Alle Ha u Naxariiste Siyaasi Cismaan Caato Oo Geeriyooday Magaalada Muqdisho

 

 


Muqdisiho (TNN):- Magaalada Muqdisho waxaa goor dhaw ku geeriyooday Xildhibaan Ci smaan Xasan Cali Caato oo ka mid ahaa mudanayaasha baarlaaanka Soomaaliya.

Cismaan Caato ayaa ehelkiisa waxay BBC u sheegeen in xannuun uu horey u qabay aan ay jirin balse lagu soo booday. Waxa uu ku geeriyooday 4-tii galabnimo gurigiisa oo ku yaal degmada Hodan.

Cismaan Xasan Cali Caato waxa uu ahaa nin ganacsade ah, laakiin waxa uu ka mid ahaa hoggaamiyayaashii dagaalka Muqdisho waxaana uu gacan midig u ahaa General Maxam ed Faarax Ceydiid, isagoo xagga dhaqaalaha ka taakuleyn jiray.

Laakiin markii danbe waxaa isaga iyo Ceydiid soo kala dhex galay khilaaf kaasi oo keen ay inuu dhex maro dagaal culus labadii maliishiyo ee ay kala hoggaaminayeen.

Source: BBC Somali