nagu soo dirtaan nagu foodhida oo rabshad nagu sameeyseysa, waxaad naga mudan tihiin, hadii aad kulmiye tihiin sharaf iyo walaaltinimo, nagama suur-towdo inaan  arri mo  ansh axa ka baxsan idinkula kacno, anaga oo karna inaanu wax walba idinku sameyn karo, mar arka aad xafladaha leedihiin.
 

Ali cabashadiisii wuu sii waday oo waxa uu yidhi, Gudoomiyihii UDUB suuqa ma mari karo halka aad Siilaanyo adigu tax-taxaashayso, dhibaatadana waxaa wada Kulmiye. Aan si xarago leh u tar-tano ee yaan meesha la keenin ama aan la abuurin dhibtaaooyin, haddii aad joojin weydaan ciyaalka  a ad dabada ka wadaan ,annagu ciyaal anaanu soo diri doonaa.


Waxaa kale oo ay arrintu tahay, Ali waa afhayeenka UDUB, waanu ka hadli karaa wixii ay iyagu  Xi sbi ahaan u arkaan dantooda, arrinta meesha ku jirtaa, waan in af-hayeenka Xisbiga kulmiye u  ja waabo kaliya. Hadii arrintu noqotay  ha hadlin , dee gari Allay taqaane wax meesha ku jira maha.


Arrinta labada   Xisbi dhex-taal,  ayaad dad qaar ka dhigayaan Qabiil , oo waxay ay ku hadlayaan, aad ka yaa-yaq sooneysaa,  oo aad arkeysaa cunsuriyda ka muuqata qoraalkooda , looma baahna in  ummada dhib aan jirin la dhex keeno.

 

 

 

 

Maxamed Yuusuf Buux