Bridging culture & development between Somaliland
& the Netherland

 



Holland (TNN)-Shir ay soo abaabuleyn ururka nomad ee wadanka Holland ayaa waxaa lagu soo  ba ndhigay Buugaagi ay soo qoreen aqoon yahayno reer Somaliland ah. Munaasabadaasi oo ahayd m id si weyn loo soo agaasimey. Waxaa ugu horeyn halkaasi ka hadley Guddoomiyaha Somaliland Soc iety ee Europe. Mr Abdirahman Abdi Jibriil, waxa uu marka hore u mahadnaqay dhalinyartii soo di yaarisey shirkan iyo dadweynihii ka soo qayb galey. Waxanu ugu baaqaya dhalinyarada Reer Som aliland ee qur-baha ku nool, inay mar welba niyada ku hayaan sidii ay wadankoodii wax u tari laha ayeen, iyo faaiidada ay leeyihiin shiraka noocan ahi.

Intaasi dabadeed waxa uu mic ku wareejiyey inanta  da' yar ee Quman Jibriil Ali, oo ka tirsan Kayd Somali Arts and Culture. Quman waxay si mug leh u sharaxday in dhalinyarada Reer Somaliland, m eel kasta oo ay joogaan ay ogaadaan inay yihiin mustaq-balka barito. waxaana loo bahan yahay ayey tidhi Quman Hadii la weydiiyo dhalinyarda yaa tahay? inuu ku jawaabo Somalilander ayaan ahay.

Waxay kula dar-daarayntay dhalinyardii iany ka fogaadaan Qabyaaladda oo ah cudur xun oo ku dh ex jira Qoomiyada Soomaaliyee.Qab-yaaladaasi oo ah bay tidhi cadawga horumarka.

Waxaa isna halkaasi war bixin aad u xiiso badan ka soo jeediyey aqoon yahay Jama Muuse Jama, kana waramay waxay tahay wadaniyadu, iyo sida loogu baahan yahay in dhalinyarada, loogu aba biyo, isaga oo hadalkiisii sii watana waxa uu Jama yidhi, "Hadii aynaan inagu caruuteeena wax u sheegin ogaada in cid kale wax ku shoban boonto isla markaasina u iscimaali doonaan si khaladan." Waxa uu Jaama Tusaale u soo qaatay oo uu yidhi dhalinyarada is qaxisaa bilash iskuma qaxiyaan, ee waxaa ka dambeeya mas-kax iyo kharash fara badan. Sidaas darteed, wxaa la inooga fadhiyaa inaan dhilinyaradeena inagu wax u sheego, kuna abuurom wadan jeceyl.

Waxaa halkasi lagu soo bandhigey Filmi Lagu magacaabo Codkii dhalinyarada Reer Soamaliland ee degan wadankii hooyo, filmkaas oo ay dhalinyarada reer somaliland ka doodayeeen waa maxay wa daniyadi,iyo sidii qabyaalada loog faan lahaa. ugu dambeyn waxay go'aan ku soo gunaanadeen wadani ay ay ku macneeyeen waa (wad-Dan).

Waxaa kale oo goobtaasi qayb libaax ka qaatay URURKA HOOYO WAA LAMA HURAAN, oo keenay Cunto aad u macaan,si weyna loogu farxay sida ay xilqaameen.

Waxaa ugu dambeyntii halkaasi lahu daawaday buug uu qoran aqoon yahay Ahmed Ibrahim Awale(Author of "QAYLODHAAN DEGAAN''. iyo qoraaga weyne kale Hasan Abdi Madar oo qoray (HAYB SOOC).
 



M. Y. Buux
Timacade News Desk
Holland