Boqor Buur-madaw Oo Labadda Xisbi Mucaarid Ku Tilmaamay In Ay Isku Beel Yihiin
 


Hargaysa (TNN):- Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw) ayaa sheegay in labadda xis bi mucaarid ee WADDANI iyo UCID,  ay yihiin laba xisbi oo ka soo jeeda isku beel, isla markaa na shirkan Qaran ee ay ku baaqeen u muuqdo mid Beelaysan.Waxaanu tilmaamay Buur-mad aw in is-baahaysiga mucaaridka ee dhinaca xukuumadda uu yahay mid ka baxsan heerkii Xis binimadda iyo Mucaarid-nimo, kaasi oo lagu fasiri karo arrin Beeleed.

.“Labadan Xisbi hal meel ayay ka soo wada jeedan beel ahaan, waxay u muuqataa si beelay san oo Xisbinimadii ka baxsan in ay wax u wadaan oo ay isku baahaysteen, waayo shir Qar an oo ay isu bahaystaan ma qabo, Mucaarid-nimona way ka balaadhan tahay arrintu, xisbin nimana way ka balaadhan tahay” ayuu yidhi boqor Buur-madaw oo khadka telefoonka ugu waramay shebekadda wararka ee Somaliland Today, isaga oo ku sugan magaaladda Dubai ee isku taga imaaraadka Carabta.

Boqor Buur-madaw waxa kale oo uu sheegay in cida keliya ee awood u leh soo jeedinta shir tallo qaran ay tahay xukuumada haddii la raacayo sida ku qaranka dastuurka, sidoo kalena la xisaabtanka xukuumadda ay xaq u leeyihiin goleyaasha qaranka. Waxaanu yidhi “la xisaa btanka Xukuumadda iyo joojinteeda waxaa iska leh golayaasha Qaranka, . Marka ay tallo qaran noqoto waxaa iska leh Xukuumadda sida ku qoran Dastuurkeena haddii aynu ixtiraam ayno”..

Sidoo kale Boqor Buur-madaw waxa uu tilmaamay in aanay xukuumadda waxba ku yeeli ka rin shirka Qaran ee ku baaqeen axsaabta mucaaridka ahi, isla markaana aanay aanu shacab ku ku raacaynin arrintaasi. “Anigu ma qabo inay xukuumadda wax ku yeeli karaan Shirkan qaran ee ay wadaan mucaaridku, cid ku raacaysa iyo cid u imanaysaana ma jirto”.


Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland