Burco waa hoyadii xoriyadda ,Qaranimada ,sharafta iyo gooni isu taagga Jamhuuriyadda Somaliland,qabyaalad iyo af xumana ma geydo

 

 

Marka hore waxaan salaamayaa dhammaan shacbiga walaalahayga ah ee reer Somaliland,waxaan dhammaantiin Allaha weyn idiinka rajaynayaa inuu idin waafajiyo liibaanta aakhiro iyo ta adduuny o labadaba.

Waxaan kale oo aan u mahad naqayaa , una hambal yeynayaa dhammaan saxaafadda Somaliland, inta dareenka leh ee dalkeeda iyo dadkeedba habeen iyo maalinba u shaqeyneysa.

Aan soo bandhigo dulucda qoraalkaygan ,oo aan rabo inaan wax ka idhaahdo hadalada ka soo  ye edhay ninka lagu  ma gacaabo Maxamed Cabdi Daauud, Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex,caasim adda Somaliland ee Hargeysa.


Weedhahaasi oo aan ka dhegeystay Radio Horyaal,habeenkii Khamiista,bisha January 14, 2010, waxaa ka mid ahaa," Reer Hargeysa iyo magaalooyinka kaleba dad wanaagsan wey leeyihiin,laak iin inta qaska,carroogga iyo bilaawaha ka dhex wadda Golaha Guurtida waa reer Burco,far baana ku godan reer Burco iyo annagu Cabdi waraabe iyo Sheekh Ibrahim baanu keenaye cid u dhigma reer Burcooy keena."

Wareysigaas oo dhammaystiranna dhagahaaga ku maqal akhristaha/akhrisatada sharafta iyo qadarinta  mudanaw/mu daneey , waana kan:
 


http://horyaal.net/audio/2010/01/2010-01-14-00.mp3




Hadaladaasi runtii aniga aad bay ii damqeen, in shaqsi masuuliyad ummadeed lagu magacaabay uu inta uu afka kala  qa ado,uu hadladaa xajiimeysan,qabyaaladaysan, uu si dheel dheel iyo faan faan ah, uu afka ku kula waaxo,waana nasiib darro,garaad xumi,qof walbba oo dareensan  xanuun kii , dhibtii iyo halgankii dalkan loo soo marayna wey damqaysaa, damiir laawana warkii dhaaf.

Waxaa kale oo laga wada war hayaa , in roobkii da'aaba weli dibadda u soo saarayo lafihii walaala deenii baadilka,xaq darrada iyo xasuuqa ku leeday,marnabana kamaan fileyn, in xumaanta intaa leeg ay dadka qaarkii caloosha uga buuxdo , oo Burco ama Hargeysa la kala sheegto.waana sida ay rabaan cadawga Somaliland in laynoo kala qo qobo,ka dibnna dawladnimadii ,aqoonsigii,nabadi i,qaranimadii,intaba la waayo , oo ta Muqdisho ka dhacaysa u soo guurto ardaageena, Allahayaw adaan magantaa nahay.


Sidaan la wada soconno, umaddi waxay horumartaa ama meel gaadhaa , kolba inta ay leeg tahay aqoonta , waxbarash ada iyo khibaradda muwaadiniinteeda iyo masuuliyiinteeda.

Haddaba anigu waxaan soo jeedin lahaa in shaqsiga masuuliyad loo igmanayo lagu qiimeeyo:

1-Aqoontiisa iyo khibradiisa een loo eegin qabiilka uu ka soo jeedo
2-Garaadkiisu inta uu leeg yahay
3-Inta ay daacadnimadiisa iyo caadilnamdiisu leeg tahay
4-Inuu ka fayaw yahay xanuunka dilaaga ah ee Qabyaaladda
5-Inta ay leeg tahay lexa jeclada uu u hayo hantida iyo ma guurtada dalkiisa
6-Inuu yahay shaqsi u naxariista maatida iyo inta jilicsan
7-Inuu yahay shaqsi dalkiisa iyo ummadiisa u daacad ah
8-Inuu yahay shaqsi ka shaqeeya wixii umadda walaaleeya iskuna soo dhaweynaya
9-Inuu yahay shaqsi ka fogaada wixii umadda kala qaybinaya



Ta kale Badhasaabku ,wuxuu ka dhawaajyey magacyada rag sharaf iyo qiimo weyn u leh dalkan iyo shacbiga  Somalilan d,taariikhda ma guurtada ahna baal dahaba kaga qoran, sida Xaaji Cabdi waraaabe iyo alla ha u naxariistee sheekh  Ibr ahim Sh Yuusuf Sh Madar, oo uu yidhi annagaa (reer Hargeysa) keenay.


