War Deg-Deg Ah: Guddoomiye Ku Xigeenkii 3-aad Ee Urur Siyaasadeedka
Wadani Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday
Cabdilaahi Siciid Dheere, oo ahaa Guddoomiye ku xigeenka saddexaad
ee Ururka Wadani .......
Hargeysa (TNN) – Guddoomiye ku xigeenkii saddexaad ee Urur
Siyaasadeedka Wadani ALLE ha u naxariistee, Cabdilaahi Siciid Dheere,
oo ka mid ahaa saddexdii masuul ee ku dhaawa cmay Shilkii Baabuur ,ee
ka dhacay Duleedka Tuulada Sheekh Abdaal,oo geeriyooday.
Cabdilaahi Siciid Dheere ,oo ahaa Guddoomiye ku xigeenka saddexaad
ee Wadani ayaa gee riyooday intii loo soo siday cisbitaalka guud ee
Hargeysa.
Sida wararka na soogaadhayaa sheegayaaan,Labada masuul ee kale ayaa
ilaa hadda loo sidaa dhanka Cusbitaalka Hargeysa, oo la doonayo in
xaaladooda lagula tacaalo.
Timaacde News Desk
Hargeysa,Somaliland
|