Burco : Abwaaniinta Da’yarta ah ee Burco iyo Suxufiy iinta da'yarta ah oo ku kulmay Madal Aqoon is weydaarsi,iyo wacdarihi ay ka dhigeen

 

 

Burco (TNN)- Hoolka weyn ee jaamacadda Golis Burco ayaa shalay lagu qabtay aqoon is weydaarsi iyo Dood Cilmiyeed uu soo qaban qaabiyey Ururka Isku Xidhka dhalinyarada Somaliland ee Debedda Iyo Gudaha ee SAYNA.

Munaasibaddan kulmisay dhalinyarada abwaanada ah iyo suxufiyiinta yar yar ee hadda sida cadceeda uga soo dhex mudhay bahda saxaafadda ayaa ahayd mid si weyn lo soo agaasimay,waxaana ugu horayn halkaa warbixin ku saabsan ururka SAYNA ka akhriyey Abwaan C/laahi Siciid Cumar oo ka tirsan SAYNA, wuxuuna dhalintii ay isaga isku  abwaa nada ahaayeen iyo saxfiyintii ba fahamasiiyey si weynna ugu sharaxay hadafka SAYNA loo aasaasay iyo waxa ay SAYNA rabto, isagoo sheegay in SAYNA dadaalkeedu aanu intan ku koobnayn, siina wadi doonaan dadaalka ay ugu jiraan dhalinyaro isku hadaf ah oo isku xidhan, wuxuu sidoo kale sheegay abwaanku in dad badan is weydiin karaan yaa maal geliya ama Fun gareeya SAYNA, iyadoo xattaa su’ashaas nala waydiiyey ayuu yidhi , balse waxaan leeyaahy buu yidhi "annaga cidina nama fun farayso cidina nama maalgeliso, hawlahanina waa kuwii noogu yar yara ama bar bilowga noo ahaa kuwo ka waawayn intan ayaan qabanaynaa oo qorshaha noogu jira" mar uu ka hadlay halka SAYNA dhaqaalaha ka heshona waxa uu yidhi "dhaqaalahana dhlinyarada ku midowday Networkan ama ururkan ayaa iska ururiya ee cid aan SAYNA ahayn oo $1 Dollar nagu darsataa ma jirto ama meel kaloo dhaqaale nooga yimaada ma jirto" mar uu dhalinta ku boorinayay inan midooban waxa u yidhi "waxaan Tusaynaa dad badan oo is leh dhalinyaro aan la maalgelin waxba ma qabsan karaan, in iyadoo aan la maalgelin ay wax qabsan karaan haddii dhowr dhalinyaro ahi meel isugu tagaan, Dhalinyaradu iyada ayaan isku xidhnayn oo ad u kala fog, haddii la helo dhalinyaro isku xidhan oo isku mawqif ahna wax badan aya u qabsoomaya dhalinta dalka somaliland, markaa dhalinyarada waxan kula talin lahaa aynu Gacmaah is qabsano oo waxyaabahan la inagu afuufayo aynu ka fogaano oo jaaniska iyo fursada yaynaan iskaga ciyaarin, cidda inagaga ciyaaraysana aan meel uga soo wada jeesano" ayu ku so gabagabeyey hadalkiisa abwaanku.

waxaa si toosa loo bilaabay doodii iyo aqon is weydarsigii ku saabsanaa midaynta dhalinta somaliland,waxaana wacdaro ballaadhan madasha ka dhigay abwaanadii da'yarta ahayd, iyagoo soo burqaday maansooyin iyo suugaan ay in badan kaydinayeen oo ku wajahan dhalinyarada.

Abwaanadan da’yarta oo maansooyinkooda iyo gabayadooduba ay dhinac walba  taabana yeen waxay haddana gaar ugu sii dheeraanayeen, sidii dhalintu u midoobi lahayd iyo sidii dhalinyarada loogala dagaalami lahaa qabyaladda,tahriibta iyo balwadaha. Sidoo kale waxay maansooyinkooda ku cabiryeen dhalinta ragga ah ee dhinacyada xiirta,iyo dumarka isticmaala dawooyinka ama is cadeeya, iyagoo si weynna ugu wacy geliyey ka fogaanta waxyaabaha dhalinta aan danta u ahayn.


Madashan oo ay maanta isku barteen inta badan saxafiiyiinta da’yarta ah ee Burco iyo abwaanada da’yarta ah ee Togdheer ayaa ahayd mid si weyn loogu lafa gurayay SIDEE LOO MIDAYN KARAA DHALINYARADA SOMALILAND, waxaana maskax,muruq iyo maalba isugu daray dhalinyarada reer somaliland ee ku midowday Ururka SAYNA, oo bilahan u danbeeyey waday hawlo ballaadhan oo dhalinyarada lagu midaynayo.


Aqoon is weydaarsiyadan iyo dood cilmiyeedkan ay SAYNA waddo bishan April illaa  Bilow geedii ayaa is baray dhalinyaro badan oo aan is aqoon horena isu arag, iyagoo  Dhalinya rada SAYNA laftoodu sheegay in ujeedkooda u weyn ee ay u qabtaan kulamadan ay tahay in dhalinta la is baro aqoon baddana la kala faaido.



Hibo Jama Ali

Timacade News NetworK TNN
Burco Somaliland
Hibo008@hotmail.com