war deg deg: Badhasaabkii Hargeysa Cali Asad oo Xilkii Laga Qaaday, Yaase Loo Magacaabay?

 

Hargeysa- (Longlivesomaliland News)- Somalilandpress) Madaxweynaha  Som aliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa xilkii ka qaaday Badhasaabkii Gobolka Maroodi-jeex, Cali Asad.

Madaxweynaha Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin waxa uu isla-maanta xilka Gudoomiyeyanimada Gobolka Hargeysa Badhashaabka u magacaabay Md. Maxamed Cabdi Daa’uud.

Sidaana waxa Somalilandpress u cadeeyay Afhayeenka Madaxtooyada  Somalil and Md. Siciid Caddaani Mooge oo aanu kula xidhiidhnay khadka telefoonka.

lama sheegin sababta Madaxweynuhu xilka uga qaaday Badhasaabkii hore ee Gobolka Hargeysa oo muddo dheer xilkan hayay, balse waxa uu  Madaxweynu hu ku amray Wasiirka Arrimaha gudaha in uu labadan masuul xilka ugu kala wareejiyo si dhakhso leh.

waxa la sheegay in madaxweynuhu Cali Asad ka codsaday inuu xilka ku  waree jiyo sidii isagaba loogu wareejiyay markii loo magacaabay.

Badhasaabka cusub ee loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Hargeysa  Maxa med Cabdi Daa’uud waxa uu ka tirsanaan jiray Urur siyaasadeedkii Qaran ee a y hogaaminayay Dr. Gaboose iyo Maxamed Xaashi Cilmi.

Maalmihii u dambeeyay ayaa Maxamed Cabdi Daa’uud waxa si wayn uu uga  m uuqday Warbaahinta dawlada oo uu u horeeyo TV-ga Qaranka, halkaas oo uu ka jeedinayay hadalo kulkulul oo uu ku durayay xisbiyada Mucaaradka ah iyo siyaasiyiinta hogaamiya, isaga oo ku ammaanayay Madaxweyne Rayaale  haw shiisa shaqo.


Sidoo kale, Badhasaabkii uu xilka ka qaaday Madaxweyne Rayaale Cali Asad oo muddo aad u badan xilkaasi hayay, xilal horena ka soo qabatay xukuumada  ay aa caan ku ahaa raaligelinta Madaxtooyada isaga oo intii uu xilka hayay  godo bo tiro badan dhabarka u xanbaartay, dad uu xidhxidhay iyo kuwo uu falal kale oo siyaasadaysanba kula kacay.

sidaa daraadeed, calaamad su’aal ayaa ilaa hada saaran sababta uu xilka uga qaaday Madaxweyne Rayaale oo ay aad isugu dhawaayeen.



Source:Somalilandpress