Cali Gurey, Nin Salfudud Oo Siyaasaddii Ku Haftay Khariidaddiina Ka Lunsan Tahay Ka Soo Qaad
 

Cali Mohamed Yusuf (Ina Luduf) Cali Gurey ayaa ku sheegay madaxweyne Siilaanyo qof aan go'a an qaadasho lahayn ! Waxaan Cali u wayddiin lahaa bal hadda in noo sheego waxa uu yaqaan go'aan qadashada. Mala Cali go'aan qaadashada wuxuu u haystaa walli hadal iyo iyo walli bood boodka uu ku dhaqmo . Cali wuxuu yahay shakhsi hadalka afkiisa ka soo baxaaba yahay mid aan miisaann ku fadhiyin oo ama fudayd ka keeno ama nacayb ka keeno. Cali Gurey, intuu siyaasaddii ku haftay oo maalinba xisbi u cararo ayuu hadalkuu shalay yidhi maantana burinayaa! Cali sida la wada ogyahay wuxuu siyaasadda axsaabta ka soo bilaabay xisbiga Kulmiye halkaas oo salfudayd iyo deg deggaa imikaba haya uu ku cararay xisbii UDUB isaga oo is lahaa UDUB waligeed dhici may so.

Cali Gurey markii uu u cararay dhankaa iyo UDUB wuxuu muddo gaaban oon dheerayn noqday ku wii iridaha u laabay xisbi Qaran oo wayn. Cali Gurey, hadana carar oo wuxuu ku biirey xisbiga UCI D oo isna imika uu bilaabay dumintiisii, isaga oo ku andacooda in UCID ubahaantahy is badal hoga amineed. Cali Gureyow , adigaa u baahan is furdaamin iyo is badal labadaba. Waxaan go'aan qaa dasho lahayn, qof aan sal uu ku dego lahayn oo meel uu u socdo iyo meel uu ka socdo midnaba aan garanayn . Waxaan Caliyow go'aan qaadasho lahayn qofka fudud ee aan afkiisa u meel dayi n. Waxaan go'aan qaadasho lahayn qofkaan wax loogu soo hagaago la garanayn inuu yahay muj aahid , siyaasi ama fidnoole

Cali Gurey, wuxuu yahay guddoomiye ku xigeenka seddexaad ee xisbiga UCID RABBIYOW xisbigaa u gargaar, waa masu'uul sare oo hadalada ka soo baxaa ay foolxumo ku yihiin mansabka iyo xisbi ga uu matilo labadaba. Cali Gurey qof xal keena ma aha, qof nabad ka taliyana ma aha waa qof d ab shida dadkana isku guba waxaa taa kamid ah dhawaan dhibaatooyinka ka dhacay magaalada Saylac oo ilayn waa masu'uul qarane halkuu wax ka dawaayan lahaa labadii beelood ee is hayay mid ku hambaliyeeyay is casilaadoodii ay dawladda kaga wada baxaan, halku hadalo nabadayn ah walaaltinimo leh isugu soo jiidi lahaa dadka walaalah ah. Cali Gurey go'aan qaadashadiisu ha daba waa taa uu malinba meesha dab ka soo hurayo isna intuu saliid ku shubo sii holcinayo.

Cali Gurey wuxuu ka faa'idaystaa mashaakilka dhaca oo uu ku istareexo halka uu wax ka hagaaji n lahaa ama dalka uga tudhi lahaa. Siyaasi iyo Mujaahidba waa kii mucaaradad miyir qabta wax ku toosiya dalka iyo dalkana ka daaya dabka iyo fidnada uu kula dhex wareegayo. Siyaasi iyo muj aahid waa kii afkiisa ka dhawra hadalka qadafka xambaarsan ee bulshada fidnada ku abuura.


Hadal lama saaraadee waxaan ku soo dhamaystirayaa af aadan lahayn lama celin karo ayaa hor e loo yidhi, afkaaga adigaa is leh isgaana ah ka ku tafaafulinaya dadkana kaa dhex saaray Cali Gurayow markaad sidaad doonto u hadasho ee bal aynu eegno kolay adiga cidi ku dooran mayso kuwa damaca siyaasdeed ku jiro ee UCID halkaa iskala soo dhacdaan
 

 



Dayib Xaji Siciid (Dayib Qorane)

Hargeysa
qorday44@gmail.com