War Deg Deg Ah: Siyaasi Cabdalle Xaaji Cali Oo ah Nin Aaminsan Mabda’a Somali-weyn Oo Lagu Xidhay Garoonka Magaaladda Hargeysa

 


Masuulkan ayaa Xilal kala Duwan ka soo Qabtay Dawladda Somaliya, waxana uu Xubin ka noqday Baarlamaanka Federal ka iyo



Hargeysa (TNN)- Siyaasi Cabdalle Xaaji Cali oo ah Siyaasi reer Somaliland ah balse aamins an mabda’a Somali-weyn ayaa Saaka lagu Xidhay Garoonka Diyaaradaha Hargeysa, wakh ti uu ka soo degayay Madaarkaas.

Saraakiisha Somaliland oo wax laga weydiiyay Xadhiga Siyaasigan ayaa ka gaabsaday in ay wax tafaasiil ah ka bixiyaan.

Masuulkan ayaa Xilal kala Duwan ka soo Qabtay Dawladda Somaliya, waxana uu Xubin ka noqday Baarlamaanka Federal ka iyo Wasiir ku xigeenka Xukuumadihii kala Danbeeyey ee Dawladda Ku Meel gaadhka Somaliya.

Siyaasi Cabdalle Ayaa ilaa iyo hadda waxa uu ku xidhan yahay Saldhiga Madaarka Hargey sa.

Si kastaba ha ahaatee Cabdalle Xaaji Cali ,ayaa Xilal ka qabtay Magaaladda Berbera, wax ana uu wakhti ka noqday magaaladda Berbera Maayir, inkasta oo uu markii danbe uu ta gay Dalka Somaliya, taasi oo uu mabdi'iisii isku badalay in uu aamino mabda'a Soomaali w eyn.


Masuulkan ayaa waxa ay isku diyaarad Saarnaayeen Siyaasi Jaamac Maxamed Qaalib (Ja amac Yare) oo ah nin ka soo hor jeeda Mabda’a Somaliland.
 

 


Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa Office