Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo shir-jaraa’id ku qabtay

 

“Guddoomiyaha Komishanku Wuxuu U Muuqdaa Inuu Afhayeen U Yahay UDUB”

“Waxaan Leeyahay(Xukuumadda) Tani Afrika Maahee Waa Somaliland Oo Laguma Kala Adka” Cabdiraxmaan Cabdiqaadi…shir jaraa’id

Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye, ayaa mar kale ku celiyay in aanay aqbali doonin mudo kordhin markale waqtigii xil-hayntiisa loogu kordhiyo Madaxweyne Rayaale.


Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Dhexe ee xisbiga, waxa uu si kulul uga hadlay eedaymo Xukuumadda ka soo yeedhay oo ay ku sheegay in xisbiga Kulmiye dalka ka abuurayo xaalad Nabadgelyo-daro.


“Waxa keliya ee ay caanka ku yihiin waa barobagaandaha,” ayuu yidhi. Wuxuuna intaa ku daray, in hadalada Wasiiro Xukuumadda ka tirsani ku sheegeen inay masuuliyiin Mucaaradka ka tirsani doonayaan inay qalalaase dalka ka abuuraan, ay la xidhiidho sidii ay bulshada uga jeedin lahaayeen dhaliilaha Xukuumad ahaan loo jeediyo iyo inay jaahwareer geliyaan ummadda, si ay uga galgashaan waajibaadkii loo doortay oo uu tilmaamay inay fulinteeda ku fashilmeen.


“Annagu Ciidan, hub iyo xabsi midna ma haysano. Laakiin, dad la xidh-xidho iyo wax la dilo waa shaqadooda…Ninka Daalinka ahi wuu baqaa oo waa fule..” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Kulmiye, wuxuuna wax lala yaabo ku tilmaamay in lala xidhiidhiyo inay doonayaan sidii ay dalka xasilooni-daro uga abuuri lahaayeen. “Waxay yidhaahdaan Afrikaanka dawladda xilka haysa uun baa joogta…Waxaan leeyahay; Afrika maahee tani waa Somaliland oo laguma kala adka,” ayuu raaciyay.


Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax waxa uu sheegay in muddadii umaddu dooratay Madaxweyne Rayaale iyo intii guurtidu u kordhisay-ba ay dhamaatay, isla markaana aanay aqbali doonin muddo-kordhin markale loo sameeyo.


“Mr Daahir Rayaale Kaahin shan sannadood bay umaddu dooratay, shantaa la doortay iyo intii loo kordhiyayba way dhamaatay. Isaga loo kordhin maayo, kordhis dambe oo imanayaana ma jiro. Ma doonayno in nala horkeeno muddo-kordhi, aqbalina mayno,” ayuu yidhi. Wuxuuna intaa raaciyay, “Madaxweyne; dalka yaanu inaga burburin kordhis dambe oo aan xaq ahayni.”


Guddoomiye Ku-xigeenka xisbiga Kulmiye, waxa kale oo uu ka hadlay eedaymo Wasiiro Xukuumadda ka tirsani u jeediyeen ururkii SNM iyo hoggaamiyeyaasheedii, wuxuuna taas bedelkeeda masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland ku eedeeyay in aasaaskii SNM ka dhashay xad-gudubyo ay qayb ka ahaayeen badhkood oo uu shacabka u gaysteen Maamulkii dawladdii Maxamed Siyaad Barre, taasoo uu sheegay in badi masuuliyiinta Xukuumadda Rayaale xilligaa ka tirsanaayeen.


“Maalintii nimanka maanta joogaa dadka laynayeen ee ay Xiniinyaha Kalbada kaga qabanayeen, SNM baa ka dhiidhiday.” Sidaa ayuu yidhi. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ka mid ahaa aasaasayaashii SNM, waxa uu sheegay in aanay SNM mudnayn aflegaado loo jeediyo. “SNM hadaan waxba loo qabanayn, wax kalena la siinayn aflegaadada halaga daayo,” ayuu yidhi.


Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye, waxa uu masuuliyadda dib-u-dhacyada doorashada dusha u saaray Madaxweyne Rayaale iyo Komishanka doorashooyinka. “Waxa ku guuldaraystay Komishanka iyo Madaxweynaha, in doorasho dhacdo masuuliyadeeda koowaad waxay saaran tahay Madaxweynaha.” Sidaa ayuu yidhi.


Waxa uu tilmaamay in aanay diidanayn dib-u-dhaca doorashada Madaxtooyada, balse marka hore loo baahanyahay in laga wadahadlo ta ay noqonayso dawladda muddada doorashada ka hadhay xilka sii haynaysa. Wuxuuna tilmaamay in go’aan ka gaadhista arrintaasi tahay mid u taala goleyaasha Baarlamaanka.


Cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxa uu xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ka codsaday inay fikir talo midaysan ka yeeshaan xaaladdan cusub ee la galay, maadaama sida uu xusay uu hore iskaashi uga dhexeeyay. “Waan ku ixtiraamayaa fikirkooda, waxaanan UCID leeyahay yaan la idin beerla-xowsaninee aan isku duubnaano,” ayuu yidhi.

Dhinaca kale, Guddoomiye Ku-xigeenka Kulmiye waxa uu si adag u weeraray hawl-gudashada shaqo ee Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Jaamac Maxamuud Cumar, kaasoo uu sheegay inuu ka leexday doorkiisii dhex-dhexaadnimo.


Guddoomiye Ku-xigeenku waxa uu isbarbar-dhig ku sameeyay habka shaqo ee Guddoomiyeyaashii hore ee Komishanka iyo guddoomiyaha cusub.


“Saddexda nin ee u kala dambeeyay xilka Guddoomiyaha Komishanku waa saddexdii xubnood ee uu soo magacaabay Madaxweynuhu. Laakiin, labadii hore iyo Jaalle Jaamac mid bay ku kala duwan yihiin, waxaanad moodaa Guddoomiyaha cusubi (Jaamac-Sweden) inuu badheedhay oo uu cadaawad u hayo xisbiga Kulmiye. Wuxuu umadda ula muuqdaa Afhayeenka xisbiga UDUB.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ka hadlayay shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Hargeysa.


Waxa uu sheegay in Guddoomiyaha Komishanku ka badheedhay u adeegista xisbiga talada haya ee UDUB, isla markaana ay xisbi ahaan la yaaban yihiin qaabka hawl-gudashadiisa. Wuxuuna intaa ku daray, in Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinku ka leexday doorkiisii dhex-dhexaadnimada, isla markaana uu u xaglinayo xisbiga UDUB una sinayn xisbiyada qaranka.


Hase yeeshee, wuxuu uga digay inuu talaabada noocaas ah kusii socdo, waxaanu kula taliyay inuu ka laabto talaabadaas dhexna u noqdo xisbiyada qaranka oo aanu mid gaar ah xilka uu hayo ugu adeegin.


Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye, waxa uu sheegay in marka ay Guddoomiye Jaamac Iswiidhan isugu yimaadaan kulamada wada-shaqayneed ee ay Komishanka la leeyihiin, inuu difaaco xisbiga UDUB iyo Xukuumadda, taasina ay dhaawacayso karaamada iyo shaqada looga baahanyahay ee dhexnimo.


“Komishanka waxaan leeyahay; haku mashquulina Kulmiye’e, shaqadiina ku ekaada,” ayuu yidhi.


 

 

 


Xigasho: Ogaal