Taageryal ku so biiray Kulmiye oo si her sare
lo soo dhoweyey

 


Burco (TNN)- Xisbiga mucaaradka ah ee kulmiye ayaa taageeryaal aad u badan oo ku soo biiray kusoo dhaweyay magaaladda burco ee xarunta gobolka togdheer, taageerayaashan oo ahaa taageeryaal ka soo jeeda beesha galbeedka burco ayaa loo sameeyey munasibad ballaadhan oo soo dhoweyn ah.

Munaasibadan oo si aad ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay hotel city plaza ee  magaa ladda burco, taageeryaashan ayaa ka koobnaa 2 dalalood oo midkastaaba ka kooban  tah ay 24 urur oo ka tirsan ururadda bulshadda rayidka ah ee gobolka togdheer .

Munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyin sar sare oo kas ocda Xisbiga Kulmiye ,culumo awdiin,cuqaal iyo marti sharaf kalo badan.

Waxy dhamaan halkaasi kaga hadleen taageerda ay u hayaan iyo soo dhoweynta qiimaha leh ee ay u hayan dadka reer somaliland ee ku soo biiray Xisbiga Kulmiye, waxayna uga mahad celiyeen kusoo biiritaanka ay ku soo biiren taageerayaashani.

Afhayeenka xisbiga kulmiye Mudane maxamed kaahin axmed oo madashaasi ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan taageerayaashan kusoo biiray, wuxuuna sheegay cidda ku soo biirta xisbigan inay tahay had iyo goor cid garowsan halka dantu ku jirto, lana socota bu yidhi waxa dalka haysta oo ah dhibaatooyin tiro badan.

Afhayeen maxamed kahin waxa uu dhaliilay xadhiga chief caaqil maxamed cige axmed oo uu sheegay in ay xisbiga udub iyo xukuumadu ku xidheenka dib markii uu kusoo biiray  xisbi ga Kulmiye todobaadkii hore.

Guddoomiyaha xisbiga kulmiye ee gobolka Togdheer sahal adan maxamed oo munaasibadda ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan taageraaysaasha ku soo biiray ayna rajaynayaan inay qaarkalenna ku soo socdaan .


Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer Maxamuud Salaan Faroole ayaa isaguna sheegay in ay tageerayaashan ku soo biiray soo dhaweynayaan, waxaana uu cambaareeyay maamulka Gobolka Togdheer oo oo uu sheegay in caaqil ka mid ah  cuqa asha gobolka Togdheer xabsiga u taxaabeen todobaadkan aynu ku jirno.



Waxana uu ugu Danbayntii Guddoomiye ku xigeenka KULMIYE gobolka Togdheer u soo  jeed iyay maamulka gobolka Togdheer, in ay xabsiga ka sii dayaan caaqilka oo ay sharaftiisa iyo xoriyadiisa u soo celiyaan


Dallada Soydo aya ka mid ah dalladaha ku soo biiray Xisbiga Kulmiye, ayaa Guddoomiye ku xigeenka Dalladdaasi Soydo oo hadalo kooban ka jeediyey munaasibadda uu sheegay inay xisbiga ugu soo biireen ka dib markii ay xisbiga udub ka waayeen wax u qabadka  dhalinyar a dda iyo la socodka qaybaha kala duwan ee Bulshada,aanuna aragnay bay yidhi in  hawla ha NGO yada aan laga taageerin dhinaca dawladda ama xisbiga Udub.


SAYNAB xaji Maxamed oo ka mid ah xubnaha u soo diga rogtay Kulmiye ayaa xisbiga UDUB ku dhaliishay in ay ku han-waynaayeen in ay UDUB wax qabad intan ka balaadhan Dalka iyo dadka u qabanyso.kadib markii sidaas laga waayay Xukuumaddana waxaan go'aansanay bay tidhi in xisbigan kulmiye aanu ku soo biirno, oo anu is leenahay horumarkii isaga aya  k eeni kara .

Taageeryashan ayaa noqonaya taageryaashii 2aad ku soo biira xisbiga Kulmiye muddo  to ddobaad Gudihii ah waana xafladdii 2aad ee loo qabto taageeryal ku soo biiray xisbiga  Kul miye Muddo kooban.Arrintan ku biiritaanka xisbiga kulmiye ayaa muujinaysa taageerada uu ku leeyahay xisbigu Gobolka.

Ugu danbayntii munaasibadda aya ahayd mid ku soo dhammaatay jawi farxadeed oo deg gen.






Hibo Jamac Cali
Timacade  News Network TNN
Burco Somaliland
hibo008@hotmail.com