Wasiirka Khaarajiga Somaliland Oo Si Toos Ah U Weeraray Xoghayaha Arimaha Dibeda Ee Kulmiye Iyo Mudane Donald Payne
 

Hargeysa (Longlivesomaliland News) - Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland C/laahi Maxamed Ducaale ayaa Waji Gabixii diblomaasiyadeed ee uu kala kul may dhawaan dalka Maraykanka kula dul dhacay xoghayaha arimaha  dib eda ee xisbiga Kulmiye, kaas oo isagu todobaadkii ina dhaafay magaalada Washington kula kulmay mudanaha Donald Payne oo madax u ah guddi hoos aadka Arimaha Dibeda aqalka Baarlamaanka Maraykanka guddi, kaas oo mu danuhu uu diiday in uu la kulmo wasiirka arimaha dibeda C/laahi Maxamed Ducaale.

C/laahi Maxamed Ducaale oo sidii uu waji gabaxaasi ugu dhacay aan la  ma qal hadalkiisa ayaa maalintii shalay ololihii xisbiga UDUB uu ku qabtay beerta Xoriyada ka hadlay ku eedeeyey xoghayaha arimaha dibeda ee kulmiye in uu la kulmay oo uu isla sawiray isaga diiday in uu la kulmo, kaas oo uu  wasii rku sheegay in ninkaasi hore ugu dhawaaqay in uu godoominayo  Somali land.

C/laahi Maxamed Ducaale oo ka hadlayey arintaasi waxa hadaladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi “Waxa dhawaan la iiga yeedhay oo codsi iiga yimid  Cong ress-ka Maraykanka guddida Arrimaha Afrika, shirkaasi mabdi’iyan waan ogolaanay, laakiin waxaanu ogaanay in arrintaasi xeelad kale ku jirto oo la doonayo in la inagu wada hadalsiiyo Inaga iyo Maamulka Muqdisho, Markii aan la tashaday Madaxweynaha iyo xukuumada waxa la yidhi ka joog waanu ka joognay oo waanu diidnay.”

“Waxa dhacday in Guddoomiyihii Guddidaasi uu yidhi haddii Somaliland ay shirkaasi iman weyday waanu go’doomin doonaa Somaliland, waanu ku khasbi doonaa inay ku noqdaan walaalahoodii reer Muqdisho, markii aan diiday ayaa axsaabta kale farta loogu yeedhay rag uu ka mid yahay ninka sheegta Xoghayaha Arrimaha Dibada ee KULMIYE ayaa tagay, sawirana la galay,” Ayuu yidhi C/laahi Maxamed Ducaale, isaga oo intaasi raaciyey, “Meesha la yidhaahdo Nairobi wax war ah oo yaalaa ma jirto, Somaliland way isku tashatay shacbigeediina waa kan. Waxa jirta Kenya doorasho ka dhacday oo waa la isku qabsaday, saaxiibadayada axsaabta mucaaridka ah ee halkaasi tagay waxa galay cudur la yidhaahdo cudurkii Kenya oo ah cudurka fardaha gala oo kale. cudurkaasi waxa la yidhaahdaa ku qabso ku qadi mayside, caalamkuna ha isugu keen yimaado.”

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale, wuxuu ku eedeeyay in rag u sharaxan Madaxweynenimada Somaliland ay ka soo horjeedeen ansixintii iyo diyaarintii doorashada waxaanu yidhi “Sidii dastuurka qaranka lagu ogolaaday iyo cidii diidanayd ee ka olaleysay waa la ogaa, waxaan idiin sheegayaa ragaasi Nairobi maanta u carayay (mucaaridka) qaar ka mid ah ayaa diidanaa dastuurka qaranka arrintaasi waa mid taariikhiya oo dood la gelayo. Raga maanta doonaya ee u tartamaya kursiga Madaxweynaha qaranka waa ragii diidanaa Ansixinta Dastuurka ee lahaa qabyaalad ha lagu shaqeeyo, waxaanu ka mid ahaa ragii lahaa dadkan taas ma gayo ee axdi qarameedka halaga gudbo, oo dastuur qaran iyo axsaab ha la sameeyo.”

Wasiirku wuxuu sheegay in xukuumadani ay hore u qabatay doorashooyin badan imikaba doorashadu way qabsoomaysaa”.

Wasiirka arimaha dibeda C/laahi Maxamed Ducaale waxa uu sheegay in Marti qaadka mudanaha Maraykanka ah ee Donald Payne uu Mabdi’iyan ogolaaday ka dibna uu diiday, hadana waxa uu wasiirku u tegay dalka Maraykanka Isla mudanahan Donald Payne si uu ula kulmo, hasa yeeshee Mudane Donald Payne ayaa diiday in uu la kulmo wasiirka arimaha dibeda C/laahi Maxamed Ducaale, sidaa darteed waxa la isweydiinayaa waxa uu wasiirku diiday inuu markii hore ka qayb galo kulankaasi lagu casuumay iyo waxa marka dambe uu ka raadinayey ee uu halkaasi u tagey.

Maaha markii kowaad ee C/laahi Maxamed Ducaale si toos ah u weeraro xoghayaha arimaha dibeda ee xisbiga Kulmiye Dr. Maxamed C/laahi Cumar, hasa yeeshee waxa uu hore wasiirku u weeraray xoghayaha KUlmiye oo la kulmay Wasiirka Arimaha Dibeda u qaabilsan Afrika ee Britain Malloch Brown, kaas oo wada hadalo ay ku yeesheen xafiiskiisa horaantii sanadkan, iyadoo uu C/laahi Maxamed Ducaale kulankaasi ku sheegay mid aan jirin, isla markaana ku eedeeyey masuuliyiinta kulmiye kuwaan aqoon u lahayn arimaha diblomaasiyada.



Source:Haatuf