SAYNA OO SOO GEBO GABAYSAY AQOON IS WEYDARSIGII DHAL INYARADA AY U WADDAY IYO WACDARIHII XAFLADDA XALAY.
 

Burco (TNN)-Munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo lagu soo xidhayey aqoon is weydaar siyadii SAYNA,ayaa xalay lagu qabtay HOTEL BARWAQO, waxa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka kala socday axsaabta qaranka,Kulmiye ,UCID UDUB, Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame HADRAWI, Madaxda Hay’adaha, Ururada, iyo dalladaha UNICEF, Havoyoco, SYS, Soydavo, To goyovo, TAF, Tawfiiq, Unita, iyo Nagaad,Halkaraan,Unuga waddaniyadda, iyo urur  dhaliny areedka Toydo.

Ugu horayn waxa munaasibadda ka hadlay Guddomiyaha Dallada isku xidhka dhalinyarada Somliland ee Debedda Iyo Gudaha ee SAYNA, Mr.Mustafe Osman A/rahman, oo ka  warrama y marxaladihii kala duwanaa ee uu soo martay Dalladani, isagoo sheegay in ay ku so  bilaabe en qaab Urur ahaan ah, balse buu yidhi imminka ay isu bedeshay Dallad, isagoo ujeedka ay isugu bedeshayna ku sheegay, kadib markii barnaamijyo aqoon is weydaarsi iyo dood  cilmiy eed isugu jiray oo ay ka bilaabeen Gobolka Togdheer, kuna kulansiiyeen dhammaan da’yarta qaybaheeda kala duwan, halkaasna ay ka timaado in la isla qaato fikiradii dhalintu halkaas ka soo jeedin jirtey qar ka mid ah in la dhaqan geliyo, kaas oo ahaa in la sameeyo dallad ay ku midaysan yihiin dhalintu oo ka shaqaysa isku xidhnaanshaha dhalinyarada, halkaasna ay SAYNA ku noqotay Dallad ay illaa hadda ku midaysan yihiin Ururo dhowr ah oo ka jira  Gobo lkani Togdheer.


Guddomiyaha SAYNA oo sharaxaad ka bixinayay caqabadaha dhalinyarada haysta iyo  ujee dkooda waxa hadaladiisii ka mid ahaa "Dhalinyaradii waxa ku dhacday shaqo la’aan, waxa ku dhacay Cudur Qabyaalad la yidhaa oo xagga dadka waaweyn nooga yimi, waxa ku dhacay Cudur Balwado iyoMakhaayado Fadhiisi isugu jira,waxa ku dhacay cudur casri ah oo Tahriib la yidhaa, sidoo kale dhalinyaradu waxay noqotay sida xayawaanka EY ga oo kale, waxaana loo adeegsadaa wax kasta oo qof wayni ka xishoodo, waxa la gu yidhaa Rabshado abuura oo isu soo bax sameeya, waxa lagu yidhaa is qarxiya si jannada aad u tagtaan, waxa lagu yidha sidan iyo sidan yeela…….. waxaasoo dhanna Dadka dhalinyarada u diraya haddii iyaga la yidhaa bal idinku sameeya,ma samaynayaan, maxaa dhalin yaro mustaqbalkeena loogu ciyaarayaa? maxa la inoogu adeegsanayaa sida xayawaanka? Maxaa sumcaddeena Baaba’a ka dhigay? Waxaasoo dhan waxa isugu wacan innaga, haddaan nahay dhalinyaradii  somalil and, waxan lagu ciyaarayo ee odayaasha iyo dadka gaboobay isku laynayaan waa  mustaq balkeeni, dhalinyaro midaysnaan baa danteenu tahay, iskuxidhnaan iyo wax isu sheeg  dhex deena ahbaa danteenu ku jirtaa" ayuu ku yidhi Guddoomiyuhu khudbadiisa,isagoo sii qiiro leh dhalinta u wacyi gelinayay, dadkii isugu jirey masuuliyiinta, dhalinta iyo haweenkabana  qalb igooda aad u ruxay.wuxu sidoo kale munasibadda ka xusay masuuliyiin badan oo dawladda ah oo ay so marti qaadeen ina ay u iman waayeen, sababtana anay garanayn, isago sidoo kale xusay 3-da xisbiba lagu soo martiqaday balse xisbiga UDUB masuuliyintoodi sare oo dhan ay waayen lana sheegay in Hargaysa ay ku maqan yihin dhammaan.

Waxa isna munasibadda ka hadlay Abwaanka Weyn ee Maxmed ibraahin warsame  HADRA WI, oo dhalinyarada ku booriyey, aqoon korodhsi, iyo inay isku xidhnaan la yimaadaan ama ka qayb qaataan isku xidhkan,wuxuuna halkaas uga soojeediyey maansooyin iyo gabayo  du ur xul ah.

Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Mujahid Maxamed Kahin axmed, Guddomiyaha xisbiga Ucid ee Gobolka Togdher Cisman Afgab, Fadumo Maxmed Cigaal oo madaxa dallada TOWFIIQ(TWA) ahna Madaxweynihi hore ee Somaliland Max’ed X.ibrahin Cigaal Inaadeertii Ruma, iyo sidoo kale mid ka mid ah masuuliyinta Machadka Siitco College, iyo macalimiinta Jaamacadda Golis Qaybteda Burco Eng:Khadar Maxmed C/laahi, oo iyana dhammaantod munasibadda ka hadlay ayaa soo dhoweyey da’yarta ku midaysan dallada SAYNA, iyagoo ku booriyey inay ka wada shaqeeyaan wixii dantooda ah ama ka dhalinyar ahaan khuseeya.

mid ka mid ah xubnaha Dallada SAYNA,isla markaasna ah Guddiga Dhaqaalaha ee SAYNA, ay aa u sheegay masuuliyiintii iyo marti sharafti madasha fadhideyba in SAYNA ay rabto inay qabato Barnamij ballaadhan oo lagu xusayo 18 May, wuxu ka codsaday masuuliyiintii  mada sha fadhidey in ay kala qaybqaataan munasibadda ay rabaan in ka dhalinyar ahaa ay  qabt aan, oo noqonaysa mid aad u ballaadhan oo dhalinyarada ku magacaaban, sido kale Khadra sahal oo ka mid ah xubnaha SAYNA ayaa iyana ka warrantay kalinta ay haweenku ku  lee yihiin ama kaga jiraan dalladan SAYNA, waxayna hambalyaysay Marwo Hodo A/rahman Yusuf oo ah Agaasimaha Dallada SAYNA oo ku sugan Hargaysa.

Ugu danbayntii munasibadda oo la isku dhaafsaday hadalo kaftan iyo farxad ba isugu jiray ayaa lagaga soo dareeray weji farxad badani ka muuqatay.
 




Nafiisa ciIse Yusuf (Kalgacal)
Timacade News Network TNN
Burco somaliland