Bal haddaba, Badhasaab aan islla eegno
 Hanadadan aan kala dhicin, ee Gobolka Tog-Dheer ka soo jeeda:


1-Mujaahdi Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) (Tog-Dheer)
2-Mujaahid Cabdiraxman Axmed Cali (Tuur) AHUN ( Tog-Dheer)
3-Mujaahid Saleebaan Maxamuud Adan (Saleebaan Nuur) ( Tog-Dheer)
4-Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal AHUN (ku dhashay Oodweyne Tog-Dheer)
5-Mujaahid Maxamed Kaahin (Tog-Dheer)
6-Xaaji Cabdi Cawed Cali (Indhadeero) AHUN (Tog-Dheer)
7-Mujaahid Maxamed Cali AHUN (Tog-Dheer)
8-Mujaahid Cabdillahi Ibrahim Dhugad (Tog-Dheer)
9-Mujaahid Maxamed Xaashi “Lixle” AHUN (Tog-Dheer)
10-iyo halyeeyo aanan halkan ku soo koobi karin (Tog-Dheer)


Badhasaabka waxaan xasuusin lahaa in Burco tahay, hooyadii  xoriyadda , Qaranimada ,sharafta iyo gooni isu taagga  Jamhuuriyadda Somaliland, kana dhasheen halyeyo naf iyo maalbba u soo huray nabaddan aad maanta ku  naaloonay so, ee aad Hargeysa Badhasaabka kaga noqotay.


Waxaan ku soo gaba gabaynayaa qormadan, Gabaygii ilaahay naxariistii  Janno fardawsa ha ka waraabiyee,halyeygii   Cabdillahi Suldaan  Timacade, ee uu lahaa, " Dugsi ma leh qabyaaladi ,waxay dumiso mooyaane.



 

 

DUGSI MA LEH QABYAALADI WAXAY DUMISO MOOYAANE

 


Dabuubtiisa gabay waan ka tagay dihashadiisiiye
Dubaaqayga waataan ka jaray waa fog dabadeede
Shin kastood daleed uga baxdoo nabar is-diidsiiso
Dibnahaagu shaygay bartaa waad ku dayataaye

******

Haddii gole dabbaaldeg iyo farax loo dalbado maalin
Oo loo duddeeyoo khalqigu daawasho u joogo
Uu mid aan daryeelini xakame daamanka u geliyo
Uu duulin orodkuu lahaa dalacsi siin waayo
Uu cidhibta darrandoorriyuu duubo madaxiisa
Debcin maayo oo wuxuu ka baqan inuu ka duulaaye

******

Haddaad adigu daacuun ku tahay dooddan iyo baacin
Gacmaha waa ka daayaa ninkii fuulmo daashade
Jeeroon direyska u gashoon dibeda soo taago
Daleen aniga iigama tagee waa dig siin jiraye

******

Waxaan gabayga deelka iyo laftiyo diirka uga qaaday
Dadka waxaan ogaysiinayaa dowgu suu yahaye
Soomaaliday dayaya wanaag idinka doorsoonye


******

Docda bari, dorooriga baddiyo Seylac deriskeeda
Dusha koonfureed iyo ilaa wabiga daaciisa
Degmadeena oo iil haddaan dayey abwaankeeda
Nimaan duubiyadu naafo noqon deelka laga waaye

******

Dul iyo hoosba waan ugu dhigay waa dixdhagaxeede
Anuunbaa damqanayee dhaguhu uma daloolaane
Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga dooni laga saaray
Wixii hore usoo daashaday bay degashanaysaaye

******

Doc hadday u wada jeedsatooy dhowrto danaheeda
Ooy duul walaala ah tahay ooy duunka ka heshiiso
Dadka kama yaraateene ways dabar jaraysaaye
Dubba madaxa wayskala dhacdaa daa'in abidkiise
Goortay is wada dooxatay baa daad u soo geliye

******

Ubadkiinii waad daadiseen waana dubateene
Dubaaxdiisii waad wada cunteen duhur dharaareede
Dariiq toosan Soomaaliyey waa lagaa deyeye
Darajada Ilaahay ninkii doonayaa hela e
Nin ka duday distoorkioy waxyiga diinti ka carrowye
Dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

******

Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo daynin kala qaadka
Dibaddaan ka joognaa sharciga daacadda Ilaahe
Danbarkeedu waa Jahannama iyo dogobkii naareede
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

******

Dir dir la isu laayiyo intaan weerar daba joogno
Ooy dumarku weerkii sitaan danabadii waayey
Uu sida dureemada u yaal meydku dibaddiinna
Wallee doogsan maysaan haddaad dunida joogtaane
Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

 


 


 

Engineer: Mohamed Ali Muse