Musharax iska casiley Urur Siyaasadeedka Xaqsoor, oo ku biirey Xisbiga New Ucid.

 



Musharaxasi is casiley ayaa taageeradiisii iyo cududiisii ku wareejiyey Musharaxa C/Raxam aan Muxumed Baadil (Cabdi Biid)....


Gabiley (TNN) Musharaxa Ka Tirsanaa Urursiyaasadeedka Xaqsoor Ayaa Maanata Iscasiley Kuna Biirey Xisbiga New Ucid, Musharaxan Iscasiley Ayaa Xafladabaaladhan Oo Kulmisay Taageeryaasha Xisbiga Ucid Oo Loogu Qabtey Hotel Askar Ee Magaalada Gabiley .

Musharaxasi Iscasiley Ayaa Taageeradiisii Iyo Cududiisii Ku Wareejiyey Musharaxa C/Raxa maan Muxumed Baadil (Cabdi Biida) Oo Ka Mid Ah Musharaxiinta Xisbiga Ucid Uga Sharaxan Degmad Gabiley.

Ugu Horeyn Waxaa Xafladaasi Ka Hadley Caaqil Gaydh Oo Soo Dhaweeyey Musharaxa Tana asuley Uguna Duceeyey Badal Khayr Qaba.Waxkale Oo Halkaasi Ka Hadley Musharaxiinta Xisbiga Ucid Uga Sharaxan Gobolka Gabiley Waxayna Dhamaantood Ku Dheeraadeen Ahmiy ada Ay Leedahay Wada Shaqaynta Iyo Isku Tanaasulku.

Waxkale Oo Halkaasika Hadley Musharaxa Shacayb Maxamed Muxumed Waxaanu Yidhi ‘’ Gabiley Waxay Caanku Tahay Isbadalka Maanta Waxaynu Dooraneynaa Xaashi Cad. Waad Ogtihiin In Xisbiga Kulmiye Dhagaha Ka Fureystey Shacabkii Reer Gabiley Ee U Baahnaa In Waxloo Qabto,Maanta Waxa Loo Bahan Yahay Inaad Codkiina Ugu Deeqdaan Xisbiga Ucid.

Wax kale Oo Halkaasi Ka Hadley musharaxa Tanaasuley Mustafe Isaaq Yuusf Rooble Waxa anu Yidhi ‘’ Maanta Laga Bilaabo Waxaan Cududeydii Iyo Taageeradeydiiku Wareejiyey Wal aalkay Ca/Raxmaan Muxumed Baadil Oo aan Garab Istaagayaa Waxaan Ku Biirey Xisbiga A qoonta Cusub Ee New Ucid .

Waxkale Oo Halkasi Ka Hadley Xogahaya Xisbiga Ucid Ee Gobolka Gabiley Aadan Maxamed X.Aadan (Aadan Wali) Waxaanu Yidhi ‘’Waxaan Aad Usoo Dhaweynayaa Musharaxa Tanaasuley Ee Taageeradiisii Iyo Cududiisii Ku Wareejiyey Cabdi Biid.Ilaahay Badal Wanaagsan Hakusiiyo Adigu Shaley Reer Gabiley Udub Baan Ku Kariwaayey,Dadku Waxay Xisbiyada Ugu Jiraan Waa Danta Guud Maanta Xisbiga Kulmiye Umadii Buu Kalaqaybiyey Lacagtii Baanka Gabiley Ayuu Ku Olaleynayaa Oo Dadka Lagu Laaluushayaa.Madaxweyne Siilaanyo Marna Booramuu Inoodhaafaa Marna Wuu Ina Sii Dhaafaa Taasi Maynu Muteysan.Xataa Salaanta Inagama Qaado Siilaanyo Markuuwada Marayo.

Gabagabadii Waxaa Xafladaasi Soo Afmeerey Gudoomiyaha Xisbiaga Ucid Ee G/Gabiley C/R ashiid Muxumed Qalinle Waxaanu Si Xamaasadeysa Usoo Dhaweeyey Musharaxa Tanaasu ley Una Muujiyey Soo Dhaweyn Diiran Iyo Waji Furan Waxaanu Yidhi ‘’ Aad Baan Kuu soo D haweyneynaa Maanta Laga Bilaabo Waxaad Ka Mid Tahay Xisbiga Ucid, Sidoo Kalena Wuxu u Umahad Celieyey Taageerayaasha Xisbiga Ucid Sida Ay Ugu Heelan Yihiin Xisbigooda
 

 


C/Raxmaan Xaaji
Timaacde News Desk
Gabiley ,Somaliland