Mudane Madaxweyne waxan kuu jaraynayaa inuu eebbe kuu hawlyareeyo hawsha culus ee xilkeeda laguu igmaday,Somaliduna waxay tidhaahdaa far kali ihi fool ma maydho,hadii aan lagu gacan qaban adna aanad u dhago nuglaan inta samaha ka shaqaysa,xaaladuhu ma sa m aadaan eebbe kama dhigo eh.Hogaamiye waxad tahay soo jireen cimrigiisu ku simay wax badan,jid dheerna u soo maray hogaaminta dalka,hadana nin habari dhashay hal maseegi waayo oo adduunyada ayaaba sidaa ah. Waxad haysataa halsoonidii ummada,taageeradii dunida iyo quluubtii shacbiga somaliland. dunidana inta la joogaa way yar tahay Alle ha kuu siyaadshee,waxana la yidhi waari maysi de war ha kaa hadho.Waxan jeclaan lahaa inaad dhaxal waara,dalka iyo dadkaba anfaca a digana taariikhda kuu gala ad mujiso,samaynta dawladda iyo fulinteedaba xulatana dad aad u qiimo leh kuna haboon hoyga loo igmado sida. 1-DR IBRAHIM MAYGAAG SAMATER {ARRIMAHA DIBADA} 2-DR ADNA ADEN ISMAIL {CAAFIMAADKA} 3-CALI IBRAHIM CALISANYARE {QORSHAYNTA} 4-MOHAMOUD SH.AHMED DALMAR {CADAALADDA IYO DIINTA} 5-PRO.SAID MOHAMOMED GEES {WAXBRASHADA}. 6-DR MOHAMED RASHIED SH.HASSAN {WARFAAFINTA} iyo qaar kale oo badan oo uu ka
mid Madaxweyne ku xigeenkii u horeeyey ee Somaliland M ujaahid Xasan
Ciise Jaamac. Mudane Madaxweyne adaa u xaq leh wixii dadka deeqa
ayaa d alkana wax ah.
|