Madaxweyne Siilaanyo oo Wasiirkiisa Maaliyadda Kala Door ransiiy ey Laba Daran Mid Dooro Iyo Natiijada ka Dhalatay Ergooyin Be elaysan Oo 48-kii Saac Ee La Soo Dhaafay Isaga Kala Dabqaaday Madaxweyne Siilaanyo, Muuse Biixi iyo Samaale


 



Hargeysa (TNN):- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ay aa wasiirkiisa Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale kala doorransiiyey inuu ka tanaasulo hankiisa ah inuu jagada guddoomiyenimo kula tartamo Muuse Biixi Cabdi marka la gaadho shirweynaha xisbiga KULMI YE iyo inuu iska casilo xilka wasiirnimo si uu tartankaas u galo isagoo bannaanka ka jooga xukuumadda.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyey xalay, in xubno ka kooban Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, Wasiirka Ganacsiga Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Wasiirka Duulista Hawada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa kulan ay la yeesheen Madaxweyne Siilaanyo ugaga xog-warra may in khilaafka xisbiga KULMIYE oo sababay kala qaybsanaan ku timi xubnaha golaha wasiirrada iyo hogg aanka xisbul-xaakimka, arrintaasoo ay ku tilmaameen mid halis gelin karta dalka oo xilligan cadaw badan leh haddii aan si degdeg ah xal looga gaadhin.

Sida ilahaasi xaqiijiyeen waxay xubnahaasi Madaxweynaha ka codsadeen in loollanka laga dhex saaro xisbig a KULMIYE oo si hawlaha qaranka iyo horumarka dalka loogu soo jeedsado, masuul kastana loo daayo goobta uu xilka kayo, hadday tahay Madaxweynaha, Guddoomiyaha KULMIYE iyo Wasiirka Maaliyadda, isla markaana masuul waliba ku eekaado hawsha xafiiskiisa, wax farogelin ahna ku samayn dhinacyada kale, arrintaasoo la xusay in Madaxweyne Siilaanyo aqbalay.

Waxa kaloo il-wareedyadu tilmaameen in kulankaas kadib Madaxweyne Siilaanyo guddi dhalasho ahaan ka soo jeeda bariga Burco (Habarjeclo) oo isugu jira xildhibaanno iyo masuuliyiin kale uu u xilsaaray inay Wasiir Samaale ka dhaadhiciyaan, una sheegaan inay degaan ahaan iyo beel ahaanba si buuxda u taageersan yih iin in aan guddoomiyenimada KULMIYE lagula tartamin Md. Muuse Biixi Cabdi, sidoo kalena wax dan ah ugu jirin kala qaybsanaanta xisbiga, guddidaas oo xalay gurigiisa kula kulmay Wasiirka Maaliyadda, una gudbiy ey farriinta Madaxweynaha oo nuxur ahaan xambaarsanayn inay taageersan yihiin murrashaxnimada Biixi, waxaanay Wasiirka kula taliyeen inuu wasiirnimadiisa ku ekaado, kana tanaasulo damaciisa murrashaxnima da guddoomiyenimo ee KULMIYE.

Madaxweynaha Somaliland ayaa la sheegay inuu isla xalay u yeedhay Wasiirka Maaliyada markii la gaadhs iiyey farriinta ay sideen xubnaha ka soo jeeda beesha bariga Burco, isagoo u gudbiyey mowqifkiisa ku aad dan in aannu jeclayn in Muuse Biixi lagula tartamo guddoomiyenimada KULMIYE.

Sidoo kale, waxay guddiga beesha bariga Burco oo uu horkacayey Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aad an, kulan la yeesheen isla xalay guddi ka tirsan beesha Habar Awal ah oo ay ku jireen Guddoomiyaha KUL MIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdillaahi Cum ar, xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo xubno kale, iyagoo Guddoomiyaha Guurtida iyo xubnaha beeshiisu u she egay hoggaamiyaha KULMIYE iyo ergada wehelinaysay in aanay Madaxweyne Siilaanyo iyo beel ahaanba (Habarjeclo) ogolayn cid Muuse Biixi kula tartanta guddoomiyenimada xisbiga talada haya.

Md. Saleebaan iyo xubnaha beeshiisa ee wehelinayey, waxa kale oo ay Muuse Biixi iyo masuuliyiinta Habar-awal ku wargeliyeen in mowqifka Madaxweynaha Somaliland yahay in aannu Cabdicasiis Samaale oo wasiir ah la tartami karin Guddoomiye Biixi, isla markaana looga fadhiyo inuu kala doorto xilkiisa wasiirnimo iyo damaciisa murrashaxnimo, iyagoo ergada beesha bariga Burco u sheegeen Madaxweyne Siilaanyo, in haddii Md. Samaale xilka wasiirnimo iscasilo oo uu tartanka galo iyo haddii kaleba ay markasta taageeradooda la barbar taagan yihiin sidii Muuse Biixi loogu dooran lahaa guddoomiyaha KULMIYE, arrintaas oo guddiga bee sha Habar-awalna aad u soo dhoweeyeen.

Dhinaca kale, ilaa hadda si rasmi ah looma oga natiijada uu ku dhammaaday kulan xalay dhexmaray Madax weyne Siilaanyo iyo Wasiirka Maaliyadda, kaas oo la sheegay in lagaga dalbaday inuu ka tanaasulo tartan ka guddoomiyenimada KULMIYE, kuna ekaado wasiirnimadiisa amma si degdeg ah xilka isaga casilo, balse ilaa 48-ka saac ee soo socda ayaa la filayaa in arrimuhu si buuxda u kala caddaadaan.

 


Ibrahim Khadar Saeed
Hargeysa,Somaliland