WARSAXAAFADEED





Hargeysa , May 13  2010

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, ayaa
maanta Magacaabay Wasiiru-dawle cusub Wasaaradda Maaliyadda.

Madaxweynuhu isaga oo tix-raacaya qodobka 90-aad ee dastuurka Somaliland,isla ma rkaana tixgeliyay ahmiyadda weyn ee Wasaaradda Maaliyaddu u leedahay dalka iyo dhismaha Qaranka, wuxuu go’aansaday in Mudane, Cali Maxamed Cabdalla (Biikallo)  la ga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru dawlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Somaliland.

 


Allaa Mahad Leh,

Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenka Madaxtooyada JSL